ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Dadka u dhashay Gobalka Banadir weyne :

Ma idiin kala baxsantahay wajibaadka iyo xuduuda ay kala leyihiin Dawlad Federal Ah iyo Dowlad Gobaleedka (Regional Government).

Posted to the Web   April 10, 2002

WQ.

M. A. Faa'iideeye

muggastars@hotmail.com    

umaddiina Banadirweyn ugu faaideeya Aqoontiina

Sida lawada ogsoonyahay Dawlada fara badan oo kala duwan aya waaxy ku dhaqman habkan Federaliga ah sida: Mareykanka ,Canada, Swisserland, Emaradka carabta(U.A.E.)oo ku dhisan Gobala isku yimid ayakoo u madax banaan mamulka gudahooda ,waxaa loo yaqaan magacyo kala duwan laakiin wa isku micno : (State ,Province, Regional) . Wana qayaxantahay qola kasta masuuliyadeeda iyo xuduudkeda .

Dawlada Federalka ah waxay masuuliyadeedu ku koban tahay Mamulka guud ee dalka sida:Arrimaha Dibedda ,Arrimaha Siyaasada Guud, Arrimaha Dhaqaalaha iyo Lacagta ,Arrimaha Difaca Dalka ,Arrimaha Sharciyada Federalka ah, iyo waxii la hal maala.

Dawlad gobaleedku masuuliyadedu wa: Mamulka arrimaha Degmooyinka, arrimaha booliska iyo nabad galyada gobalka ,arrimaha wax barashada ,arrimaha bulshada iyo Cafimaadka ,arrimaha Maxkamadaha Gobalka ,arrimaha warshadaha , macdiinta , Biyaha iyo waxii la hal malaa oo ku ek heer Gobaleed.

Madama ay ka la baxsanyihiin masuuliyada dawlada federalka iyo Dawlad Gobaleedka Maxaa keynay in Dawlad ku sheega KMG ah ay soo fara gashato arrimaha mamulka Gobalka banadir Weyne iyo Juba Hoose . Labadan Gobol ma waxay ka duwan yihiin gobalada kale ee Dalka sida: Jubba Sare, Puntaland, Soomaliland oo u madax banaan mamul kooda.

Faragalinta noocan ah oo labadan Gobal lagu hayo ma waxay ka turjumeysa nidam cusub oo gumeysiga ah (new Colonialism) oo ay keneyn Mooryanta hubeysan oo ka tirsan qabilka ka soo dagagay Gobalada Dhexe oo doonaya in oo qabsado labadan Gobol oo Xadaarada dheer leh, doonayana in aw kana bara kiciyo dadkii dhulka u dhashay,madama ay yihiin dad nabada jecel .

Haddan nahay dadka u dhashay Gobalka Benadir Weyne waxaan nagu waajib in aan mideyno aragtideyna codkeyna iyo xoogeyna si aan u soo noleyno Gobolkan tarikhda dheer leh ,isla markana ah halbowlaha Dhaqaalaha ,Aqoonta iyoXadaradda Somaliyeed. ( Great Benadir State).

Si loo garo taas wa in la hela dhamman Qabaa-ilada faraha badan oo u dhashay gobalka (natives only). Qabaa-ilada oo kala ah:Carab,Biyamal,Barawan,Bagadi,galadi, Gandarshe,Gaaljecel, Goobroon, Jareer,Jiido ,Mudulood ,Reer-Xamar,Sedex-Gedi, Shanta caleemood,Silcis iyo Tunni. (Hilman hadal kuma jiro ciddi laga tagay oo u dhalay wa u furan yahay).

Si xal loogu helo dhibatooyinka mudda dheer soo jiitamayay wa in ay isku yimadan dhamman dadka u dhashay qabaa-ilada aan kor ku soo sheegnay, si ay uga tashadan arrimaha Gobalkooda lana yimadan aragti mideysan ay iskaga kicilahayeen mooryaanta kor degtay oo doonaysa in ay xoog Gobalkooda ku haystan.

Mooryantu waxay ku hartay gobalka banadir iyo gobalka jubada hoose. Soomalida inteda kale way iska xureysay annaka miyaan dhiig leheen iyo daremo, Naftu mar uun bay goaysa ee ya Ubadkeyna looga tagin gumeysi nooc cusub ah oo aan Dunida horay logu arkin.

Reer Banadirow waxaan idin xasuusineyna in xabadu koytada nafteeda ay karto, kordadna kaba isma dheera

Waxaan rajeynayna in maalin aan ku biirno walalaheena Soomaliyeed oo garay in ay iska xoreyan mooryanta nahaysato .

Ina Saladboy waxaan xasuusineyna in shalay loo diiday in laga doorto Guri oo ku dhashay una dhashay.(Ilawsha dhawa ma umula), maantana aw doonayo in arrinti oo kale oo ku sameeyo dad Soomali ah. Waxa isweydiin leh in manta asago sheeganaya dawlad gacan ku rimis ah,in aw u magacaabo Nin Cadado ka yimid Degmada xamar –Weyne,nin hoobyo ka yimidna Booliska Gobalka banadir,iyo kuwa fara badan oo la mid ah.

Nabada Soomaliya waxay ku xirantahay in cid kasta raacdeyso tuugada mooryaanta ah, ka dibna la dhiso dawlad Qaran loo dhanyahay.

Xusuusin: Lahaysta yashoo hurdada ka kaca oo iska celiya cadawgiina (annakoo banadir ahoo baladkeyna loo bururaye haba la idin babiyee ha baqiina cadawgiina).

Wa socda qofkii daremo lehoo ku darso.

Waxaa soo diyarshay wax garadka bahweynta gobalka banadir weyne .

Hormuudkana oo u yahay Professor Omar Galaguul.

M. A. Faa'iideeye

Muggastars@hotmail.com


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.