AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

MUQDISHO LAMA KALA LAHO MA DHABBAA! BARLAMAANKA WAA KU QASAB IN LA ANSIXIYO!

Posted to the Web   February 18, 2002

Waxaa Qoray

Dr. Cali Max'ed Xalane

muggastars@hotmail.com 

 

MUQDISHO LAMA KALA LAHO MA DHABBAA! WAA LA WADA DEGAN YAHAY LAAKIINSE LAMA LAHA!! (Qooraansi taariikheed)

Sida laga wada warqabo taariikhda koonkaan aanu ku nool nahay, waxaa ka
dhacay dagaalo baahsan oo saameeyay shucuubta oo idil, dagaalada-as intooda
badan waxay dher mareen dad dhulkooda degan iyo kuwo kaloo dhul cusub
raad-is ah, markaasoo halkaas dagaal ka bilaaban jiray, kaas oo kuwa degan
ku kalifi jiray dafta hore qax iyo barakac dhan walba leh, kaddibna ha
dhowaato ama ha dheeraatee kuwii la barakiciyay waa soo rogaal celin jireen,
markaas ayay dhulkoodii dib u qabsan jireen.
Tusaale waxaanu u soo qaadaneynaa dagaaladii sokeeye ee dalkeeda ka qarxay
ee uu hoggaaminayay Jan. Ceydiid kaas oo dagaalkiisu ku saleysnaa degaan
raadis, wuxuuna dagaal ku qaaday Muqdisho, Sh/hoose, Bay, Bakool iyo
Hiiraan; Muqdisho maahee afarta Gobol ee kale si buuxda ayuu u qabsaday.
Waqti gaaban kaddib shacabkii u dhashay Goboladaas waa soo rogaal celiyeen
dib ayayna u qabsadeen Goboladoodii. Horay ayaa loo yiri "DHUL NINKII U
DHASHAA ISKA LEH", waxaanu qoraalkan ku xuseynaa hal qalad oo ka soo baxay
shirkii dib u heshiisiinta Jabuuti, kaasoo ah Xamar waxaa lagu dhaqayaa
sharci gaar ah, hadana Baarlamaanka KMG ah uu aad u war hayo in Muqdisho loo
sameeyo xeer gaar ah.
Haddaba Baarlamaanka KMG ah waxaanu kula talineynaa inuu ka fiirsado
arrintaa ayada ah, maxaa yeelay Koonkan aanu ku noolnahay ma jiro hal Mitir
oo dhul ah oo aan la lahayn, Qaran ha lahaado, qabiil ha lahaado ama qof ha
lahaadee.
Marka aanu dib ugu soo laabano taariikhda Xamar arag oo akhri Buugga loogu
magac daray "Afrikada Bari ee Talyaaniga" [Africa Orientale Itali-ana] soona
baxay May 1938 (Fiiri Bogaga 564 - 565) ee looga hadlayo Xamar iyo
hareerihiisa, waxaad ka heleysaa taariikhda markii Xamar soo bilaaba-tay
qarnigii 9-aad ilaa Qarniga 15-aad iyo intii ka dambeysay.
Taariikhda Muqdisho
Magaalada Xamar, waxaa la dhisay oo la degaameeyay inta u dhaxeysa
taariikhdii 900-950 balse markii la soo gaaray Qarnigii 13-aad Xamar waxaa
xukumayay Boqortooya-dii u hoggaaminayay Boqor Faqrudiin, sida uu ka marag
furay Ibn Saud oo bad mareen ahaa.
Muqdisho waxaa soo gaaray bad mareenkii la oran jiray Ibn Batuta 1330
wuxuuna ku marag furay magaalada inay weyneyd aadna u qurux badne-yd, ayna
lahayd Warshado soo saara Dharka.
Waxaa xeebaha Xamar soo gaaray 1499 Vasko de Gaama oo ahaa bad mareen u
dhashay Bortogalo, wareegiisii taariikhda lahaa ee Afrika, wuxuuna magaalada
ku garaacay madaafiic, magaaladu way is dhiibtay 1503, waxaana xukunka loo
dhiibay nin la dhihi jiray Tristao da Gunha, kaas oo joogay intii u
dhaxeysay qarnigii 15-aad waxaa la wareegay xukunka magaalada Boqortooyadii
Muzaffar, waqti gaaban kaddibna awoodii magaalada isla qarnigii 15-aad waxaa
la wareegay qabiilka la yiraahdo ABGAAL oo uu hoggaaminayay Imaankii la oran
jiray Maxamed Cumar (Reer Yacquub) Imaanka iyo daga-alyahanadiisu waxay ka
soo duulaan tageen Gobol ku yaala Waqooyiga Hobyo, si fudud ayayna ku
qabsadeen magaalada, waxaana la dilay Suldaankii Muqdisho Boqortooyadii
Muzaffar.
Markaas kaddib Imaanku magaalada u kala qeybiyay laba Degmo Xamar Weyne iyo
Shangaani, dhammaadkii Qarnigii 15-ad waqtigaas waxaa jiray tartan xoog leh
oo Carabta iyo kuwo kaleba ugu jireen qabsashada Xamar iyo xeebaha Afrikada
Bari.
Markii taariikhdu soo ga-artay 1836-kii waxaa dalka naafeysay abaar aad u
xun, taas oo sababtay in magaalada la faaruq iyo oo shacabkii intiisa badan
ay raadsadeen meel bad iyo biyo leh, taasina waxay u sahashay Boqortooyadii
Cuman inay qabsato magaalada, kaddibna ay qaadato wixii taariikh iyo
kheyraad ah ee uu lahaa Xamar, lana geeyay Zanzibar, Muqdisho waxaa loo
magacaabay Guddoomiye Gobol oo la oran jiray (Weli) Suleymaan Indha weyne,
taariikhdu waxay ahayd 1872 kaddibna waxaa ka qabs-aday Talyaaniga 1892,
balse 1905 ayay si sharciyan u noqotay magaalo madaxda la xukumayo
Soomaaliya oo dhan.
Laga soo bilaabo taari-ikhdaas ilaa maanta, Xamar waa la wada degenaa,
laakiinse marnaba la islama lahaanin, wa-qtigaas oo ku aadaneyd 1905 Xamar
waxaa wada degenaa dadkii u dhashay (Indigini) Car-ab 2.500 qof Hindi 240
qof, Ereteriyaan iyo Yahuud 45, sidaas awgeed dadka leh weli waa ogol yihiin
in la wada degena-ado Xamar, laakiin ma haboona in la yiraahdo Xamar waan
wada leenahay, waxaa haboon in Soomaalidu runta ugu sheegto, waliba waxaa
lagama maarm-aan ah inay beelaha Soomaaliyeed oo dhan ogaadaan in dhulka
Xamar iyo agagaarkiisa dadka iska leh ay joogaan haddii xoog lagu heysan
karo iyo haddii kale.

W/Q: Dr. Cali Max'ed Xalane

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited