ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Hambalyo DR A Ulusow

Posted to the Web   March 23, 2002

WQ

Mohamed Xabsade 

xabsade@hotmail.com    

 

Waxaan marka hore hambalyo usoo gudbinayaa walaalkeey DR Abdi Ulusoow Black, qabashada xilka uu u qabtey beesha Mudulood haddii eey ahaan laheyd GMM ama Afhayeenka ururka SSA. 

 

Waxaa wanaag ah maanta marki ugu horeeysey in siyaasiyiinta beesha Mudulood eey ogalaadeen inuu talada ama xal u helka dhibaatada fogaatey eey wax kala qabtaan aqoonyahanada beesha(waliba kuwa dadkooda samada la jecel). 

 

Dr Abdi Ulusow waa nin dhalinyaro ah dareensana baahida loo qabo midnimada beeshiisa iyo in eey beeshu yeelato hogaan dhaba oo matali karo soona celin karo muuqaalka eey beeshu ku laheyd siyaasada dalka. 

 

Waxaa naxdin igu noqotey inaan aqriyo maqaal uu soo qorey walaalkeyy Enj Moge oo ku aadana inuu xilka ururka uu kasaarey Gudoomiyaha ururka GMM taasoo ah wax qof weyn inuu qoro eey ceeb ku tahey, waana dhici kartaa inuu kasoo horjeedo mansabkaas loo magcaabey walaalkeey balse maaha mid u diidi karto inuu Gudoomiyanimada ururka hayo islamarkaana taageero xal sidi loogu heli lahaa arinta goboloka eey beeshu dagto. Aniga waxaan taageersanahey Dr Ulusow iyo nin kasto oo beesha ah ee raali ka ah in loo daaglamo sidi loo soo celin lahaa deegaanka beesha eey leedahey ee maanta ka maqan. 

 

Waxaan maqalnaa in Muuse Suudi uu ku doodo inuu dhul ka maqan yahey, waxana ognahey in dadka oo dhan eey qabaan fakarkaas balse ku dhawaaqideeda lagu kala duwan yahey Muusena uu geesinimo uu ku yiraahdo u heley. 

 

Hddii Muuse beri uu kabaxo ileen waa siyaasi Muduloodee, iguma noqon doonto mid aan la yaabo laakiinse in the back of my mind waxaan hubaa in lagaari doono guul horseedna u noqoto xal u helidaa dhibaatada dalka. 

 

Waxaan markale u sheegi lahaa anigoo kaxun kuna ixtiraamayo Eng Moghe fakirkiisa inuu isagu ka mid ahaa raga ku xiran Kooxda Carta ama ha noqdeen Mudul ama yeeysan noqon , waa uu ogyahey shirarka uu kaga qeyb galey kooxda Carta ee Sweden taasoo ah danbi lagagalayo bulshadeena. 

 

Taageerista Abdiqaasim, Abdi Qeybdiid, Galaal, Deylaaf iyo dhamaan dowlada eey Habargidir shegato waa danbi maalina leeys weeydiin doono. Enj Moghe, ma halmaantey baabai umadaan loo geestey eeyna u geesteen kuwa aad adigu DKG u aqoonsantahey, miyeysan aheyn kuwan askarta eey ku tilmaamayaan kuwi baabi'yey bilicda dalka, miyeysan aheyn kuwi maarta labaxey, miyeysan aheyn kuwi dhulkaada lacga faalso ah kaaga iibsadey, miyeysan aheyn kuwi horistaagey in nin Mudulooda talsho, miyeysa aheyn kuwi saad ogeed u dile Col Calasoow, mieysan aheyn kuwa dhiiga islaamka baneestey maahan wax la istaajin karo qoraalkeeda marka la bilaabo kahadalka waxuushta maanta anagoo nool na diley(bani aadamka waxuu dhintaa labo jeer marna asoo nool ayuu qof dhintey oo kale yahey, marna waa marki eebe oofsado)iska horistaaga aad ku sameeyneeso iftiinka u bilowdey beeshana maahan mid ku xiran mid fakarkiisu gaaban yahey. 

 

Ugu danbeeynti Engineer Moghe waxaan usoo gudbin lahaa intuusan xil cidna ka qaadin inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan dadkiisa, dhulkiisa (Banaadir) kuwaasoo maanta ku dulman deegaankooda. 

 

Maadaama uu Dr Uluosw horey u qorey maqaal lamagac baxey "MOgdisho is not Jeruslam" adiguse waxaad cadeeysaa waxaad u tari lahaad dadkaaga iyo waxa aad ka qabtid dhulbalaarsiga aad taageerto. 

 

Waa ayaan daro in Enj Moghe oo sumcad ku leh dadkiisa kala saaro GMM iyo xal u helista caamka ah ee dadkeena maanta u baahan. Waxaaa Eng kuu haboon laheed inaad intaad kaligaa fakirkaaga meelaha la soo istaagin aad la tashato raga kula dagan Sweden ama xubnaha kale ee ururka aadna cadeyysaan mowqifkiina taasoo sharci ahaan wax kuu qaban laheyd. Waxaan rajeynayaa iney timid Mudulood tii uu u oomanaa. Waxaan Walaalkeey xasuusin lahaa in Dr Ulusow u gabyin nin faciisa sida Togane oo kale ama uu kala saari waayo xaq iyo xaq daro sida  M Afrah oo kale. 

 

London, uk 

xabsade@hotmail.com 

Maxamed Xabsade.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.