=
URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE =
= XARUNTA STOCKHOLM =
UHGJH/Q-10/02 Stockholm, 15/03/2002
KU:- DHAMMAAN AQOONYAHANNADA IYO WAX
GARADKA G/J/HOOSE.
DHAMMAAN ODAYAASHA IYO NABADOONNADA
GOBOLKA J/HOOSE.
DHAMMAAN HAWEENKA IYO DHALINYARADDA
GOBOLKA J/HOOSE.
DHAMMAAN GUDIYADA IYO JAALIYADAHA GOBOLKA
J/HOOSE.
OG:- DHAMMAAN KOOXDA CARTE IYO KOOXAHA
ISAGA SOO HORJEEDA
SIYAASADDA IYO MAAMULIDDA QARANIMADA
SOOMAALIYEED.
OG:- DOWLADAHA JAARAKA LAHA DALKA
SOOMAALIYA.
( KENYA, ITOOBIYA IYO JABUUTI).
OG:- URURKA BISHA CAS, LAAQAYRTA CAS IYO
HAY'ADAHA SAMAFALKA
ADDUUNKA EE KA HOWL GALA DALKA SOOMAALIYA.
UJEEDDO:- BAAQ LA SOCODSIIN IYO IN
LOO HOWL GALO
IS-ABAABUL-MIDEYSAN OO XOOG LEH.
Walaalayaal, Saaxiibayaal.
( Qoraalkani qaybtiisa kowaad, wuxuu ku
socdaa dadka Gobolka Jubbada Hoose).
( Ninkii damiir lahow la soco ), ( Ninkii
damqasho lahow dareen ), ( Ninkii dadnimo lahow aday kuu taal)
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose,
wuxuu halkan idiinku soo gudbinaayaa warbixin kooban oo ku saabsan
xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin dadka u dhashay Gobolka Jubbada
Hoose ama Carriga Waamo.
Intii ka dambaysay aasaaskii Ururka ilaa
iyo hadda wuxuu ku howlanaa howlo fara badan oo ay ka midka yihiin
baaristaan iyo xog-raadin la xariira sidii uu u soo ogaan lahaa xaaladaha
ay ku sugan yihiin dadka Gobolka J/Hoose ee waxyeelada aan la soo koobi
karin ka soo gaartay dagaaladii sokeeye ee dalkeenna ee lahaa dilka, dhaca,
kufsiga, gumaadka, iyo ka barakicinta dadka guryahooda iyo deegaankoodaba.
Waxyaabaha aan baarista ku soo ogaannay qaarkooda waxaa ka mid ah:
- In in ka badan boqolkiiba sideetan
dadka Gobolka ku dhashay ay ka carareen guryahoodii iyo beerahoodiiba iyo
dhammaan waxay hanti lahaayeenba. Dadkaasi intiisa badan maanta waxay ku
nool yihiin xeryaha qoxootiga dalalka aynu jaarka nahay ( Kenya, Itoobiya,
Ugaandha ilaa iyo Tanzanya iwm), qaarka kalena waxay ku nool yihiin
tuulooyinka iyo baadiyaha Gobollada dalka qaarkooda iyagoo ay ku haysato
saboolnimo, gaajo iyo macaluul iyo daawo la'aanba uguna geeriyooda
meelahaasi maalinkasta silic iyo saxariir.
Kuwa Kismaayo ku nool lagama hadli karo.
Waxaa u sii dheer inta aan sare ku soo sheegnay xornimo la'aan, dhaqaale
la'aan, cabsi iyo walwal iyo iyagoo ku seexda beri maxaad mudan doontaa?
