ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


XERO- XERIYO QOYS YEYNA HODIN LOO XILAALTAMO:

Posted to the Web   May 02, 2002

WQ

Raage Jaamac

RageJma@aol.com  


Dadweynaha reer Puntland waa dad walaalo ah oo wada dhashay, loomana kala qaybin karo reer-reer, soohdimana lama kala dhexdhigi karo. Dadkaani wuxuu caan ku ahaa ka dhiidhiga xumaanta iyo u ololaynta nabadda, waxayna ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay inay qori kala hortagaan taliskii naxariis laawaha ahaa ee Ina Siyaad ayagoo midaysan oo garba siman ah, aragtidoda guudna ay ahayd siday ku soo ceshan lahaayeen karaamadoodii, sharaftoodii iyo nabadgalyadii ay ku noolaayeen intuusan Ina Siyaad afganbin maamulkii Somali oo dhammi dhisatay oo xaqqa ku dhisnaa. Reer Puntland waxaa uga dhintay wiilal iyo gabdho qaali ahaa, waxay ku waayeen xoolahoodii intoodii badnayd, waxaa waliba la kufsaday ama la fara xumeeyey qabdhahoodii qurxaha badnaa, ayagoo loo eegin qoys- qoys ee magac guud loo gumaaday.


Cadowgii sidaas u galay reer Puntland wuxuu bilaabay inuu adeegsado calooshooda u shaqaystayaal u dhashay Puntland si uu u kala qaybsho oo uu xoogooda u kala dhantaalo, dabadeedna ugu dhibyaraato siduu u dabargoyn lahaa, una hooskeeni lahaa xukunkiisii xaqdara ku dhisnaa. Raggii loo adeegsaday falalkii foosha xumaa ee waxashnimada ahaa waxay dhex galeen dadkii walaalaha ahaa oo ku midaysnaa aragti qura, ayagoo adeegsana boorsooyin lacag ah iyo qabiil bay kala furfureen midnimadii, dadkiina dhexdhigeen mugdi ayagoo u kala qaybshay dadkii wada-dhashay beel-beel iyo jilib-jilib, taasna waxay keentay dibudhac ku dhacay SSDF iyo hadafkoodii, waxayna waqtigii u dheeraysay taliskii sii dhimanaayey ee Afweyne oo bilaabay inuu cunno xirgiraha dadkii kale ee Somaliyeed ee u qabay in dhibaatadu kali ku tahay reer Puntland oo qura, asagoo boqol-boqol iskugu xir xiray oo xeebaha ku xasuuqay, qaarkoodna dayaarado ku weeray oo waxyeelo ba'an u gaystay.


 Caadaqaatayaashii naloo adeegsaday iyo kuwa cusub oo ay soo taba-bareen ayaa maanta oo aan soo ceshanay karaamadeenii, magaceenii iyo nabaddii naloo soo diray mar labaad si ay u baabi-iyaan waxaan labaatan iyo sadex sanno u dagaalamayney oo  Ilaah mahaddiis noo soo hoyatay; Waxay maantana doonayaa
inay noo kala qaybshaan reer qurac, reer qansax iyo qoys-qoys, ka dibna na hoos geeyaan maamul ka xun kii Siyaad oo ay madax ka yihiin haraagii Afweyne iyo Mooryaan miciin laawayaal ah.Waxay adeegsanayaan lacag iyo qabiil mar kale siday u kala daadiyaan qaranimada iyo xoogga midaysan ee shacabkaan wada dhashay oo aan kala maarmin hiil iyo hooba.


Rag baa loo soo dhiibay cudurkaan faafa ee khatarta ah, horayna ugu dhacay oo lagu soo tigaabiyey walaalaheena Koonfurta iyo Gobolada dhexe ku nool oo loo kala qaybshay dad wada dhashay oo walaala ah inay kala taageeraan Ina caydiid iyo Caato oo ay qori isu qaataan.

Marka hore reer Puntland isweydii middaan, maxay ku dagaalamayaan Caato iyo Ina Caydiid? ma dhul bay kala haystaan? ma xoolay kala dhaceen? miyeysan ahayn laba qoys oo walaala ah oo hal oday wada
dhalay? Waxay calooshoodooda u shaqaystayaasha u dhashay Puntland doonayaan inay inoo kala qaybiyaan sidii Cayr iyo sacad loo kala qoqobay oo cudur qabiil oo qaab daran loo kala dhex dhigay.


Haddaba dadweynaha waxgaradka ah ee reer Puntland maxaa la gudboon maanta si ay ku ilaashadaan sharaftooda iyo jiritaankooda? soo ma aha inay wax walba u huraan  dhiig iyo dheefba siday uga hortagi lahaayeen balaayada lala maagan yahay? mise waxay u kala qaybsami qoys-qoys oo dhulkooda nabadda ah bay u kala  qoqoban Goof-Goof ? Taasna waxay cimrigooda dheeraynaysaa MICIINLAAWA-
YAASHA Cabdiqaasim madaxda ka yahay oo mar labaaad gumaad iyo ciribtir u gaysandoona dad aan danbi lahayn.


Waxaan hubaa dadkeena intiisa badan inay ogtahay waxa lala damacsan yahay, cidina aysan u kala qaybin karin xero-xero, qabiilna layskaga horkeeni karin ayadoo dano khaas ah lagu fushanaayo, waayo horey u soo arkeen aragtidaan qaabka daran.

Raage Jaamac
U.S.A
ragejma@aol.com


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.