Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

Bayaan Beesha Nugaal Soo Saartay.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 14, 2002

Posted to the Web   January 14, 2002

Waxaa Soo Gaarsiiyay AllPuntland oo lagala Xiriirayaa

Salim Jafar

salimj75@yahoo.com

Kadib markii wadatashi iyo ukuurgeled dheeraad ah eey sameeysay jaaliyadda Beesha Nugaaleed ee ku nool cariga Mareekanga, Yurub iyo wadanka gudihiisaba waxyaalaha ka dhacay Garoowe iyo gudahaanba Puntland, dood dheer kadib waxa eey isku raaceen iyagoo u gudbiyey go’ankooda waxgaradka iyo odayaasha nabadda kashaqeenaya ee Garoowe. 

  1. In Suldaan Garaase uusan kuhadli Karin magaca Beesha    Nugaal maadaama uu noqday shakhsi siyaasi ah oo dano meel    kale lagamaamulo u ordaaya kana fogaaday sifooyinki lagu     yiqiin nabadoon.     

  2. In Beesha Nugaaleed eey markasta  heegan u tahay difaaca        iyo midnimada dadka walaalaha ee Puntland. 

  3. In inta xal loogahelaayo khilaafka Puntland uu mudane Cabdullahi Yusuf yahay madaxweeynaha sharciga ee Puntland. 

  4. In dowladda Puntland cid aan ka socon eeysan uga qeebgeli  karin shirarka nabadeenta Somaliya iyo kan caalamiga ahba. 

  5. In Somalia sida keliya eey nabad uga dhici kartaa eey tahay in degaanada xooga lagu heesto laga kaco. Nina ku waarimayo  dhul uusan laheeyn.

  6. In taageero buuxda lasiiyo Generaal Morgan dagaalka uu kula jiro dadka meek kale ka soo duulay oo xooga ku heeysta dhul iyo hanti eeysan laheeyn.

Dr. Mohamed Khaliif

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com