| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Qoraaga Afrah Ma yahey Nin Waxgarada?

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  20, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 20, 2001
.k

Waxaa Qoray

Maryam Mohamed

caweys@hotmail.com 

 

Waxaa aad iyo aad u murugo badan in waqtiga maanta la joogo uu mr Afrah oo qoraa saas oo kale caan u ah inuu wax u qoro sida jariidada ayaamaha press iyo waxiilahalmaal oo runtii xaqiiqada ka fog. Mr afrah oo ah nin dadkiisu eey ku ildaran yihiin soomaaliya ayaa hadana waxuu waqtigiisa ku lumiyey inuu waraaqo u kala diro Cabdi qaasim, Galeyr iyo Xasan Abshir, ayaan darada heesata asaga ayaana ah mid aan la xisaabin karin waayo maanta ninka Cabdiqaasim Dowlad u maleeyo, xasan abshir ama galeyr iyo kuwa ceynkaas oo kalena ugu yeeraayo magacyo aan lagu gaari karin koobiga uu soo daabaco Deylaaf.

Aqristoow horey ayuu u yiri halyeygi soomaaliyeed ee Faarx seefeey  WAAYEEL ABGAAL IYO WEYL LO@AAD NINKI WARAABSHAA WATA, halkudhgaas oo baxey ilaa iyo 40sano ka hor ayaa maanta waxaa cadeyntiisa la  taagan raga muuqda sida Cali Mahdi, Cali Ugaas, Mr Afrah iyo kuwa badan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Waxaanse jeclaan lahaa Mr Afrah inuu dib ugu laabto taariiqda mugdiga aheyd ee Qaasim, Xasan Abshir iyo kuwa uu Dowlada ugu yeero iyo midii dagaalki sokeeye ee umada Soomaliyeed dhaxalsiisey in Habargidir eey kula shiraan Marka dadka reer Banadiriga iyagoo kala tashanaayo arimaha Gobolka eey ugu yeereen deegaankeena waa Markee. Waxaa kaloo xasuus mudan in Soomaalida maanta dagaalka xaqdarada ah wado, ha'ahaato lacag been abuura in la so sameesto ama guryaha umada si xoogan looga heesto intaba iney ku kooban tahey dadka aad u loloeeyneyso.

Ugu dambeeyn waxaa haboonaan laheyd in haddii qofka uu wax qoraayo inuu u qoro waxa xaqiiqada ah ee kajira dalka, iyadoo aan maleynayo iney qaar yar oo dadka kamida u maleynayaan inaan ku hadley wax qaldan hase ahaatee waa mida dhabta ah, dhabtuna waxey dhibtaa kuwa dulamka wado, mana qurxoona maadama eey heestaan radiyayaal, telefishino iyo jaraidyo faafiyo waxa eey doonan in lala sii wado dambiyada eey umada kagalayaan balse howsha loogusimo Xasan Bariise maadaama uu howshissa sida yuusuf garaad iyo cabdiqaasim ugu yeersheen uga soo baxo.

Mahadsanidiin.

caweys@hotmail.com

Maryama

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 


 

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).