ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Cabdiqasim Tan iyo Carte Muxuu soo Kordhiyay?

Posted to the Web  June 05, 2002

WQ.

Ali Moalim muse" 

amirugas@hotmail.com 

 

Marka hore waxaan jeclahay in aan salaan u gudbiyo shacabka soomaliyeed ee dhibku ku haysto wadankii somalia.Runtii xaalad adag ayay kujiraan dhalaanka somaliyeed intooda badan waxay kusuganyiihiin xaalad xun oo isugu jirta baahi,cuduro,dagaalo sukeeye iyo waxbarasho la,aan.12 sano oo laga joogo maalintii uu qarxay dagaalkii sukeeye  ilaa iyo iminkana qarxaaya waxaa mustaqbal xumo kudhacaday badanaa jiilalkii waagaas dhiganaya schoolada, kuwii waagaas dhashay iyo caruurtii dhalanaysay wiixii kadanbeeyay dagaalkii sukeeye.

 

 Hadaba labo sano kahor waxaa carte lagu qabtay shir markii hore lamooday in uu dhaamo kuwii horay loo qaban jiray markii danbese la eeday shirkaas waxaa kasoo baxay hugaan kooxeed cusub oo layiraahdo cabdi qaasim salad xasan oo ahaa waziir aan dhicin kahor sagaashameeyadii.

 

Hadaba hadii aan su,aasha aan ku xusay bilowga maqaalka dib ugu laabto waxaan kubilaabay sidaan:-tan iyo markii ladoortay mudane cabdi qaasim waxaa wadanka kusoo kordhay ama uu soo kordhiyay lacago been abuur ah oo ay soo degsadeen xigtada mudane cabdi qaasim salaad xasan sidaas darteed shacabka somaliyeed waxay soo xusuusteen maahmaahdii ahayd hal xaaraan ah nirig xalaala madhasho waayo dowladii jaale siyaad bare ayaa ahayd mid kudhaqanta dheefinta xigtada, waxaa sidoo kale soo kordhay hubkii ewelba wadanka yiilay waxaa soo kordhay in xabashidu ay wadanka kusii baldhaarato oo ay hirgalaan khidadii xabashada waxaa dhacay iska hor imaadyo badan waxaa soo noqday khadadkii cagaarnaa waxaa madaxtoyadii loo bedelay hoteelo iyo guryo.

 

 waxaa batay dhaca iyo booobka waxaa caadi noqotay dilka aqoonyahanada waxaa la arkay qaranimadii somaliyeed oo sii dhumaysa.

 

 Waxaa kor u kacay maciishadii dadwaynaha waxaa batay is eedayn iyo iska dabaraarac badan waxaa caado noqotay waziir iyo gudoomiye gobol oo shaqadoodu ku egtahay woqooyiga muqdisho.Canshuur uruurin laga masruufo burcadii wadanka denbiga kagashay waxaa la arkay sedex xarigle taliye u ah ciidanka gobolka banaadir isla markaana amar siinaayo korneel boliiska kusoo jiray afartan sano.

 

Waxaa la arkay beel metelaysa xooga dalka somaliyeed isla markaana duulaan ku qaadayso deegaano dadwayne.Iyadoo halkaas sumacdii looga dilay ciidankii xooga dalka somaliyeed ee karaamadii uu lahaa ay caanka ka ahayd africa oo idil.Ciidankaas waxaa sharaf dil lagu bilaabay markii uu geeriyooday alaha u naxariistee jen.Daa,uud Cabdule Xirsi balse mudane cabdiqaasim wuxuu gartay in uu god u qodo dabadeedna uu aaso si aan mar danbe loo maqal kagadaal markii ladejiyay meelo qura loona dhiibay dad gaar ah.

 

 Hadaba beenta iyo khiyaanada cabdiqaasim kuma ekayn inta uu isleeyahay waa ay kaasoo horjeedaan ee wuxuu dulaysi kubilaabay ragii carte kasoo daba kacay asigoo diiday in uu qaabilo mararka qaar isla markaana uu ixtiraamo hadba kii haysta mooryaan wax qasi karta waxaa dhacay in hantidii carabta gaar ahaan sucuudiga ugu talo galay umada in lakala kuusto halkaasna ay isku gefaan cali khaliif galayr oo markiisii hore malaayiin kadhacay warshdii mareeray isla markaana wax uga bartay wadanka maraykanka kuna galay ganacsi asigoo share aad u baldhaaran ka ah dahabshiil.Intii garaadka laahyd waa ay garanayeen in wax carte lagu soo maleegay aanay soconayn kol hadii cali khaliif oo asiga iyo lacagba ay aragti kadhexayso uu yahay waziirka koowaad daahir dayax iyo king kong oo iska daa wax ay maamulaane guryahoodii dayacayna ay noqdeen waziiro muhiim ah.Laakiin shacbak somaliyeed intiisa badan oo hal dheg wax ku maqla ayaa si indho la,aan ah usoo dhaweeyay halkaasna waxaa kasoo baxa y in uu aas aasmo cabdiqaasim oo ah dagaal ooge cusub oo ayba kow u tahay dagaal sukeeye oo beeleed.

 

 Sida muuqata labo sano kadib cabdi qaasim waa kadare waayo markii uu yimid wax waliba kor ayay u kaceen maciishadii kor ayay u kacday dagaaladii skueeye kor ayay u kaceen oo waa bateen wax waliba waa ay isbedeleen ayakoo isku bedlay si aad u xun wuxuu keenay isbedel aad u xun oo laga shalaaayay wuxuu noqday ruux dhooqadii meel kasta daadsaneed ul kudhuftay dabadeedna gaarsiiyay meel kasta waayo imaatinkiisii kahor dagaalku wuxuu ku ekaa meelo kooban maanta meel kasta waa ay holcaysaa dhibku waa badan yahay cabashadu waa badantahay xaalkuna alam tara ayuu dhaafay waxay joogtaa kadaran oo dibi dhal.

 

 Hadaba xal in uu keeno ama uu soo celiyo qaranimadii mar hore dhuntay iska daaye wuxuu kusuganyahay in dabkii ewlba shidnaa in uu gaas kusii shubo marka su,aashu waxay tahay maxaa lagudboon mudane cabdi qaasim? sidee ayuu u badbaadsan karayaa sumcadiisa shaqsiyadeed oo hadaba joogta meel aan laga sheekayn karin iyo noloshiisa intaba?

 hadaba waxaan usoo jeedin lahaa in uu is cazilo oo uu israaciyo daadka socda ee meel uun ku istaagi doona si wadnak looo badbadiyo ama ha raaco tubtii macalinkiisii ee jaale siyaad bare ama mujaahil maxamed faarax caydiid.

 

 Ugu danbayntii waxaan rajaynayaa in ay gaari doonto taladaan waxayna joogtaa yaasiinka waayo dal iyo dadba rogmasho ayuu kudhaw yahay marka waxaa haboon in uu karaadsado sharafta waana in uu kasabraa kistii yareed ee uga baxday carte markii uu waday barnaamijkiisii doorashada.

 

Wabilaahi towfiiq.

 

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

Mas'uuliyada Qoraalkaan waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com , iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.