| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Cadaalad darada CABDALA DEEROW xilka loogu dhiibey ayaa sababtey inuu noqdo ilkaha C/QAASIM uu wax ku goosto.!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  20, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 20, 2001
.k

Waxaa Qoray

Moalin Mahmoud

Moalinm2us@yahoo.com 


SIDUU C/QAASIM MADAXWEYNAHA DKMG AH UU KAGA ADKAADEY DR.CALI KH.GALEYDH  RA'ISULWASAARAHA DKMG AH AYAA SABAB U AHAA CABDALA DEEROW OO ASAGA LUGU KEENEY CADAALAD DARO LOONA ADEEGSADEY IN MR.GALEYDH ASAGANA CADAALAD DARO LUGU SAARO" hal booli ah nerig xalaal ah ma dhasho" Jagada madaxweynaha qofka noqon doono shirkii CARTA ayaa horey loo sii ogaa wuxuuna ahaa qorshe oo ey isla ogaayeen MADAXWEYNAHA REER JIBUUTI
iyo uruka ALISLAAX iyo qeybo ka tirsanaa MAXKAMADO ISLAAMI AH OO KA JIREY XAMAR hadaba howlgalkan oo ahaa mid aan sahlaneyn ayaaba durbadiiba waxaa laga shaqeeyey sidii shirka looga ilaalin lahaa kuwa wax fishilin kara oo qaba damac hogaamin iyadoo RA'YUL CAAMKA la qaldaayey ayaa la lahaa cid walba wey ka soo qeyb geli kartaa laakin shuruudo waxey eheyd qof walba shaqsiyadiisa ayuu mas'uul ka yahay misana wuxuu hoos tagaaya NABAD DOONKIISA Waxaa cajiib laheyd sidii CIRKA LOOGU QASHEY gudoomiyahii RRA da MR.SHAATI GUDUUD markii loo sheegey in digil iyo mirifle ey u banana tahay jagada UDOOMIYAHA BARLAMAANKA uu ka biyo diidey ka dibna habeen barkii hurdada laga toosiyey MR.DEEROW laguna war geliye in subixi isku daro listada musharaxiinta galabnimada ey doorashada dhaceyso hadaba shaati guduud wuxuu ku xisaabtamaayey in hadii eysan codeyn 49ka XUBNOOD ee digil iyo mirafle eysan ku dhaqaaqi Karin falkaas laakin looma baahan waxaana digil iyo mirafle ka joogey teendhada doorashada MR DEEROW kaliya wuxuuna kaga guuleystey tartamayaashii kale tiro xad dhaaf eheyd.

Anagoo saas u ogsoon in shirka si gaar ah loo hagaayo ayaa noqotey sidii CABDAL DEEROW lugu doortey talaabadii ugu horeysey ey ka bilaawato cadaalad daro MUSUQMAASUQ ka dhacdo shirka carta hadaba mansabka cabdala deerow loo dhiibey ma'aha mid uu ka bixi karo waayo arag uma laha aqoonteedabmalaha mana lugu aamini karo xilkaan aadka u weyn oo ah LAFDHABARKA DOWLADA howshoodana tahay iney ka hortagaan wax alaale iyo wixii qaranka iibsanaayo xadaayo boobaayo dustuurka jibinaayo hadaba cabdala deerow waa caado qaate sharci daro lugu doortey loona adeeg sadey reerkiisa waana la ogaa inuu noqon doono QALAB SAHLI DOONO MUSUQMAASUQ .Markii XAMAR la yimid oo la magacaabey golahii wasiirada oo hal madaxtooyo ka jirto oo ah guriga C/QAASIM leyskana xaadiriyo oo qaxwada laga cabo DR.GALEYDH waadiidey inuu noqdo SAMAACAD ka dhax hadlo c/qaasim taas oo caqabad ku noqotey asagoo isku arkaay madaxweyne markii kistii yareyd oo carabaha ka soo gaartey misana cali khaliif wuxuu ku celiyey rag c/qaasim uu warqado u soo qorey uu ku leeyahay hala siiyo BOQOL BOQOL KUN OO U$ ah arinku markuu maraayo halkaas ayuu c/qaasim bilaabey inuu la soo baxo AALADII CABDALA DEEROW oo u qarsooneed oo rabo inuu ku weeraro mr.galeydh asagana wuxuu ka sameystey madaxtooyo HOTEL RAMADAAN oo xafiisa iyo hooy u eheyd wuxuuna gaarsiiyey in gurigii c/qaasim la cidleeyo loogana soo tago asaga iyo maleeshiyada ilaaliso kaliya wuxuu hantiye xubnaha golaha wasiirada inta BEELAHA HAWIYE ugu jirta waxeyna gacan saar yeesheen GANACSATADA HAWIYE wuxuuna haraati kala daaley GOLIHII BARLAMAANKA iyo gudoomiye deerow oo noqdey SAMAACADA C/QAASIM wuxuuna ka dhigey farshaxan lugu qurxiyo dowlada golaha asagoo ku ciriiriyey IN MUSHAHAR LA SIIYO

