| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Ladagaalanka argagaxisada Ma dhabaa?

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  23, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 23, 2001
.k

Waxaa Qoray

Maryam Mohamed

caweys@hotmail.com 

 

Waxaa mudadii ugu dambeesey jaraaidyada caalamka, idaacadaha, tvyada intaba
eey ka sinaayeen taageerada eey u hayaan ladagaalanka argagaxisada, iyadoo
wali loogu siman idaacad kaliyee balse gacan xoog leh loo qaadey. Hadaan
inyar dib u fiirino macnaha ereyga argagaxiso.

Argagaxisadu waa fal ama falal ulakac ah oo aan marna loo aabe yeelin
dhibanaha, isagoo waliba lagu kadinayo dhibta lala damacsanyahey,
argagaxisadana maahan mid caalmi ah waxeyse ahaan kartaa mid gudaha dal
kaliya ka jirto. Hadaba haddii eey dunida siiba wadamada reer galbeedka ah
eey daacad ka tahey ladagaalanka argagaxisada waa maxey sababta eey iyagu u
tababaraan? waan xasuusana in iyagu ahaayeen kuwi ka dambeeyey tababarki
Usaama Bin Landen(haddii uu dambiile yahey) iyo iyagoo wali maanta
tababaraya Cabdi Qeybdiid oo ah shaqsiga ugu waxashsan ee umad yeelan karto,
Qeybdiid bulshada Soomaliyeed waxuu ku reebey aafo aan marna laga bogsan
karin, si jiristiisana waxey dhaawaceysaa dadnimada inta ka soo hartey dadka
uu san waxba u kala reeban, Qeybdiid ayaa hada waxa eey dowlada Talyaaniga u
tababareysaa inuu hogaansho dadka uu baaba'shey, ka hadlida shaqsigaan maaha
mid aan kaliya ku soo koobi karo qoraal ama labo waase mid dad badan eey
qalbiga ka xasuustaan.

Haddii dunida eey daacad ka tahey ladagalanka argagaxisada waa iney wax
rasmi ah ka qabataa Soomaliya, qaasatan kuwa dalka maanta qoraxda dhigey.
Waxaase hubaala in maanta Soomalida lafteda eeysan qaadan doonin dulinimo
balse eey wax ka qaban donaan. Waxaan xasuusanaa bilowgi dagaalada sokeeye
iyo sida eey ahaayeen dadka reer Beydhabo iyo farqiga maanta u dhaxeeyo,
taasoo ku timid dadaalka dadka u dhashey gobolkaas. Haddise maanta kuwa
Xamar u keeni lahaa nabadgalyada eeyka wakiil noqdeen jeebkooda, danahooda
qaasa iyo lacag koobi ah oo jaahil Deylaaf caqli ku gaarey inuu kaga iibsado
dhulkooda balse shaqsiyadeena, jiritaanka umadnimo iyo waliba deegaankeena
marna ma iibin karaan. Haddii baba'i bulshadeena uu Mr Mahdi ku rabey Daahir
Dayax oo xigtiisa hoose ah ama uu abti u yaheyba inuu meel ku gaaro
shacabkeena marna ka ogolaan maayo. Daahirna waxaan u aqoonsanahey wiil
reerkamida haddii uu wax noqdana waa farxada iyo reyreyn balse maahan tan
tii dhiig badan aan u hurney laguna farxi lahaa darajadiisa.

Ugu Dambeeyn waxaan si caama ugu sheegi lahaa umada Soomaaliyeed iney gacan
xoog leh ka geeysato sida wax looga qaban lahaa Cabdi Qeybdiid in laga xaal
mariyo waxii dhiba uu umada u geestey intuu joogo Italy haddii ladagaalanka
argagaxisada uu dhab yahey. Waxaana ilaah uga tuugayaa Soomalida iney gaarto
nabadgalyo iyo baraare dhaba ah iyo in daneesteyaasha rabi naga qabto.

caweys@hotmail.com
Maryama

 

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).