AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

HABARTA ODEYGA WAX LOO SAAR (faax iyo Caato)

Posted to the Web   February 18, 2002

Waxaa Qoray

Mohamed Mohamed

xabsade@hotmail.com 

 

Waxaan ugu horeeyn jeclaa inaan salaan qiimo leh gaarsiiyo dhamaan asxaabta qoraalada wax ku oolka ah qora. Anigoo aaminsan xoriyada hadalka iyo qoristeeda intaba ayaan hadana waxaa aad u layaabey website lagu magacaabo RUUNKINET. Waxaa hadaad fiiriso sitekaas uu soo qoraa warar aan sal iyo raad toona laheyn iyo hadalo aan wax ulujeedo ah oo uu aqristuhu kala soo baxo laheyn.

 

Maalin kasto waxaad moodaa hadeysan wax ka qorin dadka walaalaha ah ee u dagaalamaya danahooda deegaaneed iyo midkooda dadeed ineey gubanayaan. Mar been waa lasheegaa balse sida eey aqyaartan u sheegaan ayaa ah mid aad loo layaabo.

Qoraaladooda ayaa ah mid markasto ka hadlayo halgamayaasha beesha Mudulood sida Muuse Suudi iyo Maxamed Dheere. Waxey subax waliba kasoo waramaan Cumar Finish iyagoo ku timaama inuu yahey nin talada iyo maamulka deegaanka loo dhiibey inuu xoog kaga saarey Alxaaji Muuse Suudi.

 

Hadaba aqristoow waxaa axmaqnimo ah in dadkaan eeysan kala aqoonin farqiga u dhaxeeyo Muuse Suudi, Cumar Finish iyo ciidamada uu midkood yeelan karo. Muuse Iyo Cumar waa labo nin o walaalo ah, isku dan ah, isku cadaw ah oo aan marna lakala geeyn kareyn. Waxey sidaad si lamida uga hadlaan RRA'da dhexdeeda iyagoo dagaal iyo waxa aan loo joogin ka qoro. Col Cabdulaahi Yuusuf iyo dhamaan dadka Soomaalia u diidan inuu qabiil, qabiil kale gumeesto. Hadaba Walaalkeey Abdulaahi Faax hadii uu xal moodey in loo adeego kuwa dalka intaa badey isla markaana uu ku tilmaamo saaxiibo aad u wanaagsan waa arin aad u murugo badan in mudana laga hadli doono.

 

Waxaan aqriyey maqaal uu Cabdulaahi Faax ku beeniyey inuu Cusmaan Caato Ka danbeeey dilkii Xassan Jaale oo waliba si dhaqsa leh uga hadley in isaga iyo Cusmaan Caato eey saaxiibo fiican yihiin. Waxa ayaan daro ah in maanta nin weeyn sida Cabdullahi faax uu Cusmaan caato amaano. Miyuusan ogeeyn in Soomaali oo dhan eey ku maqleeso, aqrineeso. Cabsida dadka qaar eey ka qabaan waxuush ceeynkaas oo kale ah ayaa ah mid diin kabax ah. Nin laayey kumanaan soomaali ah, iibsadey kilyahoodii, qabsadey beerahoodii, daroogo deegaanki oo dhan ku beerey maantana soomaali oo dhan meel kasto laga soo ceershey ee ku harey inuu dad masaakiina ku tilmaamo iney xisbigiisa yihiin ayaa waxey cadeyn kartaa gabalka oo kasii dhacaayo kuwa eey Ruunkinet gaashaanka u sidaan.

 

Waxaan ognahey in waxa lagu tilmaamo Kooxda Carte eey masuul iska saartey soo qabashada ninki Diley Gen Talan,  indhahana ka xirten kii diley Xassan Jaale oo aad adiguba ka baqdey inaad ku cadeeso ama aad xitaa ka hadasho maadaama uu ahaa muwaadin laga gar daraa. Mr Faax wareysigaa bixisey miyeysan ku haboonaan laheyn inaad u muujiso dareenka aad ka qabto dilkii Xassan Jaale, eheladii iyo qaraabadii uu kabaxeyna aad u tacsiyeeyso, mana umaleynayo iney ku habooneed amaan cusmaan caato adiga iyo kii suaalaha ku weydiineyeyna waa walaalkaa Cabdiraxmaan Macalin Faaxee ayaa ah kuwa u muuqdey iney amaan ka helaan ninka dadkiina Soomaaliyeed ama beeleed intaa ka soo reebey.

 

Ugu danbeenti waxaan Mr Cabdullahi Macalin faax u sheegi lahaa inuu is weydiiyo haddii uu caato dilin walaalkaa Xassan jaale yaa diley?

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited