| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

TAARIIKHDU WAA U MARAG, WIXII WAA LA SOO MARAY!!!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  23, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 23, 2001
.k

Waxaa Qoray

Cabdullaahi Hussein" 

nuuriye21@hotmail.com

 

Sida aan la wada socono ka dib burburkii  dawladdii marxuum muxammed siyad barre waxaa soomaaliya ka jiray is riixriix iyo dagaallo qabiil ku salaysan oo hadba marxalad marayay illaa dagaalkii uu isku badalay dagaal siyaasadeed oo soo afjarmi waaya, waxaana asaasmay ururro siyaasadeed ee qabiil ku salaysan  iyo  kuwo diimeed  sida AL-ITIXAAD oo ka soo jeeda mad-hab ahaan dhinaca wahaabiyada sucuudiga oo ay marxuumka dowladdiisu cagta ku haysay intaysan dhicin  aarrimo caqiido iyo kuwo siyaasaded awgood waayo marka la eego caqiido ahaan waxaa wahaabiyada loogu abtiriyaa inay asal ahaan ka soo jeedaan khawaarijta oo ah firqo ku abtirsata malcuunkii  dul-khuwaysara ee rasuulka af lagaadeeyay ka dib markii uu ku maleeyay rasuulka inuusan caddaalad samayan amaba ilaah ka cabasan illaa uu ka faray inuu rasuulku cadaalad sameeyo  oo kaga dhiirado waxaan qof islaamihi karin.  siyaasad ahaanna waa dad u shaqaynayay dawlado shisheeye oo doonayay inay si aan toos ahayn u maamulaan soomaaliya ka dib markii ay  helaan dad iyaga taabacsan caqiido ahaan oo khawaarij ah kuna sheqeeya fikirkooda qalloocan ee islaamku go`doomiyay.

Haddaba burburkii dawladdii  marxuum muxmmed siyaad waxaa dadaal dheeraad ah u galay inay dadka ka waraabiyaan fikraddooda wahaabiyada oo uu sucuudigu taageerayo iyagoo ka faa`iidaysanaya dhibaatada markaa jirtay oo ahayd qax  kala carar iyo gaajo dagaalku sababay waxay dadkii u keneen cunto,timir dhar iyo waxyaabo bir bir ah oo ay ku soo jiidayaan dadkii yaryaraa  iyo haweenkii iyagoo sidoo kale cay iyo dhaleecayn u soo jedinaya dadkii mas`uuliyiinta ahaa iyo culimadii dadka illaa ay qaarkood uga tilmaamaan waa mas`uuliyiintee inayba yihiin ama ahaayeen daaquudyo iyo asnaam la caabudo  si ay dadka uga reebaan dadkii ka horreeyay ee ay khayka ku dabo socdeen kala danbaytana u tirtiraan, waxay qofkii raacay u bixiyen inuu yahay muwaxid diinta alle  kaligiis fahmay  iyagoo siinaya magac saxaabi sida  abu-dujaana abu- cabayda abu hilaal iwm si ay u dhex dhigaan iyaga iyo qaraabadiooda  waa kuwii racaye  wixii dhex yiil asxaabata iyo qaraabadoodii gaalada ahaa iyagoo ku dabbakhaya ayaadkii qu`aanka ahaa figraddooda si aan looga hor imaan ujeedadooda  waxay fureen xeryo lagu tabo baro dhallinyaro ay u bixiyeen mujaahidiin oo ah kuwo ay ka dhaadhiciyeen figraddii go`doonsanayd ee wahaabiyada kana gooyeen ehelkoodii iyagoo galiyay waa nasiib darree inay arrintaas waliba tahay alle u dhawaan iyo sharaf.


Arrintu si kastab ha ahaatee waxaa markiiba ka hor yimid culimadii  diinta oo diin ahaan uga war qabtay waxay yihiin iyo mesha ay ka soo jeedaan iyo dadkii caqliga lahaa oo fahmay qallooca maamulkooda iyo waxay damacsan yihiin mustaqbalka waxaa si xawli ah u biloowaday dhaqdhaqayo ka dhana  AL-ITIXAADKA ( wahaabiyada ) oo isugu jira kuwo lagu caddaynayo  qallooca  caqiidadooda iyo ujeddo  ahaan waxay damcsan yihiin mus taqbalka oo ah inay xukun helaan ay dadka ku gumaadaan gaar ahaan  CULIMADA IYO  wax gardka kale oo oo ay u arkeen inay caqabo ku ahaayeen ujeedda dooda khaaska ah  dhadhaqaaqaas oo sabab u noqday inay si dagdag ah u gaaraan go`aan dagaal oo lagu qaado dadkii dhibta dagaalka sokeeye la il darraa ee eheladooda ahaa iyagoo ku magacaabaya dagaalkaa  JIHAAD!! waxaana halkaa ku biloowday dagaalkii  ugu horreeyay ee ku dhex maray iyaga iyo dadkii  kale gobollada w/bari ee soomaaliya oo ka billowday gobolka nugaal dagmada garoowe ka dib markii ay hareereeyeen dhamaan wax gardkii dadka daga dagaanka w/bari ee isku bahda ah oo ay qarka u fuuleen inay dhamaan wada laayaan arrintu si kastab ha ahaatee dagaalkii waxaa lagaga adkaaday ciidankii AL-ITTIXAADKA ( wahaabiyada ) waxaana halkaa ku baaba`ay dhallinyaradii maanta wax maamuli lahayd ee isku bahda ahayd oo ay wax ku shubeen kana hor keeneen ehelkoodii iyo qaraabadii ay lahaayeen!! .


