ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Ujeeddo:- Been sheege waa balo abuure Yaan loo kabo galinin.!!! 

Posted to the Web   April 09, 2002

AllPuntland waxaa lagu soo gaarsiiyay Emailka

Abdulqader Amin

som_kuw@hotmail.com  


Ujeeddo:- Been sheege waa balo abuure

Yaan loo kabo galinin.!!! 


Waxaan salaan iyo hambalyo u soo gudbinayaa maamulka iyo Editerska Shabakadda caanka noqotay ee ALLPuntland, waxaan idiinku hambalyeenayaa sida aad ugu guuleysateen hirgalinta iyo adeegsiga habka ama nidaamka cusub ee baahinta dunida maanta ka socota, waana tallaabo horumar weyn lagu gaadhi karo sida fudud ee la isugu tabinaayo ama la isu gaarsiinaayo wax kasta oo la xiriira akhbaar cusub…..Fikrado..

 

Aqoon…Cilmi-baaris..Dhacdooyin-siyaasadeed….mid-dhaqaale..ama mid Bulsho, IWM.

 

Waxaana u rajeynayaa shabakadda ALLPuntland, kuna boogaadinayaa wax-garadka masuulka ka ah ee maamulkeeda haya amaba mulkiilaheeda ah ,inay noqdaan kuwo ka qaata kaalin hormuudnimo u adeegista Bulsho-weynta Soomaaliyeed, kuna guuleysta baahintaiyo soo bandhigidda barnaamijyo objuctiv ah , oo wax tar u yeesha umadda soomaaliyeed soon jiita akhristayaasha kala duwan ee ku kala nool qaarradaha dunida. 

Waxaan intaas raacinayaa, waxaa beryahan danbe caado noqotay in akhristayaasha Internedka markasta oo ay galaan Webkiinna ama bogga ALLPuntland in ay la kulmaan wax qoraallo-ku sheeg ah oo ku saabsan Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Kuwait ku nool, oo muddo dhowr bilood ah soo celcelinaysa, hadallo dicaayad ah oo raqiis ah, oo ku wajahan Safiirka kana been sheegeysa Jaaliyadda iyo xaaladaha ka dhex-jira,

 

Ujeedadeydu ma aha in aan ka jawaabo qoraalladaas waayo ma mudna in laga jawaabo, balse waxaan rabaa in aan dhowr arrimood u soo jeediyo maamulka ama editerska shabakadda:- 

-------Sida lawada ogyahay akhristayaashu ama dad-weynuhu waxay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan wixii ay hayaan oo talo ama rayi ama fikrad iyo aqoon ah, editerkuna faragalinin, hase ahaatee waxaa xaq loogu leeyahay qodobadan:-

  1. In qofka wax soo qoraaya uu sheego magaciisa oo dhammestiran iyo cinwaankiisa oo buuxa si looga raadraaco qoraalkiisa

  2. In qoraalkiisu uusan noqonin mid wax u dhimaaya qof kale ama hayad kale,sidoo kale waa in uusan wax u dhimeynin dhaqanka iyo xeerarka guud ee ummaddu qadariso.

  3. Waa in qoraalkiisu noqonin mid lid ku ah ama wax u dhimaaya ujeedooyinka iyo sumcadda guud ee hayadda baahinaysa qoraalkiisa, waana in laga heli karo haba yaraatee wax dan u ah akhristayaasha ama

    U adeegaya hadafka guud ee shabakadda baahinaysa. 

Markii aan qodobadan ku miisaanno qoraallo ku-sheeggan ina hor yaalla waxaa cad inay ka fogyihiin wax mudan in la baahiyo sababtoo ah:-

 

A)-Soo diraha qoraalladan marnaba ma sheego magaciisa dhabta ah oo magadcyo aan jirin iyo E-mail been aabuur ah ayuu adeegsadaa, tusaale ahaan fiiri qoraallada kala ah----

-----(Posted to the Web 11march) waxuu qortay Abdo Abdi,

(Posted to the Web march ) waxuu qortay Dhallinyarada Soomaalida Kuwait

(Posted to the Web 23 march) waxuu qortay Cadaalad Qaran??????

Waxaa intaas sii dheer mar waxuu sheeganayaa inuu ka mid yahay Jaaliyadda ku nool dalka Kuwait ,marna waxuu sheeganayaa inuu ka mid yahay Jaaliyadda ku nool London??(waa labada qoraal ee isku xiga oo todobaad gudahood ah march)

 

Hadaba ,intaas oo been abuur ah oo is wada burinaaya inay dareemi waayeen editersku ama ikyagoo dareensan ay daneyn waayeen waa nasiib darro dhaawacaysa kalsoonida iyo sumcadda ay shabakadu leedahay. 

