| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

Xal iyo Xaq waa isma huraan .

[AllPuntland ] (Opinion/Aragtida)
December 03, 2001
Posted to the AllPuntland.com  December 03, 2001
yyyk
Xusuusin: Aragtida qoraalkani waa mid u gaar ah qofka / Dadka ku Saxiixan, marna looma macnaysan karo inay tahay mid ka turjumaysa Aragtida  AllPuntland iyo qorayaasheeda, Waxaa qoraalkasta oo akhristayaashu na soo gaarsiiyaan la socda magaca iyo Cinwaanka email ee lagala xiriirayo lehna mas'uuliyada qoraalkaas. Akhriste kastaa waa u xor inuu soo bandhigo aragtidiisa. Mahadsanid

 

WQ. Abdallah Moallim Mahamud
moallem10@hotmail.com 

Dhab ahaanti arrini waa is dhex qaaday,waxaana su’aal ka taagan tahay kumaa argagixisaa, kumaase u taagan danaha guud ee dadka iyo dalka Soomaaliya?
Yaysa ka go’antahay xal u helida arrimaha isku miliqsan ee hortaagan Soomalida in ay ka baxdo dowlada tira dhaafay iyo rag la jiran wax xukun ee u wada buko hogaaminta dalkan?
Argagixisa waxaa ah ruux ama koox u taagan waxyeeleynta beni’adaamka guud ahaan ha ahaato dil xaq daraa, kufsi,boob iyo dhac aan loo aaba yeelin , qabsasho dhul dad kale leeyahay iyo ku tumashada xuquuqda dadki dhulka lahaa iyo boobida awood gobal ama dal leeyahay iyada oo aan loo soo marin wada
tashi dhex maray dadka awoodaas ka dhexeeyso iyo arrima badan ee aan halkaanlagu soo koobi Karin.


Waa arrin aad u adag in ruux ama koox keliya tiraa maanta ma jirto cid u taagan danaha guud ee dadka iyo dalka Soomaaliya haddana waa xaqiiqo jirto oo aan indhaha laga qarsan Karin in aan soomaali faraha ku hayn koox ama ruux banaanka la taagan ama ay dhab ka tahay xal u helida dhibaatada kala gaartay Soomaali weyn afartanki sano ee u dambeeysay.


Soomaali weyn waxaa ka go’an maanta in ay u istaagto xal u helida dhibaatada kala gaartay Soomaali meel walbo oo ay joogto, sida keliya ee xal lagu gaari karaana waa in la maraa wadada saxaa ,wadadaas oo ah mid ka duwan shirarki kol hore la isagu keenay qabqablayaasha dagaalka oo  keliya iyo shirki carta oo ay soo maleegeen koox dana gaara wadatay oo hal ku dhegooda ahaa “xaq looma baahno ee xal baa loo baahan yahay”.

Kol hadii xaq laga tagaana waa baadil iyo dulmi ha la qaato sidaana dad kuma heshiiyaan waayo asaas baadila ma cimriyo, hadaba waa in la helaa wadadi ruux walbo oo Soomaaliya xaqa uu tabanayo ku gaari lahaa wadadaas oo ah mid meel ku kulmi
karto Soomali oo idil una fududeyn karto helitaanka dowlad loo dhanyahay .

Waxaa lagama maarmaana si loo helo xal waaro in ay Soomaali ku dhaqaaqdo arrimahan soo socdo.


1) kow oo ah Soomaalida nabada jecel oo baaq u soo jeedinayso Dr Cabduqaasim Salad madaxa kooxda Carte, laba alifle Xuseyn Caydiid, Cusmaan Caaato  iyo General M.Morgan iwm in ay ka tanaasulaan ku dheganaaashada iyo dagaalka macna daradaa oo ay ugu jiraan maamulka gobalo aynan xaq u lahayn maamulkooda iyaga oo adeegsanayo mooryaan hubeysan oo aan garan danaha
guracan ee ragan ku haminayaan waayo hadii ay dalka Soomaaliyeed musiibo taalo inta ay la ekaataba culayskeeda waxaa u hormooda raggan aan kor ku soo xusay ee aan la ganban dhibaatada joogtadaa oo ay ku haayaan ummada Soomaaliyeed guud ahaan ,gaar ahaana dadweynaha ku nool koofurta dalka.


