ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Ummaddu ha u kala garqaado Adan Cade iyo Haji Abdulahi mursal (Leego & Xisbiyo)

Posted to the Web   April 08, 2002

WQ.

Ahmed Moalim

edeeg@hotmail.com 

 
Muranka Mabda'a Federalka Soomaaliya arin soo jirtay tan iyo intaan soomaaliya  xuriyada Aysan helin,waxayse si rasmi ah usoo shaac baxday  march 25,1957-dii  kadib  markii   uu
Xisbigii  Mucaaradka ahaa ee Digil & Mirifle  ee XISBIYO  ay ugu  baaqeen  ummadda
Soomaaliyeed in dalka laga dhiso dowlad federal ah, arintaas ayada ah waxaa loo dilay  rag
Badan oo siyaasiyiinta Xisbiyo ah, waxaa loo xirxiray in kale oo badan, waxaa loo  boobay
Hanti  guurta  iyo  maguurtaba  lahayd,  intaasina   waxaa  sameynaayey  Madaxdii   xisbigii
LEEGADA oo si ba,an uga soo horjeeday mabda'aas federalka soomaliya sida haddaba
Uga soo horjeedaan kuwa ay dantooda isku aragtida ka dhigtay ayaga iyo kuwii shalay   oo
U arkaayey in federalka soomaaliya aanu dan u ahayn dadkooda iyo deegaanadooda toona
Sidaa darteed  baan u dooranay maanta inaan idin soo gudbino qoraalkan oo ay  isu  direen
Haji Abdulahi Mural & Adan cabdulahi  (adan cade) si ay ummadu  ugu kala gar qaado
Koodii danta guud ummada waday iyo koodii daneystaha ahaa, waana  kan ee nala arka.
 

MOWQIFKII XISBIGII MUCAARADKA AHAA EE (XISBIYO)   EE KUSAABSANAA FEDERALKA SOOMAALIYA

From : Md. Haji Abdulahi Mursal                                                                               Madaxa Xisbiga D&M. ee Soomaaliyeed - Muqdisho.

 To: Md :Adan Abdulahi  sman                                                                                          Ku xigeenka gudoomiyaha Xisbiga Leego-Muqdisho .

Uj:Mowqifka Cad ee XISBIYO

Md. Ku xigeen 

Anagoo ah guddiga Xisbiga D&M.(xisbiyo), waxaan rabnaa inaan idin  cadeyno sida aan      uga soo horjeedno qaar kamid ah qodobadii anaga nagu saabsanaa ee ku jiray khudbadii  aad ka soo jeediseen munaasabadda u dabaaldegidii (15) shan & toban guuraddii  kasoo wareegatay asaaskii Xisbigiina.

Qodobada khudbadiina ku  jiray oo  aan kasoo horjeedno waxaa ka mid ah   kuwan aan hoos idiinku soo gudbin doono.

Md. Ku xigeen

1 - Anagoo ah gudiga xisbiga D&M.ee soomaaliyeed (Xisbiyo), ayadoo la tixraacaayo  ogolaanshihii sharciga ahaa wasaayada ee aan dhiibanay dhammaan xubnaheena, & cod       bixinteenii United Nation-ka uga dalbanay federaaliga wadankeena,waxaan horta adinka   idin sheegeynaa oo ummadana u cadeyneynaa inaan codsigeena uusan marna ahayn mid      ka mid ah arimaha keena kala qaybinta iyo dhaawaca wada jirka soomaaliyeed sida aad      Ku sheegteen khudbadiina, mana ahayn codsigaa mid ku saleysan daandaansi cadaawad- eed iyo kicin ummadeed toona, sidaad ku cadeyseen warkiina.

    Codsigeena federaaliga soomaaliya, keliya wuxuu  ahaa mid  xambaarasan asbaab  asaasi u ah mabda'a xuquuqda aadanaha ee kasoo baxay United Nation-ka Dec10,1948,   kaasoo aan la hergelin (8)sideeddii sano ee uu jiray maamulka wasaayada,gaar ahaana(20)labadii sano ugu dambeysay ee maamulka xukuumada soomaaliyeed oo dhad ahaan kasoo Ifbaxay dhaqankeeda in anaga DADKEENA keliya uun waajibaad saaran yahay ee aysan Lahayn xuquuq wadaniyeed.

   Ayadoo  waxaasi  oo  idil  ay   dhiira geliyeen  dhow  arimood  oo aan horey u sheegnay   Wakhtigii xukunkii wasaayada,kuwaasoo kamid ah.

   A-Xubnaha XISBIYO  in  laga  xarimay inay ka qayb qaataan  adeegyada guud , kuwa Maamulka,deegaha waxbarashada, dalacaadsiinta, shaqooyinka dowlada ee tooska, ilaha dhaqaalaha.

   B-Dhacdooyin badan oo kale oo aan tusaale u ahayn keliya "ISIR TAKOOR" ee  ay  waliba daliil cad u wada yihiin sida hay'ada maamulka ay u adeegsaneyso mabda'a QABI ILEED oo ah cadowga mabaadi'da guud ee INSAANIGA, sidoo kale kaba soo horjeedo Mabaadi'dii dastuuriga ee aan dhiganay heshiiskii WASAAYADA.

Waxaad arkaysaa munaafuqayn qabiil, mararka qaarkiina qabiilkaaba la aasaasaa ayadoo aad arkeyso in qabiilada qaarkii laga sara marinaayo qabiilada kale ee soomaaliyeed,    lagana dhigaayo  mid  ka  sharaf badan ,kana  mudan  hogaaminta iyo talada dalka,   Ayada oo laga hormarinaayo,lana siinaayo awooda madaxeed iyo lahaanshaha gaar ahaa need ee aan  loo  ogoleyn  qabiilada  kale  ee  soomaaliyeed  ayadoo  loola  jeedo isu       adoomeyn ummadeed, waxaadna ka tusaale qaadan kartaan;

 Dadkeena Digil & Mirifle waxay bixiyaan dakhliga ugu  badan ee soo gala dowlada, wixiiba ku saabsan canshuurta iyo wax soo saarka intaba, hadana faai'dadeeda inta wax loogu qaban lahaa maslaxada dadka & deegaanka uu dakhligaasi ka yimid,waxay aadaa khasnada maamulka,sidaa darteed kama faa'ideystaan dadkeena kheyraadka dalka intay    ka faa'ideystaan ,amaba  loogu  faa'ideeyo  muwaadiniinta  kale  ee  ayaga kasoo haray, manaJirto wax muhimad ah oo la siiyo xitaa dalabaadyadooda sharciga ah

           Ka duwan sidaad sheegteen , runtii anagu ma adeegsano waxaan ahayn  fikrada         walaaleed  & mida dimograadiyeed ee lagu dhaqmo,mana rabno inaan qof soomaaliyeed  kale aan hoos imaano si aan u helno xuquuqdeena , waxaan dooneynaa  oo  keliya  inaan    helno mid la mid ah xuquuqdq  &  awooda muwaadiniinta kale ay leeyihiin , ha noqdaan hay'adaha dowlada ama kuwa bulshada,aydoon dad u soo magan gelin una soo marin Nacamleyn iyo geeki mariidi midna

Isku soo duuduub, intaasi aan soo sheegnay oo idil iyo waliba waxyaabo kale oo aynaan hadda rabin inaan halkan ku sheegno waxay qayb ka ahaayeen asbaabihii  nagu kalifay codsigeena insaaniga ah ee federaaliga soomaaliya .

Md. Ku Xigeen

         Sideedaba, ogow  waxaa dadka lagu qadariyo inaan ahayn khudbadahooda ee ay  yihiin waxaa ay qabtaan,maxa yeelay waxqabadkaa ah xaqiiqda dhabta ah ee ka tarjumi karta shucuurta,fikrada,dareenka aadmiyeed iyo waliba hadba ku dhaqanka & isticmaalka Awooda mas'uuliyadeed dhowridooda , taasoo aan idin cadeyneyno inaynaan ku faraxsan eyn sida uu ugu tagri falo maamulkiina.

     Md, khudbadiina waxaad ku sheegteen ninka raba federelka soomaaliya inuu jiran yahay uu maskaxda ka buko maxaa yeelay asagoo raba inuu shacabka midnimadood ka qaado darteed , hadaba  waxaa  idin  leenahay  na daaya aan xaqiiqda u sheegne  shacab keena, waxaan leenahay ma rabno XISBIYO , waligeenana  ma  raadin   kala qaybinta        Shacabka soomaaliyeed,

    Xisbigeena wuxuu rabaa wadankeena inay ka dhalato dowlad soomaaliyeed oo xor ah   Oo madax banaan, oo ku mideysan hal calan hoostiisa oo leh madaxweyne iyo dowlad dhexe oo waarta sida aan u rabno in loo ogolaado gobolada kala duwan ee dalkeena inay yeeshaan maamul hoosaadyadooda ayadoo la qadarinaayo rabitaanka & maslaxada muwa adiniinta goboladaasi u dhalatay iyo sida ay raaliga ku yihiin.

