ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Xasan Abshiroow Ha Sugin Xeerada Salkeeda!

Posted to the Web  June 11, 2002

WQ.

Raage Jaamac

RageJma@aol.com  

 

Qofka bini'adanka ah wuxuu tabcado waxaa ugu wanaagsan camal suuban iyo magac wanaagsan oo uu dhalaankuu dhalo uga tago oo ay ku meel maraan, laguna xushmeeyo. 

 

Haddaba, Xasanow, muddo dheer baad ku soo dhex jirtay xayn-daabka siyaasadda, anigoo aan maanta taataabanayn waxqabadkaagii ama dhibaatadii aad keentay midkoodna, waxaan kusoo jeedin lahaa inaad dib isugu noqoto oo aad fiiriso hareerahaaga iyo xaaladda maanta oo aad ka tanaasusho sheegashada darajada aan dadkaaga iyo dhulkaaga midna dan ugu jirin, waayo maanta cid ku maqlaysa oo aad wax u sheegi kartaa waa dad yar oo dano khaas ah kaaleh .

 

Dadweynihii reer Mudulood intoodii badnayd waxay kuu arkaan inaad cadowgooda tahay oo aad cid kale u adeegayso; Ummaddii ku noolayd Jubbooyinka iyo carigaa Kismaanyo waxay aaminsan yihiin inaad iibsatay oo aad taageerayso kuwa xoogga ku haysta, indhahana ka daboolatay dhibaatada ka dhacaysa carigaas.

 

Qowmiyadda ku nool Somaliland warkaaga ma maqli karaan, waxayna aaminsan yihiin inaysan cadow kale aysan lahayn aan adiga ahayn; Iskana daa warkooda dadkii aad ka dhalatay ee Puntland oo rumaysan cudurka ku dhacay oo burburiyey nabadii iyo midnimadoodii inaad adigu u keentay oo Cabdiqaasim kuugu soo dhiibay cudurkaas oo ahaa Qabiil iyo laaluush. Dadka reer Digil iyo Mirifle ku diide oo dooni-maayaan inay wax ku darsadaan Cabdiqaasim iyo Ina Qayb-diid dowlad ay hor boodayaan. 

 

Haddaba, Xasanow, waxaa ku taageersan waa dowlado dano khaas ah u taageeraaya ururka aad ka mid tahay ee Carte, sababta ay u taageerayaana waa ku xumayn dowladda Ethiopia oo ay iskaga soo hor jeedaan arimo wajiyo kala duwan leh oo aad si wanaagsan ula socoto, ummadda Somaliyeedna aan dan ugu jirin. 

 

Xasanow, qowmiyadda aad ka dhalatay ee degta cariga Punt waa dad leh taariikh dheer, kuna caan ah samo ka taliska iyo nabad raadinta, waana dad sharaf iyo magac leh, waxaad rabtana waad ka heli kartaa haddii aad magacaaga iyo koodaba sharaftiisa ilaaliso. 

 

Waxaan kaaga digaynaa inaadan u khaldamin mar labaad sidii Kacaankii habaarnaa ee aad u haysatay inuu ahaa mid barakaysan, inkastoo ilaa iyo hadda aanan aqoon fiican u lahayn sidaad u aragto dhibaatadii uu gaystay Ina Siyaad, walow aad gacan yare u ahayd. Ha sugin xeerada salkeeda ee mudane Xasan Abshir Faarax waxaad noqotaa mid badbaadiya naftiisa iyo tan magaca carruurtiisa, ee noqo mid lagu xusuusto inaad ahayd mid ceebta Carte gartay oo ka dheeraaday, hana sugin intuu Xaji Suudi Yalaxow gacanta kugu dhigidoono, taas oo ceeb iyo magac xumo u noqondoonta cawaaqibkaaga danbe. 

 

Raage Jama 

ragejma@aol.com

USA

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.