ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Farriin furan ee ku socoto Muddane Muuse Suudi Yalaxow

Posted to the Web   April 23, 2002

WQ

Abdallah Moallim

moallem10@hotmail.com 

 

Mudane Yalaxow waxaa maalma gaaban ka haray shirweyna Soomaaliyeed oo la doonayo in lagu soo dhiso Dowlad loo dhan yahay kana dhici doono magaalada Nayroobi ee dalka Kenya,shirkaas oo aad adiga ku dhawaaqday in aad ka qeybqaadaneyso sidaa oo kalana ay u aqbaleen hogaamiyayaasha Soomaliyeed kuwaado xambaarsan xilka ay u hayaan taageerayaashooda iyo kuwa ku siman magaca ay sitaan oo keliya ee ku caan baxay in ay ku shir tagaan dhul dad kale leeyahay iyada oo ay jirto goballada ay ka soo jeedaan oo aan cidnana matalin gogal kasto oo horay Soomaali loogu dhigay iyo tan hadda loo dhigayaba.

 

Mudana Yalahow ma jiro hogaamiya Somaaliyeed oo aan horay ugu qeyb qaadan tiro iyo laba jeer shirarki horay Soomaali weyn loogu qabtay geddigoodna ku dhamaaday guuldarro iyo shimbiraayahow heesa marka laga reebo Gud/RRA Maxamed.X.Nur (shaati gaduud) oo ka qeyb galay kaliya shirki ugu dambeeyay ee lagu qabtay degmada Carta ee dalka Jabuuti oo isaga balan qaaday in uu fulinaayo khiyaanadi lagu soo maleegay gogasha shirki ka dhacay degmada Carta waxaase ka danbeeyay in uu balankaas ka baxay kuna dhawaaqay dowlad ay hoos timaado lix gobal oo aan gacantiisa ku jirin laba gobal oo kaliya maahine, taasina waxaa ka tusaysaa in uu ku dhacay fayruuski dhul balaarsiga oo kusalaysan riyo xqiiqada ka fog iyo madaxweynaha dowladda isku magacowday Somaali land Maxamed .I.Cigaal oo isaga ka qeyb qaatay shirki u horeeyay ee Somaali la isugu keeno laguna qabtay dalka jabuuti haddana ku dhawaaqay in uunan ka qeyb qaadanayn shirka la isugu balansanyahay ee ka dhici doono magaalada Nayroobi isaga oo ku taamaya in uu gorgortan la galo waxuu ugu yeero dadka ku nool koofurta dalka oo hogaan yeesho ayaan wada hadal la geleynaa. 

 

Muddana Yalahow adiga waa marki u horysay oo la filayo in aad ka qeyb qaadato shir ay Soomaali weyn isugu imaanayaan adiga oo xambaarsan culayska iyo kaalinta ballaaran ee Muddulood ee deegaankisaba ku leeyihiin xasilinta,maareynata iyo xal u helidda arrimaha Soomaaliyeed ee isku milaqsan loona taag waayay sidaa darteed waxaay taagerayaashaada Muddulood kaa codsanayaan, oo mucaaradkaada Muduloodna niyadda ka rabaan in uu ahaado barnaamijka aad kaga qaybgeleyso shirka la isugu ballansanyahay mid ka duwan barnaamijki ay la shir tegi jireen raggi adiga hortaa xambarsanaa qadiyada Mudulood gaar ahaan iyo tan Soomaaliyeed guud ahaan. 

 

Aniga oo aan doonayn in aan halkan kaga faaloodo dhibaatada Somalida dul taal laga soo bilaabo muddadi aan xornimada qaadanay,dowladihi awooda dalka isaga danbeeyay iyo ilaa maanta oo aynaan jirin dowlad Soomali weyn arrimaheeda maareyso ayaan haddana waxaan rabaa in aan fariintan si gaara ugu soo xuso halka ay ku jirto xal u helida dhibatada u gaara dadweynaha Mudulood muddadi soomali xorta ahayd iyo tan soomaaliyeed guud ahaan. 

