ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


XUSEEN CEYDIID IYO CUSMAAN CAATO MAXAA KA MAQAN

Posted to the Web   April 14, 2002

WQ

Mahamuud Moalin

mahmoudmoalin@msn.com 

waad salaaman tihiin sidaad u dhantihiin

waxaan ogeyn intii ka horeysey shirkii carta waxaa la soo shirey illaa siddeed shir oo dibu hishiisiin ahaa waxaa mar walba caqabad ku ahaa GENERAL CEYDIID IYO BEESHIISA oo ku taageeri jirtey qalad iyo sax waxey sabab u noqdeen iney ka hor istaagaan soomaali go'aankii JIBUUTI ONE oo ahaa mid shan jabhadood isku soo raaceen nidaam ku meel gaar ah oo madaxweyne ku meel gaar ah lagu magacaabey.

waxaa laga dhigey nin ey isku beel ahaayeen oo HAWIYE ahaa CALI MAHDI wuxuu maalin barqa ah ku soo qaadey dagaal hubeysan caasimadii xamar waxey sheegteen iney la dagaalamayaan SULUX IYO MAANA FEESTO sida shaaroonka yahuuda uu u sheeganayo waxaan la dagaalayaa argagixiso waxey furteen wax alaale iyo wixii qalab ey dowlad soomaaliyeed laheyd.

waxey dhac iyo dil iyo barakicin ku sameeyeen shacabkii soomaaliyeed guud ahaan laga soo bilaawo HIIRAAN ILLAA JUBADA HOOSE DHINACA KALE BAY IYO BAKOOL IYO GEDO waxaa ka badbaadey puntland iyo somaliland waxaa dhaqaalaha iyo taakuleynta iyo hantida qaranka oo loo iib geynayey dibadda u xilsaarnaa CUSMAAN CAATO markii odeygii loo taak waayeyna uu xabad ku dhintey waxaa lagu wareejiyey XUSEEN CEYDIID.

hadaba waxaa rag soomaaliyeed oo rugcaddaa ku ah siyaasadda soo jeediyeen maadaama laba iyo taban la marayo oo halaak ah si loo daba qabto qarankaan qarka ka sii hoobanayo bal in lagu dayo beesha HABARGIDIR oo lawada ogyahay waxa ey saareen soomaali gaar ahaan dadka ku nool labada wibi waxaa dhacdey in madaxweynaha jibuuti loo geeyey taladaas uu aqbaley waxaan filayaa wareysigii ugu dambeeyey uu siiyey bishii hore dhamaadkeedii idaacadda BBCda inaad wada dhageysateen inuu ku sheegey soomaali iyagaa soo doortey beeshii ey ka cabanayeen.

waxaan la yaabanahay sababta CUSMAAN CAATO IYO XUSEEN CEYDIID ay ugu hor imaanayaan C\QAASIM oo ah nin ku beel ah oo wiliba maamulkiisa ey ka dhaxmuuqdaan halgamayaashii GENERAL CEYDIID iyo maamulkii SALBALAAR haduu noqon lahaa CABDI QEYBDIID oo ahaa wasiirka difaaca haduu noqn lahaa GANACSADE DEELAAF oo ahaa ninka u qaabilsanaa macaawinooyinka waxaa kaloo ka mid ah CABDI XAAJI GOOBDOON oo c\qaasim u ah la taliyaha warfaafinta ceydiidna si aad ah ula shaqeeyey agaasimana ugu ahaa idaacadiisa mala soo koobi kara.

hadaba cusmaan caato iyo xuseen ceydiid maxey fursaddaan qaaliga ah u dhuminaayaan oo waxey geesteen oo gumaad ahaa dadkii jibuuti ku shirey wey soo saamaxeen waa maxay waxa kale oo ka maqan ay doonayaan kolley aniga waxey ila tahay mar hadii soomaali ay ka suurowdey in nin ka soo jeedo beeshooda uu madaxweyne noqon karo iney ayaga noqdaan.

waxaan ku soo gabagabeynayaa labadaan nin ee isku jufada ah oo kala ah caato iyo ina ceydiid waxey ku sheegeen inuu c\qaasim yahay CEYR iyagana yihiin SACAD hadaba maku daynaa in aan soo doorano nin kale oo ka soo jeedo jufadooda sacad haddii ey ku qancayaan xal waara lagu helayo


BY MAHAMOUD


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.