| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

BURBURKA KU YIMID PUNTLAND WAXAA LOO AANEEYAA SHIRKII CARTA.

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  30, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 30, 2001
.k

Waxaa Qoray

Moalin Mahmoud 

moalinm2us@yahoo.com 

 


WALAALAYAAL WAA IDIN SALAAMEY

HORDHAC:

waan wada dhowreyney mu'aamaradii lugu dhoodhoobey tuuladii INA CUMAR GEELLE ee CARTA meesha ey haleeli doonto waxaana horey loo sii saadaalinaaye labada ismaamul gobaleed SOMALILAND IYO PUNTLAND mid ka mid ah in ey BURBURIN DOONTO WAXEYNA HALEESHEY GOBALADA PUNTLAND waxaa nasiib darro noqotey in waxgaradkii shaley meel isla dhigey in ey sameystaan is maamul gobaleed la baxay PUNTLAND ku meel gaar ah inta soomaali isaga imaaneyso shir dibu heshiisiin maanta iney gacantooda ku burburiyaan nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtey deegaanadooda ka dib markii ey ku fududaadeen shirkii CARTA oo maleeyeen kii soomaali sal u noqon lahaa laakin uu ku noqdey WIRWIRKA QORAXDA maantana xaalka uu maraayo ALOW SAHAL AMUURAHA.

hadaba PUNTLAND waa meel ka badbaadey dagaaladii sukeeyey intii dowladd la'aanta la ahaa waxaana si qunyar socod nimo leh ku soo wadi jirey GENERAL MAXAMED ABSHIR intii ka horeysey sameyntii PUNTLAND oo la dhihi jirey SSDF hadaba doorashadii puntland ayaa saraakiishii ku soo hana qaadey maamulkii KACAANKII OKTOOBAR oo ugu TUNKA WEYNAAtunka XASAN ABSHIR ayaa ka dambeeyey inuu KORNEEL CABDULAAHI YUUSUF MADAX KA NOQDO PUNTLAND iyagoo u gacn qabtey GENERAL MAXAMED ABSHIR OO ODEYGA REERKA AHAA wuxuu arrintaas ugu badashey CAASIMADA PUNTLAND IYO ARIMAHA GUDAHA IYO LACAG HAYAHA.

KORNEEL CABDULAAHI WAA SARKAAL SARE OO CIDAMADII QALABKA SIDA DARAJO KA GAAREY GAASHAANLE SARE si aad ah looga yaqaan soomaaliya horena ugu dhicisoobey INQILAAB soo jabhadeeyey xabsi u galey oo baahi badan u qabo INUU WAX XUKUMO caan ku ah madax adeyg intaas oo aqoon ah iyo ka sii badan ayaa loo lahaa markii HOGAAMINTA PUNTLAND loo dhaarinaayey hadaba maamulkiisa beelaha hoos yimaada aad bey u jeclaayeen maadaama soomaali qabiil qabiil ukala taagan tahay qabiil walbana hogaaminta soomaaliyeed ey raadinayaan waxey u arkaayeen inuu KORNEELKA shaqadaas ku fiican yahay in kastoo uu faraha ka bixiyey MAGAALADA KISMAAYO laakin xisaabta luguma darin dhanka kale maamul ahaan qofkii mar jago lugu magacwaabo inuu ahaan doono aan laga qaadi doonin hadii leysku dayona dagaal sukeeye la wajahayo shaki kuma jirin in sidii sahlaneyd ee loogu dhiibey eysan u noqn doonin sahl cabdulaahi in looga qaado jagada soomaalida waxey tiraahdaa "WAAN RABAA ROOB AYAA LUGU WAAYEY "

