ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

 Hambalyo & Taageero.

Posted to the Web   April 08, 2002

WQ.

Ahmed Moalim

edeeg@hotmail.com 

April 02,2002

TO: Dr..HASSAN MOHAMED NOR (Shaatiguduud)                              Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed                                                      Somalia - Baydhabo

                                                                                               Uj: Hambalyo & Taageero.

Md. Madaxweyne

  Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca jaaliyadda DIGIL & MIRIFLE, gaar ahaan,  iyo  guud  ahaanba  walaalaheena  soomaaliyeed ee ku abtisada  dhamaan deegaanada  dowlada  koonfur  Galbeed ee soomaaliya  waxaa sharaf & farxadba inoogu wada  idil inaan halkan idinku soo gudbino  hambalyadeena  oo  u  dhiganta magaca sharafta badan ee xambaarsan  tahay  MADAXWEYNAHA  DOWLADA KOONFUR GALBEED EE SOOMAALIYA.

Md. Madaxweyne

       Ayadoo aan hubno in mas’uuliyadaas laguu soo doortay ay ka timid riyada iyo rabiraanka Shacabweynaha ku abtirsada deegaanadda gobolada iyo degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya ee ku kala nool gudaha iyo dibada , ayaa waxaan  jecelnahay  munaasabadan  qaaliga  ah  inaan uga faa’ideysano inaan idin muujino Taageerada buuxda ee aan u hayno maamulkiina oo horayba loogu bartay horumarka  &  wanaag  gaarsiinta  dadkiisa  iyo  deegaanadiisa  iyo  dhammaanba mas’uuliyiinta dowlada K/Galbeed soomaaliya.Md. Madaxweyn

    Ugu dameyntii, ayadoo aan idin rajeynayo caafimaad waara iyo rabi inuu idinku garab galo  gudashada mas’uulidda balaaran ummadeena ay dusha idinka saartay, una baryeyno shacab weynaha dowlada K/Galbeed ee soomaaliya horumar joogta  nabad waarta & ciza aan meel ku ekeyn haddana waxaan idin cadeynaynaa inaan dhammaanteenba  diyaar  u  wada  nahay  ka  qaybqadashada  dhismaha  iyo huru marinta deegaanada dawladda

                               (Mahad ilaah baa leh , adinkaa ammaan mudan).

                 Ahmed Rashid SheikhMohamed                                                        Madaxa jaaliyada Dowlada K/Galbeed soomaaliya                         

                                Ottawa-Canada


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.