| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  Ku Cararka Shirarka iyo Ka beensheega dadka .

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 14, 2001
Posted to the Web  20:40 GMT December 14, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Maryam Mohamed

caweys@hotmail.com

Waxaa mar walbo Soomaalida isgugu yeero shirar kala duwan wadamo aan danahooda marna ka shaqeyn, iyagoo qaar koodna eey ka soo baxaan dhibaatooyin aan la soo koobi karin. Sida shirki ugu dambeeyey ee Carta oo qasaarihi umada ka soo gaareyna aan la soo koobi karin.

In lacago been abuura la soo daad gureeyo in niman ganacsato ah sida C/raxmaan Boore Xooshka GEEle iyo Xooshka Qaasim ee Deylaaf loo aqoonsado iney yihiin Bangigi dhexe ee qaranka.

Hadaba, maxuu kaga duwanaa shirkan Carta labadii kal hore ee lagu soo Doortey wax magarte Cali Mahdi oo isagu xukuumadiisa dhaafsiin waayey guriga uu dagan yahey isla markaan habeen madoow uga cararey magaalda Muqdisho ninka uu qoriga u dhiibtey.

Cali, haduu abal leeyaheyna waa uu xasuustaa habeenkii cadale doon uu ku yimid dadki u istaagey, u bababey, magaciisana aduunyada geeyey iney yihiin maatad jidka jiifto, kuwi dhintey, kuwa lacagta uu kaga gooni yeeley, kuwa
meel kasto laga xanto, kuwa la liido, kuwa guryahooda laga heestto, kuwa Soomali dambigeey u haayso aan yareyn desbite their innocence.

Balse maaheyn Abdi qaasim, deylaaf, xuseen ceydiid,caato, shiiq daahir aweys, seerjito iyo qashin noocaasa inuu kula heshiiyo what once was the life of a nation.

Waxaa maanta loo sheeko doonanayaa markale Nairobi si loogu soo heshiiyo dhulka iyo danaha dadka aan cidna u maqneeyn, iyadoo lagala soo noqon doono lalabo lamida tii maqaamka u gaarka ah Muqdisho waa nin heshiisa loo tashanayo isna ka fakarayo kaliya intuu fulaan heli lahaa Habargidir ha ii
taliso. Hadaan fiirino sababaha Soomaalida uu shirarkooda uu guul daro ugu dhamaado ayaa ah.

1. Kaqeyb galayaasha shirka oo aan cidna matalin
2. Iyagoo daacad ka'aheyn qoolka Ilaah
3. Iney culumadi music daawadaan

Hadab aqristoow, shirkan Nairobi oo uu tagi doono xasan Abshir uu rasisil wasare sheegto, qaasim oo madaxweyne ah iyo intii dalkaa gubtoo meel kasto taagan, sida Caato oo kale maxaa ka soo baxaya, jawaabtu waa maya. Ma u maleyn doono in hadii aan ogolaan waayo cabdi qaasin in Soomalia nabad ka
dhalan doonin.

Waxaa dalkaa isku hayo waqtiga maanta la joogo marka laga hadlayo koofurta Soomaaliya ka biloow xamar oo dhibta ka jirto ilaa iyo kiinya dad dhulki u dhashey dhulka oo rabo iney nabad galyo ku helaan iyo kuwa ku duulayo iney
maamulaan si xoog waliba ah, kuna tilmaamam dhulkooda inaan la kala yeelan karin.

Waxaan qabaa xalka Soomaliya waxuu ka suuroobaa Soomaalida, xalna umahayo  wadan daris midkuu doono ha noqdee, nabadgalyadana maanta ilaah kasakoow ama  shirarka lagu raadinayo xalka soomaalida waxuu ka go'aa kuwa leh qadiyad ama  u taagan waxa dhabta ah ee aan qayaanada wadan.

Koofurta Soomaalia waxa si toosa u Matali karo kabiloow Jowhar Ilaa iyo xamar dadka u dhashey goboolkaas maantana u taagan xaquuqdooda sida:

Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere)
AL Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow
Enj Maxamed Xuseen Cadoow

Waxaa sidoo kale wax ka keeni karo xalka Soomaaliya

Dr Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud
Sheeq Aadan madoobe
Maxamed Ali Adan Qalinle

Sabata keentey oon u soo xushey dadkaan ayaa ah iney yihiin kuwa matali karo  xaqiiqda dhabta ah ee loo dagaalamey, waxaa intaa ka soo horjeestana waxaan  qabaa iney la jiraan kuwa beeraha, guryaha umada iyo daganaanta dalak  hortaagan. Xiriirka labadan qeyboodna waa guusha iyo soo noqoshada
qaranimada umada, waa hadiise eey ka xoroobaan dhibka soo dul dagaey.

Anigoo tixraacayo kulanki xaaranta ahaa ee abdi qaasin ku tagey Baraawe ayaa  waxaa hadaladiisa kamid ahaa in ey joogaan shirkadihi gobolka oo dadki reer gobolkana uu shaqeesto xoogaa kale oo shirkadana lagu soo dari doono iyadoo  dadki uu lahadlyaey gabigidba eey ahaayeen heebtiisa oo ruux cadba uu  taagneen goobti hadalka. Hadaba ninka ceynkaa ah oo wali kusoo wado dadkiisa  baraawe dalka xal ma unoqon karaa iyo dadkiisaba?

Haddii uu Abdi Qaasim ka bixin dadkiisa beeraha eey iyaguna ku sii dhago adeeyaan xaaraanta waxaan ilaah ka tuugayaa inuu duul u so odiro, taariiqda aduunka ee maantanal leesugama taliyo xoog ee waa iney jirtaa rabista
baniaadamka.

Hadaba maqabo in shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo dhul Soomaaliyeed,  iyadoo xaqiiiqiyan Gobolada waqooyi eey caado u ahey ineysan marna u ogolaan  inuu ka taliyo ama uu dago nin aan beeshaas ka iman.

shirkasto oo lasheegana xal ma keeni karo ilaa the truth representavies are attended and clearly explained who owns what and who will rule where, dhibkana koofurta waxa ku hayo waa Habargidir oo soo haaajirtey xal u helida
qoladaasana waa daganaanta dalka. Dibad u cararkana iyo ku sii fogaanshaha guryaha umadana meel islama galaan.

NB Raali ka noqda hadaan ku dheeraadey

Ciid Wanaagsan
Mahadsanidiin.

caweys@hotmail.com

Maryama

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com