ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Hambalyo & Bogaadin Hoggaanka RRA!

Posted to the Web   April 01, 2002

WQ.

Maxamed Mayow 

mohamedmayow@hotmail.com 


Asalaamu Calaykum Walaalayaal, Waxaan jeclahay inaan halkaani ugu soo jeediyo hambaliyo iyo bogaadin aad u weyn Hogaanka Sare RRA ee uu horseedka ka yahay Dr.Hassan Mohamed Nur "Shatigudud guusha weyn ay gaareen,sidoo kale waxaan hambalyo u direynaa odayaasha,waxgaradka deggaanka oo gacanta ka geystay abaabulka maamulka cusub. 

 

Waxaan digniin usoo jeedinaayaa dadka dhoofka ku yimid oo ay soo marin habaabiyeen maamulka jahwareersan ee uu horseedka ka yahay cabdi munaafaq,(INTII AY GOORI GOORI TAHAY KA SHIRAACDA DEGGAANKA XAQ DARRADA AAD KU DEGGEN TIHIIN,ogaada dhul iyo dhar aadan laheyn dhaxan kaama celiyo marnaba. 

 

Ugu dambeyntii waxaan idinka digaayaa intuusan idinku dhicin karbaashka kuleelka badan ee RRA ku laabta bohoshii aad ka timaadeen.Nin ku digay kuma dilin.Intii aad dhegta dhiiga layd darin  (Cabdi-Qaasim iyo kooxdiisa waxay idinku baaqeen roob aan xiligiisa la gaarin,dhedo roob noqon weyday).

 

Dadyahow habowsan ku laabta deggaankiina haddii kale waxaad heli doontaa waxaadan weligiina riyo ku arag.

 

Waxaad ogaataan inuu caariyey markabkii ismaaciil cumar geelle.Hurdaayow naftaada badbaadso intii ay goori goori tahay. 

 

Maxamed Mayow 

Melbourne,Austaralia 

mohamedmayow@hotmail.com

Dhamaad


 

Xusuusin: Haddii aad doonaysid inaad Dhiibato Hambalyo iyo Fikirkaaga ku aadan Maamul goboleedka Cusub fadlan ha noosoo dirin ee booqo oo toos ugu qoro qaybtaan gaarka ah ee aan u samaynay, ka dib markii ay nagu bateen qoraalada ka imaanaya akhristayasha ee ku aadan arinkaan. [ Riix Halkaan Si aad Qaybtas U gashid ] Mahadsanid Tifaftiraha AllPuntland

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.