2) haddii la waayo in ay aqbalaan baaqa aan u soo jeedinay     raggan aan ku soo xusay qeybta  hore ee hadalkan waa in Soomaali meel uga soo wada jeesato hogaamiyihi ama qabiilki ku taamayo ama hinganaayo maamulida gobal uunaan
deegaan ahaan wax shaqaa ku lahayn ,haddii taa la waayana qabaa’ilki gobalkaas boobka lagu haysto deegaangooda yahay  waa in ay u dhqaaqaan sidi ay xoog ugu xoreyn lahaayeen gobalkooda sidi baydhababa looga soo xaaqay kooxda Caydiid ,Cusmaan caato iyo Cabduqaasim


3) Waxaa hubaala shacbiweynahaha gobalada la dul saaran yahay  in ay ka adkaan karaan shar wadayaaasha haddii ay u soo jeestaan xoraynta gobalkooda ,haddii gobaladaa la xoreeyana waa in gobal walba oo Soomaaliyeed dadka degan ay dhiisha guntigi isaga dhigaan sidi ay maamul ugu sameyn lahaayeen gobalka ay ka soo jeedaan,goballada maamul hore u sameystana waa in ay adkaayaan maamulkooda ,maamulka gobal kastaana asaaskiisa waa in uu yahay mid ku salaysan dastuur lagu tilmaamayo doonista dowlad Soomaaliyeed ee loo dhan
yahay iyo xaqa dadka gobalka degan ay u leeyihiin in ay doortaan si toosa hogaamiyaha gobalka ,hogaamiyaha la dooranayana waa in uu ahaado mid ku dhashay gobalka kuna barbaaray.


4) keddib hadii lagu guuleysto umuuraha aan kor ku soo sheegay waxaa aad u sahlanaanayo in ummadda Soomaaliyeed gogol keliya wada fadhiisato una dhaqaaqdo sidi ay u sameysan lahaayeen  ciidan Soomaliyeed , is maamul goboleed ee hshiis lagu yahay iyo dowlad loo dhan yahay awoodeedana wada tashi iyo wanaag lagu qeybsado iyada oo aan laga tegeyn koox walbo oo Soomaaliyeed ee dooneyso in ay qayb ka qaadato qeybsashada
maamulka awooda dalka .

02/11/2001

Abdallah Moallim Mahamud
moallem@lycos.com
moallem10@hotmail.com

Xusuusin: Aragtida qoraalkani waa mid u gaar ah qofka / Dadka ku Saxiixan, marna looma macnaysan karo inay tahay mid ka turjumaysa Aragtida  AllPuntland iyo qorayaasheeda, Waxaa qoraalkasta oo akhristayaashu na soo gaarsiiyaan la socda magaca iyo Cinwaanka email ee lagala xiriirayo lehna mas'uuliyada qoraalkaas.Akhriste kastaa waa u xor inuu soo bandhigo aragtidiisa. Mahadsanid

  Go Back  

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)

 

Go Back Main  


Old News|Oktober| Sebtember|August | July | Jun 01 | May 01 | Apr 01 | Mar 01 | Feb 01 | Jan 01 | Dec 00 |

Contact/Nagala soo xiriir:

|Webmaster@allpuntland.com| |admin@allpuntland.com| |info@allpuntland.com| |support@allpuntland.com| |Sales@allpuntland.com | |sysadmin@allpuntland.com

Fadlan Email-kasta oo ay la socdaan File lifaaq ah  noogu soo dir emailka hoose / All Email with Attachments Please send only this Email address puntlandhome@Hotmail.com

Attachments are automatically scanned for viruses using MCAFEE.com

TOP / KOR

 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com