ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Baaq: Beesha Sade/Mareexaan ee HOLLAND iyo INGIRIISKA

Posted to the Web   March 01, 2002

Waxaa lagala xiriirayaa

Cabdi Xassan Moxamed 

abdihassanm@hotmail.com   

 

Beesha Sade/Mareexaan waxay ka mid ahayd beelihii fara ku tiriska ahaa ee si guud u taageeray wixii ka soo baxay shirkii carta. Arrintaas oo ay ugu wacnayd beesha oo aad ugu baahi qabtay in xukuumad soomaaliyeed la helo. Degaanka beesha oo abaaro iyo colaad badani ka jirto ayaa beesha ka dhigay mid u dhago nuglaata cid kasta ee tiraahda dawlad soomaaliyeed ayaan wadnaa. Hase yeeshee hadafkii carta wuxuu noqday mid la leexiyay, beeshana hadda ku ah qatar cusub, taasoo ay ka shaqeeyeen, welina ka shaqaynayaan C/qaasim iyo rag dhawr ah oo beesha u matala Baarlamaanka KMG.

 

Khatartaas oo meelo badan oo waddanka ah horey loogu eedeeyay dawladda KMG ah ayaa waxay tahay mid hadda la doonayo in lagu wiiqo ama lagu waxyeeleeyo midnimada iyo awoodda beesha. dagaalo dhawr ah oo degaanada beesha ka dhacay dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, ayna beeshu iska difaacday ayaa C/qaasim doonayaa inuu beesha uga faa'iidaysto kuna kala dhantaalo.

C/qaasim oo adeegsanaya taktikada qaybi oo xukun, moodayna inuu ka faa'iidaysan karo baahida ay beeshu u qabto dawladnimo iyo taageeradoodii carta, ayaa wuxuu u magacaabay laba nin oo WALAALO ah jagadii laba wasiir oo beesha uu isagu u qoondeeyay, si uu u abuuro xiisad iyo kala fogaansho beesha dhexdeeda ah.

 

Haddaba arrimahaas iyo kuwa kaleba markii beeshu qiimaysay waxay soo saartay go'aamadan:

1. In beeshu kala noqotay gebi ahaan taageeradii ay u haysay go'aamadii Carta;

2. In mudanayaasha beesha ee ku jira Baarlamaanka iyo gole wasiireedka ay raacaan rabitaanka beeshooda, hawlahoodii adeegga beeshana u wareejiyaan degaanadooda, una hawlgalaan sidii ay caalamka ula qabsan lahaayeen;

3. In la sii wado nabadaynta lagula jiro beelaha dariska ah sida Rahanwayn, Harti-Daarood, iyo beelaha kaleba;

4. In beeshu u hawlgasho sidii ay u samaysan lahayd maamul GOBOLEED/YO, ugana qaybgasho shirka Nayroobi si madaxbannaan;

5. In isbahaysiga dooxada jubba u hawlgalo wax la qaybsashada maamuladda kale ee waddanka ka jira, una sii adkeeyo madaxbanaanidooda ay hadda ku jiraan, isla markaana u sii xoojiyaan nabadaynta iyo heshiisyada beelaha ka soo horjeeda, ayna ka qaybgalaan shirka Nayroobi;

6. Ugu dambayntii waxaan ugu baaqaynaa hay'adaha caalamiga ah iyo qaramada midoobay inay gobollada beesha ay ka daayaan gacan bidixaynta dheeraatay, noqdaana kuwa xaqiiqda jirta ku shaqeeya, beeshuna waxay soo dhawaynaysaa cid kasta oo kaalmaynaysa goobaha beesha ee abaaraha iyo cuduradu dhinaca u riteen.

 

Beesha Sade/Mareexaan ee Holland iyo Ingiriiska

Please direct all questions on the above article to "Abdulrazak Osman Dirie" < bakool55@hotmail.com

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.