ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Baaq Nabadeed

Posted to the Web  July 9, 2002

Waxaa AllPuntland Soo garsiiyay

Said Siad Shirwa

ssshirwa@hotmail.com 

NAIROBI, 7TH JULY 2002

BAAQ NABADEED

WELIGEY KUMA AAN FAKIRIN SHACABKA REER MIRIFLE AYAA WELI U DHIMAN SILLAC, KHAX, GAAJO, DHIMASHO IYO COLAAD DAMBE MARKA DIB LOO EEGO DHIBAATOOYINKII AY SOO MAREEN. AAWAY HALGANKII DHEERAA OO LAGU XOREEYEY GOBOLLADA BAY IYO BAKOOL, AAWAY SHARAFTII IYO MAGACII LA SOO HOOYEY OO AY U BOGEEN SHACBIGA SOOMAALIYEED IYO BEESHA CAALAMKA, EE GAARSIIYEY IN MAGAALADA BAYDHABO LOO AQOONSADO XARUNTA QARUMAHA MIDOOBAY LOOGA ADEEGO DALKA SOMAALIYA? KUMAA LA SAARI KARAA EEDDA FADEEXADDA HADDA KA SOCOTO GOBOLLADA BAY IYO BAKOOL?....

AAD IYO AAD BAAN UGA XUMAHAY IN WALAALAHEYGA REER BAYDHABA MICNO DARRO MURUQ-DAGAAL KU GALO IYADOO AAN WAX NATIIJO AH OO LAGA GAARI KARO DAGAAL SOKEEYE AYSAN JIRIN. WALAALAYAALOW XUSUUSTA WIXII HORE EE LA SOO MARAY. MAANTA MA FILAYO INUU JIRO SHAQSI SOOMAALI AH OO KU FARXAYO DILKA RAXANWEYN KA JIRO; HADDII UU JIRANA WAA MID NAFTIISA SHAKISAN OO AAN WAX ISTAREYN.

SIDAA DARTEED, WAXAAN SI XUSHMAD IYO WALAALTINIMO LEH UGA CODSANAYAA GARABYADA DAGAALAMAYO INAY SIDA UGU DHAQSI BADAN U JOOJIYAAN DAGAALKA MICNO DARRIDA AH, UNA SOO NOQDAAN DANAHOODA GAARKA AH. WAXAA JIRTO MAAHMAAH INGIRIIS AH OO ORANESO "where two elephants fight, grass suffers" DAGAALKA AAD RAAXO MOODAAN WAXAA KU BAABA'AYA SHACBIGA REER BAYDHABO OO AAD DOONEYSAAN INAAD BERRITO MADAX U NOQOTAAN.

WAANO WEHEL MA NOQOTEE ....WAX ISU FALA OO KA XISHOODA DADKA AAD MATALEYSAAN ISLA MARKAANA AAD MAS'UULKA KA TIHIIN.........

MOWLIID MACAANE MAXAMUUD

GUDDOOMIYAHA SAMO AHNA


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka eeg emailkiisa bilowga qoraalka 

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:

Kor u noqo ama Ku Laabo Bogga Ra'yiga Akhristaha ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland/Go Back Home

 

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.