ma caawa ayaa laguu imaan oo lagu dili doonaa mise beri? Waxay ku seexdaan
iyagoo leh Allow adiga ayaa iimaqan iyo dadkaygaba. Dad badan oo
Soomaaliyeed waxay maanta cadeeyeen dalka Soomaaliya magaalada Kismaayo in
ay tahay magaalada keliya ee dadka maatada ah iyo wax garadka ahba iyagoon
waxba galabsan in si ka baxsan islaanimada iyo bani'aadannimada iyo
Soomaalinimadaba loogu laayo. Waxay kaloo is-weydiiyaan Gobolka Jubbada
Hoose ama Kismaayo ma dhul cusub oo hadda la helay baa? mise waa dhul hore
u jiri jiray sida Gobollada kale ee dalka Soomaaliya? Maxaa keenay
gumaadka iyo baba'a? Maxaa keenay Gobolka intaa le'eg in dadkiisu xeryaha
qoxootiga ku baaba'aan?Maxaa keenay koox yar oo dan gaar ah leh maamulka
Gobolka in ay gacanta ku hayso? oo loo diiday dadkii Gobolka u dhashay in
ay ka qayb qaataan maamulka iyo talada iyo ka mid noqoshada ciidamada
Gobolka ilaaliya? Waxaa kaloo la isweydiiyaa kooxdani sida gumeysiga u
dhaqmaysa goormay ka tagi doonaan Gobolkan oo danahoodii uga dhammaan
doonaa? Sababtoo ah ma ah dad u soo jeeda in ay dadka Gobolka u dhashay
nolosha la qaybsadaan oo si caadi ah Gobolka u degaan haddii ay
Gobolladoodii ka soo carareen oo ay ku noolaan waayeen oo ay doonaayaan in
ay wax ka cunaan canbaha, muuska, babaayga iyo kalluunka Gobolka Jubbada
Hoose Alle ugu deeqay? iyo haddii ay doonaayaan in ay ka mid noqdaan
cayaartooyda Gobolka J/Hoose. intaasi oo dhan marabaan. waxay yaqaanaan
dil, boob dhac iyo in dadka guryahooda laga xooggo. Arrimahaasina wixii
maanta ka kambeeya waa waxaan loo dul qaadan karin ee u baahan in dadka
Gobolka Jubbada Hoose in ay iska kaashadaan oo iska caabiyaan iyagoo
hordhigaaya dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel midnimada Ummadda
Soomaaliyeed iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed.
- Waxaa kaloo jira oo si dhab ah loo soo
xaqiijiyay dadka u dhashay Gobolka Jubbada Hoose in ay yihiin dadka ugu
liita dadka Gobollada Soomaaliya dhinacyada; Nolosha, Dhaqaalaha,
Caafimaadka, Waxbarashada Nabadgeliyada, Ganacsiga iyo dhammaan waxyaabaha
lagu horumarin lahaa Gobolkooda. Sababtoo ah waa dad lagala dagaalamaayo
in ay wax qabsadaan oo ninkii lagu tuhmo in uu aqoon ama damiir leeyahay
la dilaayo ama la dhacayo isagoo lagala wareegaayo beertiisa,,dukaankiisa,
doontiisa, meelaha ganacsiga iyo wax alle iyo wixii uu ku noolaan lahaa.
Taasaana u keentay dadka Gobolka Jubbada Hoose in ay noqdaan kuwa uugu
liita dadka Gobollada dalka Soomaaliya ee dhinac kasta Horumarka uga
gaaray maantay.
- Waxaa kaloo la soo xaqiijiyay in ay
jiraan dad ama kooxo ka shaqeeya isku dirka dadka u wada dhashay Gobolka
Jubbada Hoose. Waxay is-hortaagaan wax kasta oo looga wada hadlaayo
midnimada dadka u wada dhashay Gobolka iyo in ay wada tashadaan.
Kooxahaasi waxay fiirsadaan oo keliya danahooda gaarka ah. Waxay
doonaayaan maamulka Gobolka iyo ilaha dhaqaale Gobolka in uu gacantooda ka
bixin si ay iyaga oo keliya u noolaadaan. Waxayna ka soo duuleen
kooxahaasi Gobollo kale ee dalka Soomaaliya ka mid ah. Waxay dadka Gobolka
isugu diraan reer reer, koox koox, qof qof iyo qabiil qabiil, taasoo ah
calaamadaha gumeystayaashii hore si dhul ayan lahayn ugu nagaadan ama ugu
tagri falaan.Fikradaasi ma ah oo keliya mid Gobolka Jubbada Hoose u gaar
ah maanta ee waxaa kaloo la soo gaarsiiyay Gobollada dalka qaarkood iyo
qurbahaba.Gaar ahaanna dadka Gobolka Jubbada Hoose waa mid u gaar ah in
iyaga xoogga la saaro si ay u midoobin, xooggooda iyo cududoodaba meel
isugu keenin. Taasoo micnaheedu yahay haddii dadka Gobolka Jubbada Hoose
midoobaan, mideeyaanna cududooda iyo taladooda iyo wada jirkooda, waxaa
halkaasi ka baxaaya kooxda maanta qoriga ku haysata carriga Waamo oo ka
faa'ideysatay kala daadsanaanta, midnimo la'aanta iyo wada tashi la'aanta
dadka Gobolka Jubbada Hoose iyo Gobollada kale ay jaarka yihiinba.