wax yar ka bacdi waxaa  asaasmay dawlad goboleedkii puntlan oo ay madax ka noqdeen dadkii hogaminayay dagaalkii lagaga hortagay wahaabiyada ee lagu jabshay waxayna wahaabiyadu  dagaalkoodii u badaleen mid qaboow waxay awwooda saareen inay indhaha dad waynaha oo markaa iyaga kaliya hayatay iska leexiyaan iyagoo dad kasbanaya waliba dhinaca madax dhaqameedyada xagooda, waxay qadeen tallabo ay ku furfurayaan dadkii oo iska hor keen ah iyagoo gaar ahaan raggii hogaaminayay dagaalkii lagaga hor tagay  farta ku fiiqaya .


waxay dadaal u galeen siday wax ugu shuban lahaayeen  madax dhaqamedyada qaarkood amaba madax dhaqameedyo cusuboo iyaga ah ugu samayn lahaayeen qabiilkii ay ka helaan arrintaas  wax kasta ha ku qaadatee waxaanad arkaysaa inay qabaa`ilka qaarkiis maanta leeyihiin madax dhaqameedyo itixaad ah oo dagaalkaa  ka dib la sameeyay  ama madax dhaqameedayada qaarkood lagu jiiday 35% qabiil ,lacag iwm oo ay shirarka ehehlku danohooda uga hadlayaan soo fan galinayaan dano AL-ITTIXAAD  waxayna hadda dhaqdhaqaaqoodii laallaabeen ka dib dhismihii dawlada carte  ee wahaabiyada ah iyagoo haddana ka faa`iidaysanaya is khilaafkii isimmada oo ah laf dhabarta dhismihii dawlad goboleedka puntland ee sanadkaan waxaa isa soo sharraxay rag siyaal isku sheegay ee ittixaad ah iyo kuwo u janjeera xagooda kuwaas oo u diiday inu cago dhigto maamulkii gobolku iyagoo raadinaya isku dhac ehel oo ay mar labaad ku baaba`aan dhallinyaro walaalo ah oo qaarkood wax ku shubteen taas oo sabab u noqondoonta inay gobolku gacanta dadka u dhashay ka boxo oo hoostago dad aan u dhalan  oo wahaabiyo ah iyo dad shisheeye  haddaba waxaan wax garadka gobolka u dhashay talo ahaan ugu soo jedinayaa inay maanta talada ka foro buuxsadaan oo aysan cadow isku dhiibin iyo waxaan danaynayn sharaf ku noolantooda, waxaan dadka mas`uulka ah ee goblka ku baraarujinayaa inay hoos wax u eegaan oo ay ka leexdaan waxa dhaawacaya sharafka dadka ay mas`uulka ka yihiin iyo soomaali oo dhan  amaba  muslimka  waxaan leeyahay ha halmaamina taariikhda iyo wixii la soo maray hana ka seexanina mustaqbalka waxa soo aadan sidaad dadka aad mas`uulka ka tihiin u gaarsiin lahaydeen waxay tiigsanayaan iyo sharaf ku noolaan nin walboow is xilqaanoo nin lagu seexdoow ha seexan.


Waxaan issimada reer puntland  u soo jeedinayaa inay mar labaad  u kulamaan sidii ay madaxa ciidda uga qaadi lahaayeen oo u toosinlahaayeen maamulkooda gobolkana ugana ilaalin lahaayeen inuu noqdo mid ay xassil la`aani ku dhacdo oo cago dhigan waaya   iyo inay meel uga soo wada jeestaan cadowgooda nin kastuu ahaadaba!!!!!!!!!


C/O ALLAAHI  HUSSEIN    NUURIYE21@HOTMAIL.COM
COLUMBUS UNIVERSITY

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).