ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Baaq nabadeed oo ay soo saareen Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Waqooyiga Ameerika Toronto.

Posted to the Web  July 03, 2002

WQ.

Muhumad Maalim

muhumed@ureach.com 

 

Shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen hogaamiye dhaqameedyada, culumaa’udiinka, waxgaradka, haweenka, aqoon- yahanada iyo ururada kale ee bulshada ayaa waxaa laga soo saaray maanta oo ay bisha July tahay 7 sanadka 2002 baaq nabadeed oo ku baaqaya in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Baydhabo. 

 

Waxaa uu baaqaas ka koobna qodobada soo socda: 

1- In wixii khilaaf ah ee jiro lagu dhameeyo wada hadal, danta guudna laga hormariyo tan gaarka ah. 

2- In la joojiyo dagaalka si shuruud la'aan ah, lana badbaadiyo shacabka 

3- In la saaro gudi dhexdhexaad ah oo soo darso wixii bilaabay khilaafka iyo sidii loo xalin lahaa 

4- In si degdeg ah oo loogu hawlgalo dhamaystirka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Somaaliya 

5- In si wadajir ah looga shaqeeyo nabada iyo sidii looga hortagi lahaa wixii dhibaato u kenaya dadweynaha ku dhaqan degaanadaas. 

 

Waxaa isla baaqaas laga codsaday Dowlada Itoobiya in ay mawqif cad ka qaadato Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Somaaliya iyo in aysan soo fara gashan arimaha gudaha ee degaanka. 

Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Waqooyiga Ameerika


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka eeg emailkiisa bilowga qoraalka 

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:

Kor u noqo ama Ku Laabo Bogga Ra'yiga Akhristaha ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland/Go Back Home

 

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.