ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Nin kudilay Har kuuma jiido!

Posted to the Web   March 13, 2002

WQ.

Raage Jaamac 

RageJma@aol.com  

Dhibaatooyinkii faraha badnaa ee reer Puntland soo mareen waxaa ugu xumaa oo haarihii iyo daqaradii ay uga tageen wali ka muuqdaan, dabargowntii ina Siyaad, dhacii iyo dilkii Mooryaantii aan miciinka iyo naxariista lahayn ugeysteen, qabsashadii Kismaanyo iyo ku xad gudubka xuquuqda bi'aadinimo ee dadkaas danbi laawayaasha ahaa. 

Dhibaatadaan dadkii u gaystay dadweynaha reer puntland waxay diyaar ula yihiin inay cafiyaan oo xag Ilaah loo laabto oo ay mar labaad walaaloobaan,wixii dhacayna aanay mar kale dhicin. Dadweynaha Puntland ku nool waa og yihiin in walaalahooda Somaaliyeed ee Koonfurta iyo gobolada dhexe ku nool inay nabad iyo nolol doonayaan laakiin raggii isku diray dadweynahaan wada dhashay oo dhiigooda ka taajiray, shaqana ka dhigtay iska horkeenka iyo afuufka dagaal ka dhex dhaca dad wada dhashay inaysan marna ogolaanayn inay nabadi dhacdo oo lays cafiyo. 

Raggaan dhiig yacabka ah ee muqlaysan waxay ka soo jeedaan qaybaha ummadda Somaliyeed dhammaantood, waxay ka siman yihiin aragti ah abuur colaad, dabadeedna dadkaaga kusoo jiido anigaa idin difaacaaya oo reer hebel idinka celinaaya,intaa wixii ka danbeeyana wuxuu bilaabaa siduu dhiigooda lacag ugu badali lahaa. 

Bahda reer Punland intooda badani waa kala yaqaanaan kuwa dhiigga dadkooda ka baayac-mushtara iyo kuwa la danta ah; inkastoo ay wali dagaal kula jiraan siday isaga sifayn lahaayeen kuwa daacuunka qaba oo daawadoodu tahay inay dhiigga dadkooda lacag ku badashaan. 

Cadowga reer Puntland maanta ay leedahay waa Carta iyo ciddii taageersan waayo waxay ka soo jeedaan madaxdii maamulkii AFweyne iyo kiwii hogaaminaayey Mooryaantii ka danbeysey. Waa rag wada danbiyaal ah oo naxariis iyo kalgacayl aan dadkooda u hayn oo doonaaya inay mar labaad jeebka ka buuxdaan lacag ay dhiigga dadkooda ka sameeyeen. 

Waxay mar kale xanuun iyo hurgun ku abuureen dadkaan danyarta ah oo doonaya inay iska iloobaan wixii loogaystay, nolol iyo mustaqbalna samaystaan. Carta waxay soo noolaysay aragtii Kacaankii Siyaad iyo ragga Puntland u dhashay siduu ugu shaqaysan jiray oo aan mar kale aragnay ayagoo usoo tafaxaytay inay qabtaan mid la midda ah tii ay u hayeen Siyaad oo ay si wanaagsan u yaqaanaan. 

Haddaba dadweynaha reer Puntlaanow, waxaad ogaataan nin ku dilay oo raba inuu meedkaaga iibsado oo ku gorgor-tamo inuusan geed harkiis kuu jiididoonin . 

Raage Jaamac Columbus, Ohio. 

ragejma@aol.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.