ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Baaq ay soo saareen Jaaliyadda Mudullood ee Gothenburg/Sweden 

Posted to the Web   March 25, 2002

WQ

Adan Mohamad Ibrahim.

adanmohamad@hotmail.com      

 

Ujeeddo: Baaq ay soo saareen Jaaliyadda Mudullood
             ee Gothenburg/Sweden

Shirki toddobaadlaha ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Mudullood ee magaalada Gothenburg/Sweden taarikhda markay ahayd 24.03.2002, ayaa waxaa telefoon is-maqal ah uga soo qaybgalay xubno kale ee kala deggan wadamada Skandinavia . Xubnahaasi waxay ka wada hadleen:

  1. Dhibaatada joogtada ah ay wado kooxda CARTA .

  2. Hawsha loo magacaabay Dr. Abdi M. Culusow ( Black ).

  3. Sidii loo taakulayn lahaa shacabka deggan Madiina(Wadajir).

-Sida caadada u ahayd kooxda CARTA waxay ku kordhisay xassillooni darro deegaanada qaarkood ee ka tirsan gobolka Banaadir. Waxaan uga digaynaa kuwa milatariga iyo Boliska sheegaanaayo oo laga soo aruuriyay gobollo kale in ay joojiyaan dhibaatada ay shacabka Banaadir ku hayaan. Sidaasi oo kale waxaan waano u soo gudbinaynaa kuwa Muddulloodka ah ee soo horkaacaayo Militarigaasi ama Boliskaasi in ay ka waantoobaan shirqoolada ay wado kooxda CARTA. Magaalada Muqdishu wax military ah uma baahna. Shacabka gobolka Banaadir ha loo daayo in ay ka shaqeeyaan nabadgelyadooda iyo horumarkooda.

-Shirka inta uu socday waxaa lagu goàansaday in la taageero lana soo dhaweeyo xilka loo magacaabay Dr. Cabdi M. Culusow ( Black ) in uu Muddullod wakiil uga noqdo Kanada iyo USA iyo gaar ahaan xafiiska U. N,ka in uu ka dhaadhaacsiiyo Mawqifka Muddullood oo ah is-maamul goboleed madax banaan, taas oo ah xalka keliyah ee Somaali ku heshiinkarto, laakin kooxda CARTA ay hortaagan tahay nidaamkaasi. Waxaan u rajaynaynaa in Ilaahay xilkaasi u fududeeyo.

-Waxaa la goàansaday in taakulayn dhaqaale wixii tabar ah loo fidiyo shacabka deggan degmada Madiina oo dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dagaalada sokeeye ee soo noq noqday mudooyinkaan dambe.

Waxaan soo dhaweynaynaa habka ah is-maamul goboleed madax banaan. Somali ha Noolaato.

Xiriiriyaha Jaaliyadda Muddullood ee Skandinavia
M/d. Adan Mohamad Ibrahim ( Oor )

Tel/fax 004631-154314 Gothenburg-Sweden

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.