ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Qosol ama ooy Tanisa waa Ciil U dhimo.

Posted to the Web   April 13, 2002

WQ

M. A. Faa'ideeye!

muggastars@hotmail.com 

War dadkani dad muhiim ah weyaane yaana la didin ha iska daaqaanee koley 2ba qolo oo muhiim ah ayaa haysa ee tartiibkiina iska rarta

By: (Ra'ii/ DKMG Xassan Abshir faarah) 

Cabdullaahi Firimbi.

Waxaan rabaa in aan uga faaloodo qoraalkaan magacaabidda la magacaabay Guddoomiyaha ku Xigeenka Gobolka Banaadir oo loo magacaabay

Cabdullaahi Firimbi.

Qoraalka aan ka arkay Internedka waxuu sheegayaa “Wareegta ka soo baxday manta oo ah 09/04/2002 xafiiska Raysalwasaaraha Dowladda ku meelgaarka ee Soomaaliya Mudane Xassan Abshir Faarax waxeey ku dhawaaqday jago cusub aan horey u jirin oo ah Guddoomiye ku xigeen ee Gobolka Banaadir”.

Arrintaas awgeed waxaa ii soo baxday in lagu tuntay dhowr arrimo oo kala ah: 

1) In marka u horeeyso lagu tuntay oo laga baxay Axdigii lagu soo kala qortay Heshiisiintii Carta

2) In marka labaad lagu tuntay nidaamkii kala dambeeynta maamul wanaag.

3) In Raysal wasaaraha asogoo xafiiskiisa ka maqan in wareegto magacaabid jago weyn soo baxdo waa qalad.

4) In qofka la magacaabay eey qabiil ahaan is xigaan Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan

Sidii horey loo ogaa ama maamulkii horey ka jiray Dalka Soomaaliya waxaa arrimaha Gobolada eey hoos imaan jireen Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacaabidda Guddoomiye ku Xigeen Gobal waxaa awood buuxda u lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Ilaa iyo manta ka hor lama arkin Guddoomiye ku xigeen laga soo magacaabay Raisalwasaaraha Xafiiskiisa oo waa arrin lagu fajaco oo lala yaabo oo waxaa arrintaas laga rabaa in Raisalwasaaraha meesha awoodaas ka keenay una dadka u caddeeya meesha eey uga qorantahay Axdigii lagu soo kala qortay Cartay. 

Daahir dayax.. 

Waa in lays weeydiiyaa Wasiirka Arrimaha Gudaha howsha dalka iyo dadka uu ahaayo, maadaama aan horay u aragnay in Guddoomiyaasha iyo ku Xigeenadooda Degmooyinka ee Gobolka Banaadir waxaa soo magacaaway Madaxweyniha Maamulka Md. Cabdiqaasim Salaad.

Maamul haddi rajo laga leeyahay waa in marka u horeysa wax kasto caddaadaan marka kale la ilaaliyo nidaamka kala dambeeynta ah, haddi kale meesha waxaa ka soo baxaayo labo walax oo ah in aqoon maamul eey yartahay ama arrimo gurracan oo ula jeedo xun eey meesha ka socdaa.

Waxaa mudan in la is weydiiyo magacaabiddaan in Raisalwasaarah og yahay iyo in kale. Waxaan sidaa u dhahaayo oo igu qasbaayo in manta 09/04/2002 qoraalada oo idil qoraayaan in uu Raisalwasaaraha ku jiro isbitaal ku yaalo Imaaraadka laga daaweynaayo Sokor lagana qalay Indhaha ayaa xafiiskiisa ka soo baxday wareegtadaan oo magacaawday jago cusub aan horey u jirin. Haddii asaga uu ogaa maxuu horey ugu dhawaaqi? 

C/Qaasim salaad booy... 

waayey ama maxuu ula sugi waayey intuu waddanka ku soo noqdo waa arrin cajiib ah.

Haddii uu asaga ogeeyn waa in laysweydiiyaa in dadka awooda leh oo xafiiska iska maamulaanaayo, waxaana ognahay in Dr. Cabdiqaasim Salaad caadadaas leeyahay in uu horay u magacaabay Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo ku Xigeenadoodi, oo hadduu maantana jagadaas ku dhawaaqi lahaa lalama yaabeen waaxaa lala yaabay asagoo adeegsaday xafiiskii Raisalwasaaraha oo awood Dastuuri u lahayn.

Marka waa in laysweydiiyaa maxaa ku qasbay in Dr. Cabdiqaasim Salaad adeegsaday xafiiski laga maqnaa ee Raisalwasaaraha. Wax yaalaha ku qasbay waxaa ku soo koobeynaa hoos:

1) In qofka jagada lagu magacaabay iyo Dr. Cabdiqaasim Salaad yahiin isku qabiil ama isu reer.(H/gidir)

2) In haddii eey ka timaado ama dacwad xagga Mudulood in uu asaga lagu qabsanin oo iskaaga dhigo Xassan Abshir.