- Waxaa la soo ogaaday kooxaha xoogga ku
qabsaday Gobolka Jubbada Hoose in ay soo dejiyeen dad badan oo maato ah oo
ay ka soo rareen Gobollada ay ka tirsan yihiin kooxahaasi.Waxay uga dan
leeyihiin in ay xoog ku yeeshaan Gobolka, kana faa'ideystaan badda iyo
beeraha Gobolka. Waxayna dadkooda ka dhaadhiciyaan Gobollada Jubbooyinka
iyo Shabeelooyinka in ay hore u degganaan jireen oo laga xoogay maantana
ay soo dhacsadeen. Kooxahaasi waxay dhibaatooyin joogto ah u geystaan
dadka Gobolka deggan si ay uga cararaan guryahooda, hantidooda iyo
beerahoodaba. Waxaa intaa dheer beerihii dadka lagala wareegay oo lagu
beero waxyaabo aan loo baahnayn. Waxayna dadkooda ka dhaadhaciyaan dadka
Gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka ka cararay in ay mar kale ku soo
laabanayn Gobolladooda. Hadaladaasi iyo fikradahaasi maalin kasta loo
sheegi jiray dadka maatada ahaa ee Gobolladoodii laga soo raray ee
kismaayo la soo dejiyay waxay beenowday markii la arkay xoogagii Gobolka
Jubbada Hoose oo saacado gudahooda ku qabsaday Kismaayo oo cidina wax
yeelo ugu gaysan. Maalintaasi kabacdi dadkii Gobolladoodii laga soo raray
waxay garteen wixii ay u sheegi jireen kooxaha Kismaayo qoriga ku haysta
in ay waxba ka jirin. sababtoo ah waxay ogaadeen dadkii guryahoodii la
dejiyay weli in ay dagaalamaayaan oo doonaayaan in ay dib ugu soo laabtaan
guryahoodii. waxay kaloo ogaadeen dadkii Gobolka u dhashay in ay qoxooti
ku yihiin baadiyaha Kismaayo iyo xeryahay qoxootiga Kenya, maalin maalmaha
ka mid ahna ay ku soo laaban doonaan guryahooda. Laga billabo maalintaasi
dadkii guryahoodii iyo Gobolladoodii laga soo raray waxay bilaabeen in ay
tartib tartiib uga cararaan ama uga baxaan Kismaayo dibna ugu noqdaan
guryahoodii ay ka yimaadeen, qaar kalena waxay u carareen dalka Kenya
iyagoo leh been baa naloo soo sheegay oo Gobolladeennii iyo guryaheennii
baa nalaga soo raray.Waxaa nala keenay Gobol dadkii lahaa laga cayriyay
guryahoodii xoogna looga qabsaday. Dadkaasi inta wax garadka ah waxay
lahaayeen nin walba looma dhaammo in uu ku noolaado Gobolkiisa iyo
gurigiisa ee qofku uusan ku dagaalamin Gobol uusan lahayn oo beri laga
eryidoono. Waxay kaloo dadku isweydiinaayeen Kismaayo habeen iyo maalin ma
qori baa lagu ilaalini? Miyay ka mid ahayn Gobollada dalka Soomaaliya?
Maxay dadkeeda loo gumaadaayaa? Maxay galabsadeen? Ugu dambayntii dadkaasi
wax garadka lahaa ee isaga tagay magaalada Kismaayo waxay uga tasiyayeen
dadka guryahooda ka barakacay in iyagoo nabad qaba in ay ku soo laabtaan
iyaguna is-cafiyaan.
