ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Taageerid Gudoomiyaha Ururka USC/SAA Mudulood.

Posted to the Web   March 13, 2002

WQ.

Adan Mohamad Ibrahim 

adanmohamad@hotmail.com 

UJEEDDO: TAAGERID GUDOOMIYA USC/SSA MUDULLOD

Taageerayaasha USC/SSA ee ku nool Skandinaviya ( Sweden, Denmark, Finland iyo Norway ) waxay taageerayaan baaqqa uu soo jeediyay guddoomiyaha USC/SSA Al-Xaaji Muse Sudi Yalaxow oo ku saabsanaa in aan shir lala fadhiisanin Kooxda CARTA inta ay sheeganaayaan dawladnimo been abuur ah, iyo inta deegaanno dad somaaliyeed leeyihiin xoog lagu haysto, oo dadka deegaanka iska lahaa la bara kicinaayo.

Kooxda CARTA waxay ku sifowday koox deegaan boob iyo hanti boob iyo isku dirka iyo kala fogaynta dadyow walaala ah ama isku deegaan ahaan jiray weligood, iyaga oo adeegsanaayo shaqsiyaad hunguri qaaday oo dantooda gaarka ah ka horumarinaayo danta guud ee deegaankooda iyo tan Somaliwayn.

Haddaba waxaan si buuxda u taageeraynaa mawqifka ay qaateen halgamayaasha Muddullood ee uu ugu horeeyo Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo Hilowle Imaan iyo Maxamed Dheere iyo Eng. Caddow iyo Maxamad Siyid Cumar iyo Prof. Muse Cumar iyo inta kale oo magacooda aan halkaan lagu soo koobi karin oo ku hawlan in Muddullood loo sameeyo is-maamul goboleed ka madax banaan cid kasta.

Waxaan ka xunnahay siyaasiyiinta kale ee Muddullood ee weli taageersan kooxda CARTA oo weli ku sii qanacsan maamul xumada iyo ballan ka baxyada ay sameeyeen kooxda CARTA.Waxaana u rajaynaynaa siyaasiyiintaasi Muddullood in ay mawqif wanaagsan ka qaataan dhibaatada ay wado kooxda CARTA.

Somali ha nolaato. Ha guulaysto nidaamka gobolaysiga madaxa banaan.

Xoghaya USC/SSA ee Skandinaviya

M/d. Adan Mohamed Ibrahim ( Oor )

Tel/fax 0046-31-154314 Xafiiska Gothenburg-Sweden

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.