Opinion / Fikradaha

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.
ss

Nin Abeeso Koriyoow Adigaa u AAYO leh.

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

December 29, 2001

Posted to the Web  21:29 GMT December 29, 2001

Waxaa Qoray

Maryam Mohamed 

caweys@hotmail.com 

sss

Waxaan mudo badan indhaha ku hayey hab dhaqameedka siyaasiin isku sheega
beesha Mudullood oo mar walbo sideey u dhan yihiin u isticmaala caruurta
xigtadooda ah iney isaga dhigan xabada, kaligood tashtaan, isu heystaan iney
iyagu yihiin kuwa saxda ah ee matala reerka.

Hadaba saaxiiboow, waxaa fajac igu abuurey dagaalki ugu dambeeyey ee cusmaan
caato ka shaqshaqey xaafada Madiina, taasoo igu aheyd wax aan fisho. Waxaa
masuuliyiinta xooga shacabkeena ku heeysto eey baneesteen in markii labo
qolo ku dagaalanto xamar eey mid kamida ku cararto dhabarka maatadeena,
iyaguna eey soo dhoweeyaan despite their history.

Waxaan xasuusanaa in Abdi Duuliye Sare iyo inti oo hogaaminaayey gadaall
naga so mareen isagoo amakaagsan marki casharki eey ka mutueesteen oo usoo
dhiey odeygi tagey, qolada uu hogaansho Qanyare oo magacabi laga
badley(KUWAIT) oo iyagoo dhag laqabto laheen gadaalgaley.

Intaas oo dhan siyaasiin ku sheega cadawgi dadkaaga leeeynayey maanta inaad
magan galiso haddii eey wanaag iyo political interestigooda u arkeen,
waxeysan ka fakarin dhibatada eey taas yeelan karto, waan arganaa Qanyare
meeshuu kabaxey inuu laayoo masaakiin beesha ah iska daa Xamree oo goofkii
eey daganaayeen ku laayo sida Deyniile iyo Garasbaaleey.

Dagaalki ka dhex dhacey Ceydiid iyo Caato 96ki ayaa ah mid uu Cusmaan Caato
magan galyo usoo galey Muuse Suudi sidaasna lagu badbaadshey. Waxii uu Caato
hiigsanaayeyna maanta waa gaarey, waayo hadduu awood u heley inuu Cumar
Finish ka kaxeeyo Madiino shir habargidir ku heshiineysan uu geeyey maahan
dhib sahlan. Mana u mood in Muuse dhib gaara uu ssoo gaarey balse
dhibanayaasha eey yihiin shacabka reer Madiino oo u dagaalamey marna inaan
la qabsan, maanatan kama bixi karaan labadaas qofood oo isku xabadeeysoo
maatada dhexdeeda.

Si kastaba hanoqotee, Waxaa lagama maarmaan ah in marka eey dad ama magac ku
yeeshey baabinta ubadkeena, haweenkeena, caruurteena iyo deegaanka inaan
marna naloo soo dhoweyn dhexdiina waxi doono haka jiree. Waxaanan marna
ogolaaneyn in Cabdi Qeybdiid oon goob joog u ahaa siduu wax ugaley uu marna
ii talin ama aan maqlin magaciisa.

Ugu dambeeyn, waxaan filayaa in casharo intaas kabadan aadan u baahneeyn in
leydiin dhigo, aadna kabaxdaan tuugtanka sida Cali Mahdi oo dhahahayo
Abdiqaasim inuu nala tashteey aheyd markuu xilka ugaaska ka qaadayey,
suaashu waxey tahey yaad tahey, yaase lagaala talshaa? Muusena waxaan
usheegi lahaa inuu strategiga uu badalo, halmaamana inuu hubka u sito dadka
uu ka dhashey balse uu gacan bir ah ku dhigo cusmaan caato iyo qeybdiid oon
kala duwaneyn dilana ultimately si uu uga baxo mugdiga eey iyagu galsheen.


caweys@hotmail.com

Maryama Maxamed

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo inay tahay ama ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 
 

Bravenet.com