ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Yaa Diidan in Awrka La Wada Rarto.

Posted to the Web   April 12, 2002

WQ

Raage Jamac

RageJma@aol.com     



Abwaan, Somaliyeed baa yiri, " Baadida rag baa kula daydaya daalna kaa badane, oo aan haddana doonahayn inaad heshaa." Haddaba dadweynaha reer Puntland waxay  geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii loo heli lahaa dowlad Somali oo dhan rali ka tahay oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii ay adduunka ku lahaayeen. 

 

Dowlad ugu baaqda dadweynaha qurbaha ku dhiban inay dib ugu soo laabtaantaan dhulkooda hooyo oo ay dib u dhisaan guryahoodii la burburshay iyo beerahoodii. 

 

Reer Puntland waxay horseed u ahaayeen shirkii Sodare ee lagu heshiiyey in laysugu yimaado Bosaso oo dowlad khayr qabta lagu dhiso oo layswada cafiyo. 

 

Reer Bosaso iyo walaalahooda Puntland waxay awoodooda oo dhan isugu geeyeen siday walaalahooda Somaliyeed ugu soo dhaweyn lahaayeen gurigooda, gacan weyna uga gaysan lahaayeen midaynta Somalida wada dhalatay oo mugdigu soo kala dhexgalay, laakiin nasiibdarro waxaa loogu jawaabay " Arreey Bosaso qabiil baa dagee xaan ka doonaa?" Taasna waxay ku abuurtay niyad jab,balse waxay isku raaceen inaysan ka daalin raadinta dowlad loo dhan yahay iyo taakulaynta walaalahooda tacadiga lagu hayo. 

 

Puntland waxay ummadda walaalaha ah ugu baaqday in qofwalba gurisiisa dib ugu laabto, wada tashi iyo nabadayn , dabadeedna ay dhistaan maamul u gaar ah oo ay soo celiyaan nabadii faraha ka baxday, doortaana madax ay raali ka yihiin oo danahooda ilaasha, ka bacdina laysugu yimaado dowlad dhexe oo la wadaago difaaceeda iyo nafaacigeedaba.Nasiibxumo, raggii diiday Bosaso iyo kuwa qowlaysato ah ayey u cuntami-weydey aragtidaan, dano khaas u ah darteed, dabadeedna go'aansaday inay dowlad been abuur ah ku soo dhisaan Carte iyo carigaa Jabuuti, waxaana Puntland iyo Bosaso loogu abaal guday in gurigoodii nabada ahaa dab laga shido oo ay yiraahdeen, " Arrey dowlad dhexe warkeeda daaye, guddoomiye aan kusoo diraa, Kismaanyana anaa dagee xaad ka downaysaa?" Haddaba dadweynaha Somaliyeed intiisa nabadda jecelow, waayo cidda diidan in Awrka la wada rarto? 

 

Ma Ittixaad iyo kuwa masaajidkii lagu cibaadaysanaayey la galay siyaasad iyo abaabul dagaal intay ummadda ku hanuunin lahaayeen, baa diidan? Mise kuwa xoogga iyo xaaraanta ku dagan guryihii dadka danbi laawa-yasha ah oo aan doonayn in dib danbe laysu arko? Malaha waxaa diidan dadka qoriga ku haysta dhul aysan lahayn oo ina BOOY baarqabka u yahay? 

 

Ciddii diidanayd iyo kuwii dilaalka u ahaa in la dhiso dowlad dhexe, hadda waxaa caddaan ah in qoraxdii bari iyo halkaa Bosaso ka soo baxday in iftiinkeedii Ilaah mahaddiis gaartay Koonfurgalbeed oo himaladii reer Puntland horseedka ka ahayd, hadda ay noqotay wadada qura ee Somali ku walaaloobi-doonto- DOWLAD DHEXE!!              

 

Raage Jaamac                

U.S.A


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.