Markii wax kala socdo la waayey waxa la sugaayey in khilaafka soo dhax galo GOLAHA BARLAMAANKA oo ah hay'adda u dhxeyso laakin nasiib daro meesha ey ka biyo deysey DOWLADII CARTA AYAA NOQOTEY CABDALA DEEROW OO LA IIBSADEY hadii si kasto wax loogu sheegey oo la gaarsiiyey mala socotaa masuuliyada ku saran wuxuu soo istaagey dagaalka waa aniga iyo galeydh wuxuu cadaawad ugu abuurey xubnaha barlamaanka ee digil iyo mirifle iyo adariska qaar ka mid ah oo iskaashadaan digilka, dhinaca kale R.C/QAASIM waxaa asagana laga kaxeystey xubnaha HAWIYE iyo xubnaha beeshiisa ee HARTI laakin nasiib daro xubnaha HAWIYAHA ayaa eheyn mid uu ku badbaadi Karey loogana guuleysan doono wuxuu maqli jirey magaalada
xamar waxey u kala qeybsaneed labada beelood MUDULOOD IYO HABARGIDIR soona sedaxeeyo MURUSADE IYO XAWAADLE oo xoog kala ah hadii ey ku wataan ey tahay difaac adag c/qaasim uu ku dhaqaaji Karin laakin wuxuu ilaabey in sida loo kala xoogweyn yahay aan barlamaanka loogu kala badneyn guushana GOLAHA BARLAMAANKA uu gacantooda ku jiro

hadaba MUDULOODKA xubnaha barlamaan uu ku leeyahay ayaa la tira ek GUDIBIIRSI waxaa kaloo isla ek markii leysku daro CEYR IYO SACAD IYO SALEEBAAN waxey la eg yihiin BEESHA CIISE oo hal jufo ka degto
soomaaliya MURASADE IYO XAWAADLE waxey la eg yihiin OGAADEEN hadaba mr.galeydh waxaa kaloo dhabar jab ku noqatey markii laga soo galey dhinaca beeshiisa ee HARTI markuu C/QAASIM uu hishiis kula galey XASAN ABSHIR in lagu badalaayo ayuu kala qeybiyey hartigii uu gaar u leexiye BEESHA MAJEERTEEN oo ayagu ku leh barlamaanka inta DAAROOD leeyahay qeyb ka mid ah waxaa kaloo cali khaliif dishey maqnaashihiisa wuxuuna ku sifoobey NIN XILKAS AH markey u soo yeertey in kalsoonadii laga ceshadey
ma noqon nin ugu jawaabey inuu SOO FAAGO XABAALAHA CEEBTA KU AASAN wuxuuna yiri manoqon doono ninka korka laga saari doono hadey DUMEYSO.

maxeysa kugu taalaa mar hadii waxba aysan qabe Karin dowladii la ridey ee cali khaliif waxqab keedii wuxuu noqdey QASHIN QAAD hadaba XASAN ABSHIR muxuu asagana noqon doonaa ? laakin marka hore waxaa laga rabaa inuu noqdo sida uu yahay CABDALA DEEROW SAMAACAD ogaado in la keensadey waa nin howlahaan yaqaan uu horey u soo qabtey looma fadhiyo inuu wax ka qaban karo dhibaatada ka jirta CAASIMADA waxaa dhici karto in arinta KISMAAYO oo culeys la qaadi Karin ku noqotey C/QAASIM wax ka qaban karo iyo tan PUNTLAND hadii CORNELKA ka degi weydo soo dedejin duunto ku soo biiridooda waxaana la soconaa XASAN ABSHIR uu hambalyo ka heley qaar ka mid ah ISIMADA PUTLAND uusan CALI KHALIIF uusan ka helin laakin magacawgiisa hal mid ayaan u qaadaneynaa oo ah HALGANKII USC IN LA'AASEY TAARIIKHDANA LAGA SAAREY.

wabilaahi, towfiiq.

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 


 

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).