ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

 AllPuntland: Fikradaha / Opinion

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ssThe opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

 

Dayniile Aniga Ayaa iska leh.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 27, 2002

Posted to the Web   January 27, 2002

Waxaa Qoray

DR:  MGG. STARS

muggastars@hotmail.com


Heshiis  hoosaadyo beryahaanba lahadal haayey  oo dhexmaray Cusman xassan cali iyo  M/med Qanyare Afrax ayaa manta lasoo gabagabeeyey, shirkaas oo ka dhacay Guriga Milkiilaha airaboorka Dayniile  isla markaasna ah W/kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee DKM .waxaa si aad iyo aad ah lo xoojiyey ammaanka goobta oo uu shirka ka socday oo in yar u jirtay Airaboorka Dayniile.

Heshiiskaas  cusub wuxuu ku saabsanaa sii ballaarinta Airporka  Dayniile iyo Suuq weyn oo Cowska iyo Caanaha  iyo weliba qaabka canshuur ka qaadista  dadka deegaanka  deggen iyo nawaaxiga  degmada Dayniile.

Waxaa halkaas hadal gaaban ka jeediyey  Mudane Mxmed qanyare Afrax oo isgu sheegay  in ay muhiim tahay in dhaqaale lahelo kol haddii aysan dowlad rasmi ah jirin lacagtii carabtana ay iska taalo .

Wuxuuna intaas sii raaciyey anigu dadku waxay igu xantaan wuxuu dowlada heshiis kula galay dhaqaale taasi horta wey jirtaa oo waxaan hadda hareerihiinaa oo tekniko ah waad aragtiin xaggee laga heli lahaa haddaan ina salad booy iyo kii lamid ahba la dhihin waan kula jiraa kadibnaan gorgortan adag lala gelin.

Marka aniga marabo in mar kale suaashaas lay weydiyo , Aniga ujeedadeydu ma ahayn in aan dowlad Cabdi Qaasim aan wasiir  dowladiisa kanoqdo oo waan ogahay in aysan dowlad dhab ah aheyn laakiin lacaghii carabta ayaa qofwelba boobeysay sida ay doonto ha ku boobtee ayaa wax xoogaa ah leygaaga cantoobshay.

Mudane Qanyare mar uu ka hadlaayey sii ballaarinta airaboorka iyo canshuuraha qaabka wax loo rabo ayuu wuxuu intaa raaciyey mar haddey qolo welba meel ay wax uga soo degaan sameysatay oo dhaqaalaihiina la hayo yaa diidayo in aan annaguna  mid sameysano  illeen dhulkaan cidna gooni uma laha ayaa layiri,warku wuxuu intaa ku darayaa in uu yiri Canshuuraha iyo qaabka wax loo qaadayo waxay wax la wadaagayaaan suuqyada kale ee waa weyn  sida Bakaaraha ,Dayax, Kaaraan , iyo Dayniile Market oo hadda cusub.

Waxaa isagana markaas kadib hadalkii qaatay  nin aan magaciisa la sheegin isla markaasna ahaa taliyaha nabadgelyada cusmaan caato oo isna halkaas 2 kelmo ka yiri ayaa wuxuu hadalkiisa ku billaabay : 

Wixii la oran lahaa wasiirkaa yiri hadalna  iigama banana waxaase odhan lahaa dhammaan nawaaxiga  koofur muqdisho in ay si fiican ula shaqeeyaan reer Dayniile oo iyagu heeryada iska qaaday oo uu hogaamiyo Mudane Qanyare.

Ccanshuurahana la iiska bixiyo amma hanoqoto tan Airaboorka ama tan Caanaha iyo Cowskaba iyo wixii kale ee soo raaca. 

Arinta ku saabsan in gorgortan lala galo C/qaasin annagu haddii aan nahay USC/SNA ama ( Reer Cakaaro ) waxaad mooddaa in aan ka hunguri weynahay reer Dayniile waayo innagu waxaan ka nimid sidaad lasocotaanba  meel fog oo Caano iyo Cows midna aan lahayn marka inama qanciso wax yar in kasto oo ay hadda inoo socoto waan waan hoose oo layku mari la`yahay hadba inta ay wax la egyihiin waxaase innga horeeya oo safka ku jira  Reer Puntland oo uu hoggaaminaayo Mudane Xassan Abshir in kasta oo uu ku qanacsanyahay R/wasaare la siiyey oo walaalkiis Cali Khaliif looga qaaday ,  maxayse  tareysaa Jagada R/W sanduuqa lacagta C/Qaasin culusow ayuu u dhiibtay ,Cullasowna dhago wax maqlo oo aan warka C/qaasin ahayn ma laha marka arrinta iyadaaba jiq isku ah bal aan dhowrno meesha ay wax gaarsiiyaanwaqtigiiba isagaa iska dhammaaday. 

Siyaasiyiinta waa weyn ee Muddullod iyo xiriika ka dhexeeyo reer Carte ayaa Beryahaan dambe ka sii daraayeya

Warkaan (Airaboorka deyniile) oo saxaafadda loo qeybshay nuqul ka mid ah shalay ayaa wuxuu si aad ah uga careysiiyey madaxda muddullood oo iyagu beryahaanba dhowrka qeybood  u kala  qeybsanaa  lagana yaabo in ay kuba midoobaan arrintaan xassaasiga ah ee ku soo korortay.

Waxaa wargeyska muggastar soo gaaray nuqul kamid ah warkii saxaafadda loo qeybiyey.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

 KALA SOO XIRIIRA E-MAILKA: MUGGASTARS@HOTMAIL.COM

DR:  MGG. STARS

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com