WAXAAN
IDINKU SALAAMEY TAXIYATUL ALISLAAM:
HORDHAC
burburkii guud ahaan soo gaarey ummadda soomaaliyeed ayaa lagu qiimeeyey
doorka ganacsatada ey ka qaateen iney kaga horeeyeen kuwa ku waashey
xukunka marka laga eego tacadiyadii loo geystey bulshada.
Hadaba
qormadeyda ayaan ugu tala galey si gaar ah inaan diiradda ugu saaro
ganacsatada ku nool magaalada xamar gaar ahaan kuwa ka soo jeedo BEESHA
MUDULOOD kaalintii ey ka geysteen intii ka dambeysey dagaaladii sukeeyey.
Waxaa
in muddo ah baadi goob loogu jirey waqti badanna lagu howlanaa bal
mushkiladan soo food saartey beesha oo burbur dhinac walba ah wada
saameeyey dhowr jeerna la isku dayey sidii loo maareyn lahaa laakin nasiib
darro wada dhicisoobey ayaa ugu dambeyntii lagu guuleystey meesha ey
biyaha ka sii deyneyso oo lagu tuhmi jirey iney eheyn ismaandhaafka ka
jira dhinaca siyaasadda balse la ogaadey koox kale oo lagu magacaabo
ganacsato iney aabe iyo hooyo u yihiin.
Hadaba
dhalintaas waxgaradka ah oo ka soo jeedo BEESHA MUDULOOD oo ku guuleystey
iney soo ogaadaan in ganacsatada ay mas'uul ka yihiin jahwareerka ey la
liic liicayaan ayaa ku qiimeeyey khasaaraha ey dadkooda u geysteen mid aan
la qiyaasi karin maal iyo mootba leh ayadoo wada saameysey guud ahaan
qeybaha bulshada gaar ahaa xubnaha ugu waaweyn oo tiirka u aha beesha
eedeymaha lagu heysto oo loo soo jeediyey ayaa loo kala qaadey seddax
qodob:
QODOBKA
KOWAAD:
Ayaa
lagu sheegey iney gacanaha ka laabteen iyagoo u jeeda in daba iyo dacal
loo rago dhaqankii soo jireenka ahaa oo beesha laheyd laguna kala
dambeeyey maantana ey mareyso inuu ismaqalkii dhumo dadkii looga
dambeeyana hadduu ahaan lahaa DUUB SHIIKH SHARIIF WAAYEEL lala simo kan
lix iyo toban jirka ah b)ku dhaqankii shareecada islaamka oo waqtigii ay
jirtey eheyd mid la mahadiyey lagana heley mid anfac aduunyo iyo mid
aakhiroba aasaaskeedana ay wax ka lahaayeen ganacsatada ayadoo la badbaadi
karey ay ku fiirsadeen in cagta la mariyo maantana noqotey mid loo ooyo.
QODONKA
LABAAD:
ayaa
ah mid ganacsatada si caddaan ah loogu sheegey iney ka dambeeyaan waana
midda maanta abuurtey in degaanka lagu noolaan waayo nabad gelyo xumo
aawadeed sababtana ayaa ah boqolaalka tekniko oo min xamar illaa xara
dheere taala ay leeyihiin ganacsato baabuurtaas wiilasha saaran ayagaa
biilo kan siyaasiga ah wuxuu u adeegsadaa dagaal marka uu rabo qoryaha
fudfudud ay wataan hantidooda ayaa lagu ilaaliyaa waxey isku yihiin jufo
hoose hadaba tiknikadaan waa kuwa loo adeegsado isku dhacyada beeleed oo
ku naf waayaan dad badan oo waxba aan galabsan wiilka dhalinyarada ah oo
isbaarada shacabka ku furto waa kan bakhaarka waardiyeeya.
QODOBKA
SEDDEXEED:
Waa
mid ay la qeybsadaan ganacsatada kale oo xamar ku nool waxey cunaha
qabteen danyartii waxey soo daabaceen lacago been abuur ah waxey sicir
barar ku sameeyeen maciishadii waxey suuqa ka saareen lacagtii na'da eheyd
oo danyarta wax ku iibsanayeen waxey xaalufiyeen dhirtii ayagoo u iib
geeya carabaha.
TALO
SOO JEEDIN:
Inkastoo
horey loo yiri ganacsade wadani ma noqdo wax walbana waxaa uga horeeyo
shilinka ribada ah misana kuma sii jirto wadan sida soomaaliya oo kale ah
oo aafeeyey dagaal sukeeye in ay u tahay fursad weyn inuu si fiican u jaqo
dhiiga shacabkiisa hadaba waxaan nahay shacabkiinii oo aan idin ka maarmin
noo naxariista sidaan noo dhaama waxaa nahay gacan jabtey oo kabis idiin
kaga baahan bal dib u eega hooyooyinkiin walaalahiin caruutiina sida ey
idiin dhibeyso iney wax gaaraan ha idiin dhibto kuwa kale oo aan cidna u
maqneyn ceelna u qodneyn dhaqaalihii gacantiina ayuu ku jiraa hubkiina
sidoo kale wixii talo oo ku saabsan waxqabad diyaar baan idiin nahay ku
dhaqaaqa in aad qoorta u toosisaan mudulood ka dibna wax ka qabataan tan
soomaali ileyn waxaa la yiri NIN TIISA DARYEELO AYAA KU DARA TAN KALE.
By
Xaaji Maxamud