    Waxaad  khudbadiinii  ku sheegteen inaad diyaar u tihiin inaad noo soo gacan qaadaan haddii aan ka  noqon  weyno mowqifkeena wadaniga ee federal doonka soomaailya   ayadoon aad uga xunahay waxaas idinka soo yeeray ma ogtahay hadiiba ay dhacdo inaad Dambi ka galeysaan dimograadiyada & is ixtiraamka, mase garan weyseen oo miyaydaan Ogeyn hadaad tihiin LEEGO sida aad u tihiin xisbi siyaasadeed ee wadanka ka jira inaan Anaguna u nahay xisbi siyaasadeed wadanka si sharci ah loogu aqoonsan yahay , XIDHI BAANO ku leh barlamaanka dalka,waa yaabe hadaba ma adinkaa awood  siyaasadeed      U leh inaad na xukuntaan oo aad xukuntaan arimaheena iyo afkaarteena  siyaasadeed,

  Waxaad istaagteen mowqif keligii madaxeed iyo mid macalimeed , laakiin waa su’aale Sidee baad keligiina xaq ugu yeelateen arintaa ayada ah?. 

     Ma waxaad rabtaan inaad nagu hogaamisaan kalmadahaas oo kale oo tusaalaha u ah Xaqiridiina ku aadan awooda xisbigeena , miyaydaan xasuusan bishii janaayo  dhoweyt Inaan anaga idinku taageernay codsigiina jiritaanka maamulkiina ayadoo aan fiirineyno Danta iyo maslaxada guud ee dalkeena iyo dadkeena.

    Hadaladiina miyaan  laga  fahmeynin keliya  inaad ugu dan leedihiin  inaad ku cabsi     gelisaan ra’yiga dad weynaha iyo inaad ku handadeysaan shacabka raacsan barnaamijka  Xisbigeena, hadaba waxaan idin leenahay ma ogoshihiin mise waad diidan tihiin xuriyada Hadalka iyo ra’yiga siyaasadeed iyo aqoonta ee ogol maamulka dimograadiga? Waxaan Hubnaa inay jawaabtu tahay MAYA.

         Sidaas darteed, si kastaba ha noqotee waxaan idin cadeyneynaa anaguna inaan ku Dheganahay xuquuqdeena oo idil sidaan u heli lahayn haddii aad  adinku  sheeganeysaan Keliya xurnimada iyo madaxbanaanida dalka oo aan jirin qofaad ka xigtaan anagana   Waxaan idin sheegaynaa in xuriyada shakhsiga ay mar walba nooga soo horeyso wixii         ka soo haray oo idil.

          Haddii aan rabno inaan ku wada mideysnaano sidaan ugu hawl geli lahayn anagoo Wada jira mustaqbalka wadankeena , marka ugu horeysa waa inaan sinaanta ka dhignaa Miisaanka aan ku wada shaqeyno,maxaa yeelay inta ummada ay xagiina ay ku arkayaan Kuwa u ordaya keliya madaxtinimada oo ay adeegsanayaa qabiileysiga , anaga waxaan    Idin sheegeynaa inaan u tir-tirmi doono sidaan u heli laheyn xuquuqdeena aadamiyeed oo Inoogu dhex magan federaaliga soomaaliya.

         Runtii, waxaa na horyaala wax badan oo in wax laga qabta ay waajib tahay, aana Ahayn keliya arimaha dhaqaalaha ee ah xaga  arimaha  siyaasada gudaha si ay suurta gal      U noqoto in la gaaro midnimo waarta oo dalkeena ka dhacda.

 Ugu dambeyntii , waxaan  leenahay  hadal  wax ma  faa’ideeyo waxna ma kordhiyo Shacabkuna maanta wax bay fahmeen waxayna rabaan xuriyad iyo sinaan haday helaana Ayagaa noogu kaalmeyn doono , naguna gacan siin doono wadada toosan.

Waxaa tarjumay ; Axmed Rashiid Sheekh Maxamed (Qul-qule), warqadani waxaa la qoray May 15,1958 ,  ninkii  raba  xaqiiqdeeda  wuxuu ka  heli  karaa  dhammaan  maktabadaha waaweyn ee caalamka , gaar ahaan QAHIRA, buugii  ugu  da’da  weynaa ee lagu ururiyay taariikhdii  hore  ee somalia,  waxaana    la yiraahdaa (Soomaali Qadiiman wa  xadiithan)bogiisa159.

La socda maalmaha soo socda……………..mahadsanidiin


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.