ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Xal u helida Puntland waa Waajib.

Posted to the Web   March 25, 2002

WQ

Maxamed Axmed xaashi.

ilhan18sa@yahoo.com    

 

KU: SAXAAFADAHA 

KU: SHACBIGA PUNTLAND SOOMAALIYA. 

 

Anigoo ah Maxamuud Axmed Xaashi, kana mid muwaadiniinta PL, waxaan jeclaystay in aan Ra'yigeyga u soo bandhigo Bulshada si xal loogu helo muran siyaasadeed ee ka dhex aloosan dhulka PUNTLAND.

 

Haddaba, nasiib wanaag loolanka ka taagan ma aha mid qabyaaladeed sida dad aragti gaabani ku hadlaan, balse waa mid arragti siyaasadeed ah, waxaan taas kugu daliil ah in dad isku jafi ah kala taageersan yihiiin kuwa isku haya Siyaasada, khlifaaka siyaasadeed ee Puntladn waxaa huriyey:- 

 

1. Cadowga gudaha iyo dibeda oo doonaya in aysan jirin wax Puntland la yiraahdo. 

 

2. Khilaafkii soo dhexgalay Isimada oo isu noqday labo Maxkamadood oo kala sareeya, oo isburinaaya, iyagoo weliba faraha la galay xalin isku qabsi fasiraad Sharci oo aan Isimada xilkood ahayn waana tan bud dhiga u ah khilaafka taagan. 

 

3. Maamul xumadii xukuumadii hore oo ku mashquushay wax aan faa'iido si weyn ugu jirin Shacabka Puntland, xiriirkii Bulshada iyo Dowladuna kala go'ay, arrimahaasi waxay sababayn Puntland oo horayba aan cago xoog leh ku taagnayn in ay noqotay mid burburta, gaar ahaan siyaasada, Aminiga, Midnibada, Maamulka, dhaqaalaha iyo magaca. 

 

Haddaba, mar hadii Puntland arrimahaasi haleeleen waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay si dhibaatadaas wax looga qabto, waxgaradka, dhalinyarada, aqoonyahanada, Dumarka, ganacsatada iyo cidkasta oo magac xumada liidashada haysata Puntland ka naxaaya. 

 

Haddaba, sidee khliaafkaas xal loogu heli karaa? iyadoo intii buburka jiray ay Soomaalidii ka luntay isku kalsoonidii Bulshada oo hadii qof ra'yiguiisa jeediyo oo uu qofka kale oranayo aniga ayaa ra'yigaasi lid igu yahay, waana tan sababatay in guud ahaan Soomaalidu heshiin weydo, sidoo kale Soomaalida oo aan khilaafkeeda siyaasadeed u bandhigin kitaabka iyo sunada Nebiga (NNK), waxaan qabaa in Puntlanday noqoto mid ugu horaysa ee talaabadaas qaada iyadoo Awoowayaasheen iyo aabayaasheen ahaayeen kuwii soomaalida kale ku dayan jirtay. 

 

Waxaa igu maqaala ah in xubno ka tirsan reer Puntland uu shir ugu dhammaaday dalka Kenya si arrimaha murugsan ee Puntland wax looga qabto, runta waa arrin aad loogu farxo hadii lahelay cid isu xilqaantay in dhibaatda Puntland la soo afjaro. 

 

Waxaan Shacabka Puntland ka codsanayaa in ay taageeraan xal u helida sidoo kale dadka xalka wada waa in ay ka madaxbanaanaadaan iyagoo qaar ka mid ah kuwa siyaasada ku loolamaya ka soo yeertay in ay ku eedeeyeen in ay dhinac la jiraan, kuwo kalena ay xoog uga biyadiidsan yihiin. sidaas darteed, waxana u mahadcelinayaa Hay'adda DAIKONIA oo la yiri waxay bixinaysaa kharajka ku baxaaya xal u helidaas, waa arrin nasiib ah hadii Hay'ad ajnabi ah sheegtay in xal u helida Puntland kharajka ku baxaaya ay bixinaysa, waxaa kale oo igu maqaala ah kharajku waa fal badan yahy, Talow hay'adda ujeedada ay is xilqaanka intaas le'eg ay u sameeysay muxuu yahay????????????.... 

 

Mahadsanidiin. 

Maxamed Axmed xaashi. 

Somalia Puntland - Bossaso.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.