| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

 Dadka qaxootiga ah ee Soomaaliya ku nool xuquuqdooda waa in la dhowraa. .

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 24, 2001
Posted to the Web  15:28 GMT December 24, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Mohamud Wardeere 
MWARDERE@oakwood.com   

Wararka ugu fiican ee Soomaaliya ka soo yeerayay wuxuu ahaa in Soomaaliya oo in badan dagaal sokeeye ka socday oo si xun u burtburtay dad badan oo Soomaali ahna la dilay ama ka qaxeen dalka oo adduunka ku kala firdheen ay noqotay in dad kale oo qaxooti ah ayadiiba u soo qaxaan.  Qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee waa hore qaxay ayaa rumaysan waayay ama ay yaab ku noqotay in ay jiraan dad ajnabi ah oo qaxooti ah ay u soo haajireen Soomaaliya weliba ayagoo nolol fiican u soo raadsaday  halkaas. 

Dal haddii uu burburo ama oo colaad ku raagto mar uun buu ka baxaa.  Haddii aad isleedahay adigaa dadka ugu liita ogow qof kaa sii liita ayaa jira.  Waa caado jirtay weligeed in dad u qaxaan meeshii ay is yiraahdaan nabad ama nolol fiican ayaad ka helaysaa.  Haddaba Soomaaliya kama duwana oo waa loo soo qaxay!.  

Waa yaabe yey yihiin dadka u soo qaxay Soomaaliya?  Jawaabtu waa dadyow kala duduwan waxaana ka mid ah Oromo, Tanzanian, ama Zinzibaar, carab, iyo kuwo kale.  

Qaxootiga waxay la yimaadaan aqoon, xoog iyo xirfad derisyada burburayna waa dhisaan,  meelaha ay tagaan qaxootigu waxay ku soo kordhiyaan ilbaxnimo iyo dhaqaale.  Muddo ka dibna waxay ka mid noqdaan muwaadiniinta.  Waxaa beryahanba ka soo yeerayay Soomaaliya  in dad carab ah sida ciraaqiyiin, falastiiniyiin, ama kurdisba la xirxiray ama si xun llola dhaqmay.  Arrintaasi waxay si wayn murugo u gelisay Soomaali badan oo qurbaha ku nool oo macnaha minority iyo nacaybka qaxootiga loo qabi karo yaqaan ama fahmi kara.   Dalkeenu wuxuu u baahan yahay inaan ajnabiga soo dhowayno oo aan maalgelinta shisheeyaha dhiirigelinno.  Dadka Soomaalidana waxaa laga rabaa inay iska ilaaliyaan takootidda ayadoo qofka lagu riixayo dintiisa ama dalka uu ka yimid.  Qaxootiga macnihiisu ma aha Al-qaacida qof walbana danbiile ma aha ilaa lagu xaqiijiyo.  Ugu danbayntii waxaan dadka Soomaaliyeed ku dhiirinaynaa inay difaacaan haddii ay arkaan qof qaxooti ah oo si xun loola dhaqmayo ama xuquuqdiisa lagu tumanayo.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com