ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Bogga Ayaamaha Ma dhexdhaxaadbaa? Mise Waa Bog qabiil? 

Posted to the Web   March 27, 2002

WQ.

Abdullaahi Moalin Maxamuud

moallem10@hotmail.com    

Nabadda Soomaliyeed fari kama qodna inta qabiil doonayo in uu qabiil kale ku dul noolaado, waa mid aan shaki ku jirin maanta in Soomaali meel walbo oo ay joogto ay doonayaan helitaanka dowlad loo dhan yahay taana waxaa daliil u ah sida rag badan oo uu hormood yahay Dr Cabdi Maxamed Culusow u soo dhoweeyeen dowladi looga dhawaaqay dalka Jabuuti bishi Agoost dhamaadkeedi Sanadka 2000, taasoo in badan oo Soomaliya sugayeen in ay wax ka badali doonto dhibaatadi dalkeena ka aloosneyd muddadi ina Siyaad xukanka laga tuuray ilaa haddeer.

Waxaase xaqiiqo indhaha aan laga qarsan Karin ah dowladdaas in ay u dhaqaaqday xoogeynta jufada uu ku abtirsado Dr Cabduqaasim Salaad iyo sidi ay ugu nagaan lahaayeen deegaano aynan marnaba xaq u lahayn maamulidiisa, waxaa intaas u dheer dowladdan iyo jufada ay ku abtirsato in ay abuureen idaacadaha layska arko sida horn of Africa,STD iyo kuwa maqalka iyo safhaddaha internetka wararkooda ku soo tebiyo sida Ayaamaha.qaranimo iwm oo gedigoodba loogu tala galay in ay soomali weyn jah wareeriyaan kana marin habaabiyaan xaqiiqada murugsan ee ka jirto Gobalka banaadir weyne iyo koofurta dalka oo deegaan ahaan loo yaqaan in ay ku noolyihiin dad lagu bartay wadaninimo iyo u adeegida qarankooda laakin maanta dani ku qasabtay in ay ka gedoodaan isku dul noolaasho sabab u noqotay deganaasha la’aanta ka jirto Gobalkaas iyo dowlad la’aanta ku raagtay Dalka Soomaaliyeed, dadkaas oo uu hormood u yahay Xaaji Muuse SuudiYalahow, una dhaqaaqeen sidi ay u abuuri lahaayeen dowlad gobaleed wax la waddaagto goballada kale ee Soomali weyn si loo gaaro dowlad loo dhan yahay, loogana hoos baxo qabiil doonayo in uu ku dul noolaado qabiil kale si xaq daraa.

Waxaa maalinti ay taariikhda ahayd Mars/23/Sabti/2002 lagu soo daabacay safhadda Ayaamaha maqaal uu qoray DR Cabdi Culusow mudda Sanad ka hor ah isago oo doonayo in uu dhiiri geliyo DKM, nasiib darase dowlad ku sheega lagu soo dhisay dalka Jabuuti waxaay garab martay halki Soomaali weyn hiigsnayeen, waxaase su’aal isweydiin mudan ah maxaay safxadda Ayaamaha maqaalkan mar hore la qoray u soo daabacday mar kale keddib marki ay maqashay in Xaaji Musse Sudi Yalahow u magacaabay DR Cabdi Culusow in uu noqdo afhayenkiisa gaarkaa ee qaaradda maraykanka iyo dowladdaha isu tegay ee adduunka. Jwaaabta su’aashan waa mid aad u sahlan waayo sideedaba safxadda Ayaamaha looma asaasin in ay u adeegto danta guud ee ummadda Soomaaliyeed ee waxaa loo abuuray in ay u adeegto danaha guracan ee jufadda ay ka soo jeedaan tifatirayaasheeda iyo DR cabduqaasim Salaad oo iyaga hadafkooda yahay in Soomaliya lagu xukumo qaab xumadi ay ka barteen macalinkoodi Siyaaad ee ahaa xukun oo qaybi .

safhadda Ayaamaha iwm waxaan u sheegeynaa in uunan waqtiga uga dhumin isku dayga kala geynta dad walaalaa,kana waantoobaan falalka xun ee raqiista ah, iyaga oo weli ku riyoonayo sii joogitaanka Banadir weyne iyo koofurta dalka ,waxaa kale oo aan u sheegaynaa in faraha lagula jiro howlihi soo xiritaanka taarikhdooda madow ee koofurta dalka ,waana mid aan qarsaneyn oo uu kor u sheegay Xaaji Muuse Suudi Yalahow isaga oo ay maanta dadkiisa dhamaantood oo uu horeeyo DR Cabdi Mahamed Culusow diyaar u yihiin in ay ku garab istaageen soo dhacsashada xaqooda iyo xaqa dad kale ee la degan deegaanka gobalka Banaadir weyne iyo koofurta dalka Soomaaliya iyaga oo weliba ilaalinayo xuquuqda Soomalida kale ee kula nool deegankaas.

Abdalla Moallim Mahamud.(Abdullahi Siyaasi)

Moalem10@hotmail.com

Moallem@lycos.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Ra'yiga Akhristaha ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.