3) Jagadaan cusub eey tahay ula jeedooyinka ee Habargidir ka leedahay Gobolka Banaadir. 

Maxay tahay ula jeedada H/gidir.... 

Marka sidaan ognahay in Dr. Cabdiqaasim Salaad aan horey uga aragnay reerkiisa iska daa in xoolihi qaranka ka qaada sida “Villa Somalia”, “Balli-Doogle Airport” iyo iwn…. Waxaan aragnay in uu sharciyeeyo oo si nidaam ah ugu xalaaleeyo waxii eey horey dagaal ku qabsadeen oo waliba laga hashiiyey uuna raali ka aha in xoolihi lakala ceshto. Yaa ku gaaray! 

Waxaan aragnay Xamar-Weyne iyo Xamar-Jabjab in uu ka dhigin Guddoomiye Degmo dadkii u dhashay deegaanka uu ka dhigay dad asaga isku qabiil eey yihiin uu walibo sii raaciyay deegaanadaas dad cusub ayaa qabsaday marka ayaagaan ka dhigeena Mas-uul. Yaa ku gaaray? 

Markuu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisha ayuu waxuu sameeyay jago cusub oo ah Xog-hayaha Magaalada Muqdisha oo aan la aqoonin waxuu qaban lahaa oo waliba uu ka dhigay Cabdullaahi Firimbi oo eey isku reerka yihiin oo aan wax dhalasho ama degaan u lahaynin yaa ku gaaray? 

maxaa iga quseeya G/banadir hal qolaa ewelba lahayde 

Hadda laba sano ka dib Xog-hayaas asagoo la aqoonin waxuu suubiyay ayaa la dalacsiiyay oo walibo lagu magacaabay jago cusub oo horey u jirin ah Guddoomiye ku Xigeen Gobolka Banaadir.

Annagoo og Maamuulka Dr. Cabdiqaasim Salaad in dhaafsaneyn meelo ka mid magaalada Muqdisaha oo Wasiirka Arrimaha Gudaha howl loo dhiibo loo haynin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir asagana waxuu qabto la garaneynin ayaa haddana ku soo darsamay ku Xigeenkiisi.

Ma laga yaabaa sannadka dambe in Cabdullaahi Firimbi laga dhigo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Weey dhici kartaa sababtoo ah shalay ayuu ahaa Xog-hayaha Duqa Magaalada Muqdisha, manta waa G/Xiggeen Gobolka Banaadir. 

Saaxiib ninka warkaan soo qoray ciil u dhimo adiga iyo inta kula qabto ra'yigaan waayo dad waxtar leh kama aadan dhalanin dhulkana innagaa qabsanay qofkii aan doono ayaanan u magacaabeynaa..OK! 

Afkaaga caano lgu qabay ee dadkaagii ma u malaynaysaa in garaadkooda ku wajahan G/banaadir in aad isku mid aragti ka tihiin? Jawaabtu waa maya. Maxaad u malaynaysaa C/Frinbi oo Ubaxa kacaanka degmada yaaqshiid iyo guddoomiye Callasow ee degmada frinbi u yeeri jiray in uu maanta noqdo xogeyaha gobolka banaadir. Wuxuu aaminsanyahay in uu heerkaan uu mmanta joogo uu qoriga caydiid ku soo gaarsiiyey haba is dagaaleene mar dambee.. 

Marka ogow qoriga meesha uu maanta firinbi C/qaasinba gaarsiiyey, laakiin haddii aad shalayto sida uu maanta kursiga uhaysto uu u dagaalamay adiga maxaad qabanaysay, isumataliso isma maqasho wax iskuma ogolaato doqonnimo oo intaba salkla ku haysa xaasidnimo dhediina ah waxay idiin dhaxalsiisay in aadan maanta waxba ka ahayn miiska siyaasadda ee raali iska ahaaahda bunkiina iska cuna laf lafna isku xasda yanan la'iddin ka helin shaqsi kaliya oo aaminsan midnimadiina, sababta maxay tahay ma idinkaa soomali ahaynina xageed ka timmaadeen maxaadse idiin dhiman oo aad hadda kabacdi sugeysaan? 

Mudane Cali mahdi waad cayseen,muuse suudi sidoo kale bood haba sheegin. Yaraanka isga maxaa ku dhacay ? wacb maxaaku dhacay? Har maxaaku dhacay Misse waa la kala iibsaday? Aniga meeshay mareyso ha marto taasi war miyaa? War Immaamkii aaway iyo xilkii loo dhiibay war dadka isku geey oo wax u sheeg waxoodii waa la qaatay ee haddii ay sidaas dhacdo adiga yaad immaam unoqondoontaa? Ama wiilkaada? 

Muggastars@hotmail.com

M. A. Faa'ideeye!


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.