Make your own free website on Tripod.com

| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

MUDANE XASAN ABSHIR AQOONSI MAKU KORDHIN KARAA DKMG AH!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  13, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 13, 2001
.k

Waxaa Qoray

Moalin Mahmoud

moalinm2us@yahoo.com 

 

WAXAAN WILI ARKEYNAA IN MUDANE CABDI QAASIM KA DHAGA
ADEEGAYAA INUU WAJAHO XAQIIQADA DHABTA AH WUXUUNA NAGA
SII DHUMINAA WAQTIGA WUXUU WADO WAA WAA SOCON WEYNEY
EE AAN ORODNO BEDALAADA DR.CALI KHALIIF IYO
MAGACAAWGA XASAN ABSHIR WAA JOGJOG MEESHAADA JOOG
WAANA SHAQSIYAAL AAN MATALIN REERAHOODA DR.CALI
KHALIIF XAMAR WUXUU KA DAGANAA HOTEEL RAMADAAN XASAN
ABSHIRNA WUXUU DAGAN YAHAY ISLA HOTEEL RAMADAAN
MIISAAN AHAAN DIMBIGA WADANKA LAGA GELEY MARKAAN DIB
U EEGNANA FEYLKOODA TAARIIKHEED CALI KHALIIF AYAA LA
QAATEY OO ASAGA LACAG AYUU WADANKA KA DHACAY LAAKIN
XASAN ABSHIR WAA NIN LOO HEYSTO FAL DAD LUGU LAAYEY
CAASIMADA GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE EE JOWHAR
WAXYAALAHA KALE OO LUGU XASUUSTO AYAA KA MID AHAA
INTUU DUQA MAGAALADA AHAA JERDIINOOYINKII MAGAALADA
XAMAR AYUU SHAQSIYAAD MAXAMED SIYAAD QARAABO AHAAYEEN
UGU SHARAF DOONI JIREY MUDANE CABDI QAASIM WUXUU KA
RABAA XASAN ABSHIR INUU SIDAAS OO KALE U SAMEEY WAA
HADII EY U KALA KACDO

 

 HADABA MAGACOWGA XASAN ABSHIR AQOONSI MAKU KORDHIN

KARAA DKMG AH ? JAWAABTA WAA MAYA WAXAA ILAA HADA
AQOONSAN DOWLADA KU MEEL GAARKA AH WAA DOWLADA
JIBUUTI OO KALIYA LOOGAMA FADHIYO INUU DOWLAD LABAAD
OO AQOONSATO KU SOO KORDHIYO MUDANE XASAN ABSHIR
DHINACA DIB U HISHIISIINTA HOGAAMIYE DIIDAN INUU KU
SOO DABAALO ISKA DAA BALSE WAXAA HUBANTI AH KUWII
TAAGEEREY AYAA KA TAGAAYO

 BAAHASHA MEESHA EY LA'DAHAY MUDANE CABDI QAASIM WAA

XUKUN BOOBKA AAN SHARCIGA AHEYN OO KUU HOOSAASIYE INA

CUMAR GEELE SOOMAALINA ISKU DISHEY TOBANKII SANO EE
LA SOO DHAAFEY ADIGA IYO KOOXDA AAD HORMOODKA U
TAHAYNA MAS'UULKA KA AHAA WAXAAD MAGAC SOOMAALI KU
SOO QAADATEEN DHOWR IYO LABAATAN MILYAN MAAMULKAADA
WAAD DHAAFSIIN WEYDEY GURIGA AAD KA DEGAN TAHAY XAMAR
DEKAD IYO AIRPORT WAAD KU FURI WEYSEY KUWA XUKUNKA
KUGU HEYSTO WAAD AFGARAN WEYDEY NABADA WAAD KU SUGI
WEYDEY WAX QABADKIINA WUXUU NOQDEY INAAD UMMADA
CUNAHA QABATAAN OO KU SOO DALDASHAAN LACAGO BEEN ABUUR
AH
HA IS BARBAR DHIGIN DAMACA SHAQSIGA OO KUGU JIRO IYO
TAN DANTA GUUD EE DALKA BADBAADO AYUU U BAAHAN
YAHAY WADANKA HADII AAD TAHAY WADANI DHAB AH
DIINTIISANA SHAKI KU JIRIN OGOLOW DIB U HESHIISIIN
DHAB AH MAR HADII DOWLADAADA DADKII WADI LAHAA
HOTEELO KA DEGEEN XAMAR IYO BARLAMAANKII
GUDOOMIYAHIISA UUSAN SOO BOOQAN KARIN CARUURTIISA OO
KU NOOL MEESHUU KA AADEY JIBUUTI IYO IN LOO DHOOFO
DIBADAHA MUDANE ADIGANA MADAXWEYNE MAKAA DHIGI
KARAAN UMMADANA WAXBA UMA QABAN KARAAN
WAXAAN IDIN SOO JEEDINEYNAA MUDANE CABDI QAASIM ADIGA
IYO KOOXDAADA INAAD KA ILAALISAAN DALKA INUU DHIIG
DAMBE KU DAATO WAA DHAMAATEY XOOG SHEEGASHO DADKIINA U
NAXARIISTA CULEYS INTAAN KA BADAN MA XAMILI KARAAN
MALA AWAALKA ISKA DAAYA WAA LAGAMA MAARMAAN IN LA
HELAA DIB U HISHIISIIN DHAB AH SI LOO HELO MIDNIMO
SOOMAALIYEED KUWA IDIN DIIDAN OO KU EEDEYSAAN INEY
CADOWGA ITOOBIYA U ADEEGAAN AWALBA DAGAAL SIYAASADEED
BEY KULA JOOGEEN XABASHI EE AAN KA SOO FURNO INTEY
GOORI GOOR TAHAY SIDA KALIYA ITOOBIYAN UGU BADBAADI
KARNO WAA INUU WAAYO SOOMAALI UU U ADEEGSADO KALA
QEYBIN
 KA DIBNA LA HELO DAD KA TURJUMI KARO DADKOODA WAXNA U
GOOYN KARO HOTEELO AAN DAGEYN REER WALBANA WAXEY XAQ U
LEEYIHIIN EY HELAAN SIDAAS AYAANA LUGU HELI KARAA
MAANDEEQ DALKA U CURUTO OO MIRAHEEDA CUNAAN UBADKEENA
UBADKOODA

 WABILAAHI

 TOWFIIQ

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 

| Bogga Maqaalada Maanta |

 

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).