| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

 SURWEELGAAB.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 13, 2001
Posted to the Web  21:15 GMT December 13, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Raage Jaamac

RageJma@aol.com 

Ummadda Somaliyeed oo ah 100% dad muslin ah, diintoodana si aad ah u qiimeya. Wadaadada iyo qof alla qofkii astaanta muslinimo ka muuqato si wanaagsan bay u xushmayn jireen, una xaqdhowri jireen.

Markii waqtigiisii dhammaaday Kacaankii diintii Islaamka ku badalay mabda'ii hantiwadaagga, akhlaaqdii suubanaydna dhaqan xumo iyo karaama la'aan ayaa wadankii waxaa ku dhacay walaahow iyo kala cararaay. 

Intoodii badnayd raggii halaag noo horseyday baa mar kale u tafaxaytay siday dhiigga dadka uga macaashi lahaayeen, meel kasta iyo si kasta oo ay ugu suuragali lahayd arintaas bay maryaraha u laalaabteen; waxay yeesheen kulamo fara badan oo qarsoodiya siday arintaasi ugu suuragali lahayd. Ugu danbayntii waxay ku heshiiyeen in wadanka qayb xoog lagu qabsado, inta kale oo xoogga lagu maquunin waayeyna laga soo galo dhinaca diinta oo halkaa lagu soo xero galiyo.

Puntland waxay ka mid ahayd meelaha faraha lagaga gubtay oo jab iyo halaagga lagala kulmay dagaaladii xaqdarada ahaa ee lagu soo qaaday. 

Nimankii dhiig yacab ka ahaa waxay go'aan sadeen in dhinaca diinta laga soo galo, waxay usoo rareen jawaano lacag ah oo ay sideen ragga astaantii islaannimo ay ka muuqatay laakiin aragti dheer oo guracan lahaa; dadweynihii reer puntland oo diintooda jeclaa gacmo furan bay ku soo dhaweeyeen, ayagoo u qabay inay culumaa'u-diin yihiin oo ay Ilaah aminsan yihiin,waxay u dhiibeen ilihii dhaqaalaha, kii difaaca iyo hogaankii dhulkoo dhan. Taasi waxay u noqotay guul usoo hoyatay Surweel iyo wadamadii ka danbeyey. waxay lacag ku harqiyeen wiilashii yar yaraa ee biibitooyinka fadhiyey, iyagoo ku amray inay surweelada gaabsadaan, garkana dheeraystaan; waxay u sheegeen inay salaadda maqrib iyo tan cishaha aysan masaajidka ka maqnaan si loo arko, "ciddii aan astaantiina oo kale lahayn hala hadlina, salaanta haka qaadina waayo diin sax ah mahaystaan oo gaalada waxba ma dhaamaan" bay ku yiraahdeen.

Ayadoo xaladdu meel wanaagsan u marayso oo baarqabo ka noqday dhulkii intii badnayd, baa kuway talo wadaag ahaayeen waxay xoog ku qabsadeen Gaalkacyo; waxaa lagu laayey dad aad u fara badan, waxaa la gubay guryihii iyo dukaamadii, dadkii oo cayr ah baa u kala cararay meeshii ay caymo ka heli kareen, waxay u habar wacdeen walaalahood iyo wadaadadii ay maalkoodii iyo qoryahoodii ay u dhiibteen, mise maxaad ii dhiibatay, qorshahaaba laysku ogaa iyo in sidaan loo qaybsado. Raggay culumada u qabeen waxay bilaabeen dhabar jabin iyo inay xabad la dhacaan dadkii muslinimada ku aaminay. 

Waawarey, qoryahaa la urursaday dagaal kharaar baa shaydaamadii muslinka isu ekeesiiyey lagu qaaday, huf iyo waxaan jirin baa laga dhigay, dib danbana qori ayagoo sita looma arag.

Muddo dheer bay ka tashanayeen sidii mar labaad loo hanti lahaa maamulka puntland, ayagoo og haddii aysan gacanta ku dhigin puntland in aysan waxba uga kala soconayn Somaliya; taladii waxay ku soo biyo shubatay shirkii Carta iyo in Puntland lacag lagu burbursho ilaa iyo haddana dagaal ba'an bay ku hayaan laakiin dadweynaha oo u dhuundalool khiyaamada hadda ka hor la baday iyo waxa lala damacsan yahay baa ilaa hadda hortaagan Shaydaamada surweelada gaabsaday.

Kuwa cabsidii Ilaah illoobay oo adduunka u sheegaaya surweelgaab Somaliya ma joogto miyeyna ogayn in caro Alle ku dhicidoonto!  Waxaa hubaal ah Al-Itihad iyo kuwa inay daboolaan isku dayaaya inay muddo aan dheerayn dhadhamin-doonaan xanuunkii iyo walwalkii ay dadka muslim ah ay u geesteen mid la mida ama ka xanuun badan.

Raage Jaamac

U.S.A.

ragejma@aol.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com