Intaas waxaan ku soo koobaynaa xogtii
aannu soo helnay iyo baaritaankii aannu sameynay, waxyaabaha kale ee aannu
idiin hayno dib ayaan idiinku soo gudbindoonaa haddii Alle idmo. Haddaba
haddii aynu nahay dadka Gobolka Jubbada Hoose maxaa talo inoo ah? Ma
sidaasaanu ku joognaa oo dadkeennii iyo Gobolkeeniiba ku ilownaa? Ma
sidaasaannu ku joognaa oo maxaa la yiri iyo maxaa la sheegay iyo muxuu
yiri iyo muxuu sheegay hebal baannu isla meeraysanaa? Mise runtu waxay
tahay baannu isu sheegnaa oo karaamadeenna, sharafteenna iyo dadnimadeenna
ayaannu soo ceshannaa? Maxaa naga reebay in aannu u halganno sida dadka
Gobollada kale ay isu abaabulaayaan? Maxaa naga reebay aqoonta iyo
xirfadaha ama farsamada ay dadka Gobollada dalka baranaayaan oo ay ku
horumarinaayaan Gobolkooda? Sababtoo ah nin Gobolkiisa wax u soo bartay
beri Gobolkaaga kuuma uu dhisaayo. Maxaa noo diiday in aannu soo ceshano
midnimadeenna, wada tashigeenna, wax wada qabsigeenna iyo is-jeceelkeenna
aan hidaha iyo dhaqanka u laheen Gobol ahaan. Dadka Gobolka Jubbada Hoosow,
waxaad ogaataan in laga bixidoono dhibaatada maantay haysata dadka
Gobolkeenna iyo kuwa Gobollada kale ee Soomaaliya ( haddii Alle idmo ).
Waana dhibaato dalal badan oo ka mid ah adduunka ay soo wada mareen ma ah
mid maantay u gaar ah Soomaaliya oo keliya. Waxaana loo baahan yahay qof
waliba in uu ku xisaabtama maxaad u qabatay dadkaagii iyo Gobolkaagiiba.
Gaar ahaan kuwa qurbaha joogoow haddii aad ka mid ahaan lahayd kuwa
maantay nasiibkooda noqday in ay Gobolka Jubbada Hoose ku noolaadaan oo ku
dhibaataysan. Maxaad uga baahnaan lahayd dadkaaga qurbaha ku nool in ay
kuu qabtaan? Waa sidaasi oo kalee, waxaad adiga u baahnaan lahayd bay
maanta ayagu kaaga baahan yihiin. Ogaada nin waliba ma garto. Ninkii
damiir leh, dadnimo leh, garasho leh, damqasho leh uun baa garan kara.
Nintiisa daryeeli waayayna tu kale wax uma qaban karo. Waxaan kaloon idiin
sheegaynaa waqtigiinna qaaliga ah ha ku luminin waxaan waxba kuu tarayn
ama qof aan waxba kuu qabanayn ee dantiisa raacanaaya. Dadka Reer Waamow
midnimadeenna waa dadnimadeenna.
B A A Q.
* Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada
Hoose, wuxuu ugu baaqayaa cid kasta oo ay khusayso arrimaha Soomaaliya
maantay ee ku saabsan dhexdhexaadinta, nabadeynta iyo dib u dhiska
Qaranimada Soomaaliya. Baaqan soo socda:-
1. In marka kowaad laga wada hadlo mudada
tabanka sanno iyo dheeraadka ah dadka qoxootiga ah ee silica iyo
saxariirta ugu nool xeryaha qoxootiga ama baadiyaha Gobollada dalka iyo
kuwa dibadahaba iyagoo masaakiin ah, sabool ah sharaftii iyo haybadii ay
lahaayeen ku waayay dalkoodii kadib markii guryahoodii laga cayriyay
hantidoodiina laga dhacay, qorina loo haysto in ay guryahoodii ku soo
laaban. Waa in xal loo helaa marka hore arrintaasi. Sababtoo ah inta qofka
qoriga haysta uu la hortaagan yahay gurigii qofka qoxootiga ahaa, waxaan
suurta gal noqonayn in la dhiso dowlad sinnaan iyo cadaalad ku dhisan.
Arrintaasina waa midda hortaagan dhiso
dowlad xalaal ah oo dalka ka dhalata. Waxaana tusaale ah shirkii Carte
wixii ka soo baxay weli ma hirgelin. Sababtoo ah dadkii la matali lahaa
ayaa qoxooti ah oo dibadda ku nool. Marka hore waa in ayaga la soo celiyaa
xeryaha ay qoxootiga ku yihiin laga soo saaraa iyo baadiyaha ay ku nool
yihiin oo ay ku dhibaataysan yihiin.Markaasi kabacdi ayaa loo howl geli
karaa dhisme dowladnimo iyo xukun kala qaybsi. Laa' ilaaha Ilalaah.
