Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Shir Sanadeedkii Ururka GMM oo Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Katrineholm. 

Posted to the Web  July 08, 2002

Waxaa nasoo gaarsiiyay

Yaasiin Maaxi 

maaxi@hotmail.com 

Maanta oo taariikhda tahay 6dii Luulyo 2002, Magaalada Katrineholm waxaa si rasmi ah uga furmay Shir Sanadeedkii Ururka Golaha Midnimada Mudulood (GMM). Shirkan waxaa ka soo qeybgalay boqolaal qofood oo ka kala yimid Yurub, USA, Canada, UAE, iyo waddamo kale. Shir guddoon waxaa loo doortay Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo ugu horreyntii u mahad celiyey dhammaan shaqsiyaadkii soo abaabulay iyo ka soo qeybgalayaashii shirka, kuna tilmaamay mid ku billowday si qurux badan soconna doonno illaa iyo berri oo taariikhda tahay 7da Luulyo 2002. 

Sida caadada ahba waxaa bilowga shirka isku casilay oo xilkii wareejiyey guddigii hore ee GMM oo uu guddoomiye ka ahaa Dr Abdi Mohamed Ulusso. Dr Ulusso oo khudbad dheer ku furay shirka ayaa ka hadlay waxqabadkii shirka ee sanadkii la soo dhaafay, kuna tilmaamay in guulo waa weyn laga gaaray himiladdii iyo ujeeddaddii Ururka, waxbadana ey qabsoomeyn, ha yeeshee dadaal dheeraad ah la iska rabo si horumarka la gaaray loo sii horumariyo. 

Musharaxa gudiga degmada katrineholm Yaasiin Maaxi oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku nuux-nuuxsaday Muhuumidda Maalinta 1da Luulyo iyo iney lama huraan tahay sidii sharaftii Ummadda Soomaaliyeed lagu soo celin lahaa, lana baadi goobo Soomaali weyn si nabad iyo caddaalad waarta loogu soo dabaallo Geeska Afrika. Shirku wuxuu socon doonnaa muddo laba cisho ah, lana filayo in la soo gabagabeeyo berri oo taariikhda ey tahay 7da Luulyo 2002, isla markaana la dooran doonno guddi cusub iyo Guddoomiye sii wada hawsha Ururka sanadka soo socda. 

Weriyaheena Mudulood.com ee Sweden ayaa noo soo gudbin doonno warbixin ku saabsan shirka iyo wareysi buuxa oo uu la yeesho Guddoomiyaha iyo qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaasha markuu shirka dhamaado. 

AllPuntland News

Warkaan waxaa AllPuntland soo gaarsiiyay Yaasiin Maaxi maaxi@hotmail.com 


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka eeg emailkiisa bilowga qoraalka 

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:

Kor u noqo ama Ku Laabo Bogga Ra'yiga Akhristaha ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland/Go Back Home

 

Copyright 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.