AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Warsaxaafadeed USC/SSA Mudullood-Sweden

Posted to the Web   February 17, 2002

Waxaa Lagala Xiriirayaa

Adan Mohamad Ibrahim" 

adanmohamad@hotmail.com 

Shir deg deg ah ay iskugu yimaadeen xubnaha ururka USC/SSA Muddulood ee uu hoggaamiyo Al-Xaaji Muse Yalaxow oo lagu qabtay magaalada Gothenburg 16.02.2002 ayaa waxaa ka soo qayb galay taageerayaasha ururka, gaar ahaan Mudane Abdulkadir Abukar(Spinato) oo ah gudoomiyaha ururka ,Xoghayaha arimaha dibedda M/d. Abdulkadir Cismaan (Qulateen), xoghayaha dhaqaalaha M/d. Ismacil Aw-Cali Cabdulle, xoghaya arimaha gudaha M/d.Fuad Xaaji iyo xirriyaha Jaaliyadda Muddullood ee Skandinaviya M/d. Adan Mohamed ( Oor ) .

Shirka waxaa looga hadlay midnima làanta haysata Mudduloodka deggan wadanka gudihiisa, taas oo sabab u ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odi daqameedyada Muddulood ee ku biiray kooxda CARTA, oo hoteello dejiyay dad aan tegi karin Gobolladooda oo misana ku shaqaysanaayo magac xildhibaanno iyo Wasiirro iyo dawlad aan Somaali wayn u dhamayn.

Waxaan ka xunnahay siyaasiyiinta Muddullood ee ka tirsan kooxda CARTA in ay raalli ka noqdeen lacagta been abuurka ah oo lagu barakiciyay danyarta Muddulood, iyo in ciidan Military ah loo adeegsado shacabka nabadda jecel ee weligiisa degganaa Gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa. Waxaan xusuusinaynaa siyaasiyiintaasi in taarikhda ay qori doonto qof kasta oo wanaag ama dhibaato u soo jiida bulshadiisa iyo Somaliwayn intaba.

Ugu dambayn wuxuu ururka ammaan iyo bogaadin u soo diraaya Guddomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe M/d.Maxamed Dheere iyo Dr. Hilowle Iimaan iyo Eng. Caddaw iyo M/d.Maxamad Sayid Cumar iyo Guddoomiyaha USC/SSA M/d. Al-Xaaji Muse Sudi Yalaxaw iyo inta kale oo u taagan in helo is-maamul goboleed madaxbanaan oo caddaalad ku dhisan.

Xiriiriyaha Jaaliyadda Muddullood ee Skandinaviya

M/d. Adan Mohamed Ibrahim ( Oor )

Tel/fax 004631-154314 Gothenburg-Sweden

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited