ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Shirka Nayroobi Ma Naruuraa Mise Waa Nabar Hor Leh ?

Posted to the Web   March 11, 2002

Waxaa Qoray

Abdalla Moallim Mahamud

moallem10@hotmail.com   

Abdalla Moallim Mahamud

Waxaa beryahan la hadal hayaa Nayruubi in shirweyne loogu qaban doono kooxaha ama hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku herdamaayo gacan ku qabashada awooda u sareyso ee Dalka Soomaaliya ,waxaa kale oo maalmahan soo if baxaayo si caddaana in Itoobiyo iyo kooxaha la gacan wadaago oo kaashanayo dhowr dowladood oo IGAD ka tirsan in ay ku dhowyihiin soo xiritaanka albaabadi u dambeeyay ee DKM oo iyadaba aan la imaan maamul dadweynaha Soomaaliyeed qancin karo oo wax tar leh keddib marki ay ka badin weysay saddex waxyaabood oo curyaamiyay ku guuleysashada meelgaarsiinta Dastuurki,Golihi shacabka iyo Dowladi ay soo dhiseen Dowladda jabuuti iyo kooxaha gacan saarka la leh( waa kooxda Carte), Saddexdaasi waxaay yihiin in madaxweynaha DKM ka badin waayay dhisida ciidan xoogan oo jufadiisa gacanta ku hayso iyo maleeshiyaad qabiil oo iyaga la kala diro keddib marki uu xoogeysto ciidankaas hergalana qorshaha hore, laba, xubnihi barlamaanka iyo wasiiradi oo iyaga intooda badan ka badin waayay in ay fuliyaan dana guracan iyaga oo ku tumanaayo xeerarki ay ahayd in lagu dhaqmo kol haddii uu cariiri gelaayo helitaanka qadadooda,jiifkooda iyo masruufki ay u dirsan lahaayeen reerahooda oo ay u dheertahay in badankoodaba aynan matalin dadka ay magacooda ku adeegayaan, Saddex, baryo aan dhamaan,safaro macna darraa, been abuurid lacageed oo horay u jirtay laakin siyaaday keddib imaantinka DKM iyo abuuritaan kooxa cusub oo iyaga qalaalasa ku abuuro kooxihi diidanaa aqoonsiga ama la heshiinta DKM halki la dooni lahaa dib u heshiin iyo wax wada qabsi guud.

Hor dhac keddib maanta Soomali weyn waxaay is weydiinayaan waa intooda badan helitaanka dowlad loo dhan yahay iyo nabadgalyo hareereyso waddanka oo dhan iyo barwaaqo saameyso dadka Soomaaliyeed, muxuu soo kordhinayaa shirka la filaayo in uu ka dhaco Dalka Kenya,Magaalada Nayroobi ? Muxuusa kaga duwan yahay shirarki hore loogu qabtay kooxaha soomalida ee isku haayo gacan ku qabashada ilaha dhaqaale iyo qaybsiga awooda dalka Soomaaliya u sareyso?

Inta aanan u guda gelin ka jawaabidi su’aalaha kor ku xusan waxaa is weydiin mudan yey yihiin kooxaha la rabo in la kulansiiyo? awoodoodase inteey la egatahay ,mase mathaleen dadka ay ka soo jeedaan? maxayse isku diidan yhiin maxayse heshiis ku yihiin?

1)Kooxaha larabo in la kulansiiyoo waa Afar kooxood

A)kooxda koowaad waa kooxda carta oo aanan dooneyn in aan ku dheeraado faala ka bixinteeda waayo iyaga waa xaadir muuqaalkooda dadka Soomaaliyeed ka dheragsan yihay , haddiise ay dhab noqoto in ay u istaagaan koox ahaan Shirkan la hadal haayo iyaga ma matalaan wax dhaafsiisan jufada hoose oo uu ka soo jeedo Dr Cabduqaasim Salaad xasan, taa macnaheedana waa qabiil xoog ku haysto dhul ay leeyihiin qabaa’il kale oo Soomaaliyeed doonayana in uu shirka ka helo sad bursi haddii uunan mar kale isku dayinba noqoshada madaxweyninimo si toosan iyo si dadbamba.

B )waa kooxda SRRC oo iyada ah koox isku bahaystay riditaanka DKM ee lagu soo dhisay Dalka jabuuti, mana jirto arrin siyaasadeed,deegaan, dhaqaale iyo mid milatariba oo ay ka mideysan yihiin taana waxaa daliil u ah iyaga oo marki laga reebo hogaamiyaha RRA Maxamed.X.Nur Shaati gaduud iyo G/USC/SSA Xaaji Muuse Suudi Yalaxow goob joog ka ahaa Shirki carta ka hor shirarki kooxaha is haysto ee Soomaali weyn heshiisiintooda loo qabtay oo geddigoodba ku dhamaaday guul darro .sidaa darteed waxaa hubaal ah waa haddii ay SRRC ku Guuleystaan dabargoynta DKM ,Shirka nayruubina qabsooma in ay u gala jabayaan koox koox mid waliba fakarkeeda yahay in aan meel laysugu imaan haddii la reed maro halka ay gocaneyso.