 

Muddana Yalahow "oodda sida ay u kala koreyso ayaa loo gala qaadaa" dhibaatada dadka Muddulood iyo deegaankooda ku habsatay tan iyo maalinti ay Soomaali xornimada qaadatay halkan laguma soo koobi karo sidaa darteed waxaan kaa codsaneynaa in aad qodobadan soo socdo ku darto barnaamijka aad la shir tegeyso gogasha Soomaali weyn ku balan sanyihiin bisha soo socoto ee magaalada Nayroobi iyo wixi annaga naga maqan oo aad isleedihiin adiga iyo fariiqa kula socdo waa lama huraan in Soomaali ka wada hadasho.. 

 

1)Inta aan laga wada hadlin xal u helida dhibaatada guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo qeybsiga awoodo ilaha u sareeyo ee laga maamulo dalkeena waa in aad soo jeedisaa in horta laga hadlo Magaalada Muqdisho sidi loo mareyn lahaa dibaatada ka taagan, xal waarana loogu heli lahaa iyo maamul mideysan oo ku dhan gacanta dadka loo aqoosanyahay in ay ku badan yihiin deegaangeeda iyo dadyowga kale ee iyagana loo yaqaano in ay deegaanka wax ka degan yihiin , nabad lagu nastana loogu soo dabaali lahaa Caasumadda dalka Soomaaliya oo mar walbo ahayd asbaabaha tan ugu weyn ee guul darro ku dhamayn jirtay arrimaha laysla meel dhigo shirarki ka horeeyay shirkan iyo in laga gudbo nin aan ka mid ahayn dadyowga gobalka in uu xaq u yeesho soo magacaabida maamulada ka jiro deegaanada dalka guud ahaan iyo gaar ahaan magaalada muqdisho, taa haddii la waayana waxaan kaa codsnaynaa in aad shirka isaga soo tagto ilayn waxaa loo galay albaabki shimbrayahow heesa ,taana adiga kuma qabato oo maqaamkaada ma'ahan shimbirayahow heesa maadaama aad tahay nin aan kursi doon ahayn doonayana xal in loo helo arrimaha guud ee Soomalida iyo arrimaha u gaarkaa taageerayaashaada iyo sidi loo gaari lahaa dowlad loo dhan yahay oo haysato deegaan nabada oo ay ku shaqeyso kana fog riyo iyo been loo sacaba tumo. 

 

2)arrinta labaad waa haddii tan koowaad miiska la soo saaro xalkeedana laysla meel dhigo iyo sidi loo kala bixi lahaa maleshiyaadka isku hor fadhiyo magaalada Muqdisho guduheeda iyo koofurta dalka si ay u fududaato in ay maleeshiya walbo ku noqoto deegaanki ay asal ahaan ka timid ,intaa keddib waa in aad ku adkeystaa sidi loogu heshiin lahaa in gobal walbo oo soomaaliyeed yeesho is maamul federal ah oo ay caasumadda ku jirto si aanan mar dambe loogu gacan gelin nidaam diktatooriya reerkuu doona ha ka soo jeedee. 

 

3)Maadaama gobal walbo is maamul u gaara(federal ah) yeelanayo waa in aan shirweynahaas ka codsanaa in ay dowladda yeelato jagada madaxweyne oo keliya lagana maarmaa jagada wasiirka koowaad iyo wasiiradan tirada badan ee lagu maslaxo qabiil walbo oo Soomaaliyeed ilayn qabiil walbo gobalka uu ka soo jeedo ayuu ka jirayaa maamul federal ah oo ay gacantiisa ku jirto awoodda maamul iyo dhaqaale ee gobalkaas. Gebagebada nuxurka fariinteena ¨.

 

Muddane yalaxow somaalida waxaay tiraa "meel gari ku jirto iyo meel geed ku jiro gocasho ma dhaafaan" haddaba sidaa darteed waxaan mar kale kaa codsnaynaa annagga oo ku kalsoon kartrida aad u leedahay maareyta ilaalinta xuquuqda taageerayashaada in aad culayska saarto xal u helida dhibaatada ka taagan magaalad muqdisho oo ah caqabadda ugu weyn oo Soomali weyn ka hortaagan in ay gaarto heshiis guud ee lagu maalo hashi maandeeq. 

 

Abdallah Moallim Mahamud(abdullahi siyaasi) 


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.