ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Faallo' Wareysii Maxamed Khaawi

Posted to the Web   March 13, 2002

WQ.

Mohamed Salah

dallaas@iprimus.com.au 

 

Samaysankii Maamulada ka jira Somaliland iyo Puntland waxuu ku yimid baahi ka timid Dadkii meelaha ay ka samaysmeen degganaa. waxaana sal u ahaa in dadkaasi ay yihiin dad isku hayb ah.mana jirin mabda' aan ahayn in dakaasi isku reer yihiin, samaynta maamulkana ay dani ugu jirto reer ahaan, dhibaato ku soo gaartey reernimadoodana ay jirtey . Mana jirin mabda' guud oo kala dhexeeya Dadka kale ee ay somaalinimda wadaagaan.
 
Waxaan la soconnaa in Puntland iyo somalilandba ay ka kooban yihiin  dhul cayiman oo dad gaar ahi degaan u leeyihiin.
 
Markaa haddii run loo hadlo magacyadani (Puntland ,Somaliland) waxy u taagan yihiin magacyo qabiil waqtiga hadda. Ninkii markaa mid aan kiisa ahayn sheegtaana wuxuu u muqanayaa nin haybtiisa diiddan
 
Haddaba ruux kasta oo qurbaha joogaa wuxuu si automatic ah ugu mid yahay maamulkaa dhulkiisii laga samyeey maadaama uu reerkaas ka soo jeedo,meeshuu doono ha ku dhasho,koro ama  ku noolaadee.
 
Waxaad aad iiga yaabiyey waraysigii Allpuntland la Meelatay Maxamed Khaawi. halkaas oo Maxamed ku sheegtay in uu  yahay nin somaliland ah. halka ay ahayd in uu automatic u ahaado nin reer Puntland, maadaama uu yahay nin reer Laascaanood ah. haddana qurbaha ku nool oo aanu u shaqo tegin Somaliland.
 
Dadka u kala shaqo doonta somaliland am Kooxda Carta waxaa loo samayn karaa Garawshiinyo maadaama hungri iyo xilkasnimo darro u geysey falkaas gurracan,balse nin qurbo jooga duruuf ku xambaarta arrinkaasna ayan jirin. waa i dhici weydey in ruux Miisaanka iyo maskaxda Maxamed Khaawi oo kale leh in hadalkaas laga maqlo.
""waan ka cudur daaranayaa hadalkayga haddii duruufo gaar ahi jiraan"".
 
Uma jeedo in aan canbaareeye odayga balse waa ninkii iigu harreeyey ee reer Laascaanood ah ee aan ka maqalo isagoo sheeeganaya Somalilandnimo.
 
adduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban.
 
Mohamed Salah
Australia

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.