C) waa Qabiilka isxaaq oo iyaga ku adkeystay in ay yhiin dowladda Somali land iyo in aynan ka soo qayb geleyn shirweyne looga arrinsanaayo arrimaha guud ee Soomaaliya oo ay ku jirto goballada woqooyi galbeed balse ay wada hadal la galayaan oo keliya dadka ku nool soomaliyada koofureed haddii ay samaystaan dowlad ay heshiis ku yihiin ama maamul ka tarjumayo mideysnantooda .taana faala ka bixinteeda maanta waa arrin ka baxsan qabashada shirka nayroobi ee la hadal haayo.

D)Kooxda afaraad waxaay ka kooban yihiin kooxo ay abuurtay DKM iyo kooxo yar yar ee ka soo jabay SRRC oo jahawareer siyaasadeed ku dhacay , geddigoodna miisaan saas u culus kuma laha looltanka siyaasadeed ee shirka la hadal haayo ee Nayroobi waxaase jirto xaqiiqana ah in Madaxweynaha Cusub ee Puntland Jamac .C.jamac oo isaga ka mid ah kooxdan uu wax weyn u dhimi karo culayski uu lahaa Madaxweynaha Puntland Cabdulaahi yuusuf ka hor inta aynan laba u kala jebin awoodi maamuleed ee Puntland .

2)waxaa iyada aad u adag in la tilmaamo awooda maleeshiyeed oo ay leeyihiin kooxaha soomaalida ama tan siyaasadeed waayo ma jirto koox keliya ee soo afjari karto dagaalada sokeeye ama nabad lagu nasto ka abuuri karto meelaha taladooda hoos timaado sidaas darteed waxaa la dhihi karaa kooxahan ma laho wax awooda haba yaraatee oo aan ahayn in ay abuuri karaan oo keliya xasilooni darri marki danahooda gaarkaa ciriiri galaan ,mana jirto cid ay matalaan oo cod buuxo ku siisay maamulada ay sheeganayaan intooda badan.

3)kooxaha Soomaalida ma jiraan waxaay heshiis ku yihiin mana jiraan waxaay isku diidan yihiin waayo khilaafkooda ma’ahan mid ku salaysan mabda’a ha ahaado mid siyaasadeed,diineed iyo mid dhaqaale laakin waxaa hubaala khilaaf walbo oo dhex yaalo kooxahan inuu ku salaysan yahay dana shaqsiyadeed iyo mid qabiileed oo haddana aan ka wada tarjumayn danaha qabiil fulaan ama qabiil fulaan.

Aan yara dib ugu noqono shirkan la hadal haayo ee Nayroobi muxuu kaga duwan yahay shirarki horay Soomaaliweyn heshiisiintooda loogu qabtay? Mxuxuusa ku soo kordhin karaa arrimaha Soomalida faa’iido iyo khasaaro?

Faalo iyo falaanqayn keddib xaaladda guud oo ay ku sugan yihiin kooxaha isku haayo maareynta ama xal u helida dhibaatadan laba iyo toban jirsatay ee ka taagan geyiga Soomaaliyeed oo dhan,waxaa kuu soo baxayo in aan waxba iska beddelin siyaasadaha ama xeelaladaha xun xun oo ay ku dhaqmaan hogaamiyayaasha Soomaaliyeed muddadaas kor xusan ilaa haddeer, sidaa darteed shirkan waxba kagama duwana shirarki ka horeeyay oo aan ahayn keliya in uu soo dedejinaayo in mar kale hoos loo dhigo calanka Soomaaliyeed oo hadda ka lalmanaayo aqalka dowladaha isu tegay ee adduunweynaha iyo aqallada haya’ada siyaasadeed oo kale ,tan ulama jeedo in aan leeyahay ha la garab istaago DKM ilayn hogaanga DKM waxba umma haayo ummadda Soomaaliyeed oo aan ahayn in uusoo kordhiyay dhibaatooyin hor leh iyo kooxo cusub oo damac kuwada jiro.

Ma muuqdaan haba yaraatee wax faa’iidooyina oo kasoo baxayo shirka Nayroobi waa haddii uu qabsoomee, ilaa in la helo adduunweynaha(Addunka maanta waa hal qudbi oo uu usareeyo Maraykanka) oo cadaadis culus ku saaro ka soo qeybgalayaasha shirka in ay ka tanaasuleen arrima badan oo dhalanteeda kuna salaysan dana shaqsiyadeed ama mid qabiileed oo ciriiriya oo aan kan tarjumayn ku soo celinta Soomaaliya xaala nabadeed iyo sidoo kale in Adduunweynaha ku adkeeyaan Dowladaha deriska la ah somaaliya sida Itoobiya,Kenya iyo jabuuti iwm joojinta faragelinta qayaxan oo ay ku haayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya. taa hadii la helo waa rajo in shirkaa ka soo bixi karo xaamid karasaayga Somaaliya, hadii la waayana, ilaaheyna uunan irid kale soomaalida u furin arrinta waa Nayroobi oo noqoto nabar hor leh oo Soomaalida ku dhaco iyo shimbirayahow heesa waa sida caadada u ahayd hogaamiyayaasha Soomaliyeed..

Abdalla Moallim Mahamud(Abdullahi siyaasi)

Moallem10@hotmail.com 

Moallem@lycos.com 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.