dhibaato kama horeyn PUNTLAND maalintii uu gacanta u haatiyey soomaali INA CUMAR GEELE oo isugu keeney tuuladii CARTA hogaamiyaha puntland KORNEEL CABDULAAHI YUUSUF laga diidey in wafdigii PUNTLAND ugu qeyb galaayey shirka inuu magacaabo isagoo maamul ahaan uu xaq u lahaa maalintaas ayey eheyd maalintii MAAMULKA PUNTLAND la kala direy xubin ayeey ukal furmeysey waxaana si dahsoon jagada PUNTLAND ku fadhiyey SHIRKII CARTA XASAN ABSHIR oo loo magacaabey SHIR GUDOOMIYE isagoo aroor walba hadalka ku furaayey waxbixin ku saabsan habeenkii xaley waxey ku waaberiisteen REER PUNTLAND SIDII DHURWAA DAD CUN AH INUU XERADA UGU JIREY waxeyna ka mid eheyd munaafaq nimada meesha lugu hayey.

odayaashii puntland oo shirka ugu qeyb galayey oo hormood ka ahaa SULDAAN GARAASI waxey INA CUMAR GEELE IYO C/QAASIM OO LOO DOORTEY MADAXWEYNE u sheegeen iney howshooda sii wataan KORNEELKA LALA SUGAYO WAQTIGA DOORASHADA KA HORNA MASAAMIIRTA KURSIGA UU KU FADHIYO EY SIIBAYAAN waan ka wada war heyney sidii ey wax u dhacayeen iyadoo dagaalka siyaasadeed noocyo kala duwan u socdey waan wada maqleyney in lahaa dad fara badan oo reer puntland ah ayaa u soo lugeeynayey SHIRKA CARTA oo qaarkood bil ku qaadatey sida iney soo GUDANAYAAN XAJKA waan maqleyney in la yiri ISIMADA CABDULAAHI U KORDHIYEY WAA GACAN KU RIMIS in cabdulaahi isku dayey in xoog ku qabsado BOSAASO laga adkaadey inuu fadhi ka dhigtey GAALGACYO in shir qarashka ku baxaayey dhiibeysey CARTA la qabtey in musharaxii JAAMAC CALI JAAMAC dorashadii ka hor idaacado wareysi ku siiyey inuu taageersan yahay CARTA LANA SOO DOORTEY DADKII FAJAC KU NOQOTEY

si loo dhameystiro GOBALKA uu ku harsan yahay KORNEELKA EE MUDUG IN LAGA SAARO loo magacaabey XASAN ABSHIR WASIIRKA KOWAAD EE CARTA hadaba isku tahniyadeyntii XASAN ABSHIR IYO JAAMAC CALI JAAMAC oo idaacadaha laga dhageystey waxaa loogu tala geley inta ku harsan taageerayaasha CABDULAAHI looga soo kaxeysto waana mida uu ku sameeyey LABA KACLEYNTA DIBNA UGU QABSADEY MAGAALADII GAROWE dadkii deganaa gacan ku siiyeen QORIGA U QAADEEN CABDULAAHI UU YAHAY GAROWE NINKII MAGAALO SHIDAN KA DHIGEY GANACSI U YEELEY BALAARIYEY markuu ka tegey lagu kala dareerey sedaxdii bilood uu ka maqnaa lagu gaajoodey

hadaba ayadoo xaalada puntland ey miliqsan tahay ILAAH BAAN U BARYEYNAA INUU KA BADBAADIYO DAGAAL SUKEEYE oo hor leh lana helo rag u baxa ISMAACIIL CUMAR GEELE haduu uusan noo hayn AWOOD SUURA GELISA masiibadan CARTA noogu soo direy inuu naga daayo ayeey mudneyd waxaana leenahay asaga ayaa mas'uul ka ah wixii ka dhaca waxaana ugu baaqeynaa waxgaradka beelaha PUNTLAND iney iska qabtaan LABA NAF LAYAASHA DADKA ISKU DILAAYA.

WAA BILAAHI TOWFIIQ

Xusuusin:   Aragtida Qoraalkani waa mid ka turjumaysa argatida qoraaga qoray oo magaciisa iyo emailka lagala xiriirayaa kor ku qoran yihiin, marna looma fasiran karo mid ka turjumaysa aragtida AllPuntland. Mahadsanid

 

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).