2. Marka Labaad, waxaa habboon in la
isweydiiyo toban iyo kow sanno iyo dheeraad waa la is-abaabulaayay, shirar
iyo kullanno ayaa la isugu imaanaayay si qaranimada Soomaaliyeed loo soo
celiyo, loona dhiso dowlad Soomaaliyeed.( waa firad fiican, waa talo
wanaagsan). Ma la is-weydiiyayse maxaa hortaagan? jawaabtu waa maya haddii
runta la isu sheeg. Waxaase hortaagan waxaa weeye wax aan wada ognahay oo
aanaan doonayn in aan isu wada sheegno. Waxaana weeye inta Gobol nin aan u
dhalan uu doonaayo in uu xukumo, dhaqaalihii iyo hantidii uu gobolkaasi
lahaana uu isaga urursado. Micnuhu waxaa weeye inta qof beertiisa,
arigiisa, dameertiisa, lo'diisa, digaagiisa, doontiisa, gurigiisa iyo
maamulka deegaankiisa laga haysto wey adag tahay sida loo dhiso dowlad loo
wada dhan yahay oo sinnaan iyo cadaalad ku dhisan.
3. Marka seddexaad, haddii aan runta isu
sheegnno, dowladnimo Soomaaliyeed waxay dhalan kartaa markii ay faraha
kala baxaan ragga lacagta waalan gacanta ku dhigay intii dalka uu burburay
oo iyaga doonaaya in lagala tashado ama ay maamulaan dowladda la dhisaayo.
Way ka qayb qaadan karaan, wayna ka mid noqon karaan laakiin sida maantay
ay u maamulaayaan oo kale yaysan noqon. Taasi ma keeni karto in la helo
dhiso dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Waxaana tusaale noo ah Kooxda
Carte iyo maamulka dhaqaalahooda cidda gacanta ku haysa. Dowlad waxay
haybad ku leedahay in ay ka madaxbanaan tahay qof, koox iyo qabiilba.
4. Marka Afaraad, haddii markii ugu
dambeysay lagu guulaysan waayay shirkii Carte ee qabiilka wax loogu
qaybsaday. Bal markaan hala isku dayo in wax lagu qaybsado Gobol Gobol qof
walibana uu ka soo jeedo Gobolkii uu ku dhashay am ah qof hebel in lagu
riixo qabiilka uu ka dhashay Gobolka uu dego. Waxaa habboon in loo eego
qofkaasi meeshii uu ku dhashay,wax ku bartay, ku barbaaray,ka shaqeeyay,
ka ganacsaday ama ku korayba oo dadka Gobolkaasi wada dega si xor ah u soo
doortaaan qofkii uga qayb geli lahaa dowladda la dhisaayo ama xukuumadaba.
Waxaa marka hore muhiim ah in la fuliyo qodobka 1&2aad.
Dhammaan hay'adaha samafalka iyo kuwa
gargaarka deg degga ahba, waxaan ka codsanaynaa in ay taakulayn iyo deeq
joogto ah u fidiyaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Gaar ahaanna dadka
Gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka ku nool ee gaajada, macaluusha
iyo darxumid ay ku haysato meelaha ay degan yihiin sida dalka gudihiisa
iyo xeryaha qoxootiga ahba oo aan jirin cid kale oo ku caawint. Waxaan ka
codsanaynaa hay'adaha aan sare ku xusnay in ay warbixin joogto ah naga soo
siiyaan haddii aynu nahay Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose
markasta xaaladaha dadka Gobolka Jubbada Hoose ku nool ee ku dhibaataysan
iyo kuwa ku nool xeryaha qoxootiga. Si loo abaabulo dadka dibadaha ku nool
ee Gobolladaasi u dhashay in iyaguna dadkooda u fidiyaan wixii deeq iyo
taakuleyn ahba ee ay awoodi karaan markaasi.
Wabilaahi Towfiiq.
UHGJH@hotmail.com =Maxamed
Muse Cabdi=
= GUDDOOMIYAHA U.H.G.J/HOOSE=