B)Qoraalllo ku-sheegani waxay meel kaga dhac iyo xsad gudub ku yihiin shaqsiyaadka loola jeedo ka sokow dhammaan jaaliydda soomaaliyeed ee ku dhqan dalka kuwait gaar ahaan odayaasha iyo aqoonyahannada mar walba lagu maxaabsanaayo magacyadooda oo iygoo aan ka warqabin magacyadooda lagu soo qoraayo Internetka, sidoo kale waxay ceebaal ku yihiin dhaqanka soomaalida ee xishoodka iyo dhowrsanaanta qadarin jiray, waxaa ceeb ku ah dhaqankeenna xurmeynt mudan in meel fagaara ah lagaga hadlo priveciga u gaarka ah xaasaska iyo gabdha soomaaliyeed, hadaba maxaa keenay Wiilka iyo Gabadha Soomaalieed ee is guursaday haddii khilaaf soo dhex galay in sheekadooda Internetkka lagu faafiyo aaway xishoodkii???? mid kale oo ka sii daran, dadka soomaaliyeed waa iswada guursadaa waana iswada dhalay maxaa keenay sheekada ku saabsan xaaska madax-weynah iyo cidda ay u dhalatayiyo noloshooda u gaarka ah in lagu xsd-gudbo oo Interneetka qoro ceebeyn been abuur ah, maxaase dan iyo faaiido ah oo ugu jira akhristayaasha Internetka shabakadda baahineysa midkoodna dhaqanxumida noocan ah.

C) Asaasayaasha Webka AllPuntland ama milkiilayaasha maamulkeeda haya ma filaayo hadafkooda ama barnaamijkooda shaqo inay ka mid tahay in ay sii qasaan oo biyo kusii daraan arrimaha soomaalida oo muddo dheer soo qasnayd , balse maxaa dhacaya hddii la sii wado baahinta qoraallada noocan ah, waxaa la soo gudboonaan doonta laba arrimood oo midkoodna u fiicnayn sumcaddooda iyo shaqadooda. Oo kala ah :- 

 

---Inay diyaar u noqdaan baahinta qoraallo kuwan la heer ah oo wada been abuur iyo xad gudubyo iyo dad ceebeyn ku saleysan oo jawaab u ah waxa labaafinaayo, taas oo shabakadda ka dhigaysa goob fadhi ku dirir ah oo dadka soomaaliyeed ee ka daalay dagaalkii xabadda u fureysa dagaal kale oo caytin iyo aflagaadeyn ah, akhristayaasha sharafta lehna ay ka leexdaan gelitaanka weebkiinna .

Inay diidaan baahinta jawaabaha loo soo diro markaasna ay ku sifoobaan kuwo dhinac ah oo iyagu dan gaar ah ku wata baahinta sheekooyinka noocan ah. 

 

Labadaas arrimood midina uma fiicna shabakada sumcaddeeda riyaalbilitigeeda waxaana sidaas kaga lumaaya kalsoonida akhristayaasheeda.

Ugu danbeyntii waxaa jeclahay inaan idiin sheego:-

_____Jaaliyadda iyo Safaaradda Soomaaliyeed ee deggan dalka Kuwait dhammaantood xog ogaal buuxa ayay u wada yihiin cidda ka danbeysa qoraalladan iyo wax yaabaha ku qasbaaya, mana xiiso galinayso wax kast oo ay soo qoraan.

 

_____Safiirka jooga kuwait sida kuwa kale waddan kasta jooga waxuu hoos yimaada oo masuul ka ah wax qabadkiisa xumaan iyo samaan midkasta ha ahaatee laba dowladood oo kala ah midduu ka yimid ee uu wakiilka ka yahay iyo dowladda uu wadankeeda joogo midwalbana waxay leedahay hayado uga soo warbixiya dhaqdhqaaqiisa iyo wax qabadkiisa, Danjiraha Kuwaitna ma aha mid bir ka sameysan oo labadaas dowladood aanay wax ka qaban karin haddii ay jiraan wax uu ku muteysto in wax laga qabto ee nidaamka dowligu uma dheg raariciyo qof kabtiisu xoqeyso, oo dano gaar ah wata. 

Gabagabadii waxaan ku gunaanadayaa hadalkeyga, haddii maamulka ALLPuntland uu aaminsanyahay hal kudhegga astaanta u ah ee dhaheysa:-

 

(RUN SHEEG WAA KHEER SHEYR SHEEG)waa inay ku dhaqmaan mabdaooda oo aanay ka leexan waxaana ugu darayaa halkudheggooda mid kale oo ah:-

(BEEN SHEEGE WAA BALO ABUURE YAAN LOO KABO GALININ) 

Mahadsanidiin Cabdiqani Maxamad Wacays

La-taliyaha Kowaad ee Safaaradda

Soomaaliyeed ee Kuwait,

Tel. 00965-5394795 M.B.6420628

Kuwait,6.4.2002 

 

Qoraalada AllPuntland daabacday oo lagu eedeeyay Maamulka safaarada Somalida ee Kuwait oo uu CabdiQani Wacays ka mid yahay maamulkas, qoraal kasta waxaad ka  helaysaa  cinwaanka (Email) aad kala Xiriirayso:

Fariinta Kooban ee Maamulka AllPuntland: Maamulka Safaarada iyo Akhristayaashayada qaaliga ahba waxaan u sheegaynaa in Allpuntland ay soo bandhigayso ra'yiga xorta ah ee Akhristaha, iyadoon ka eegin inuu yahay mid wax dhaliilaya ama amaanaya, kaliya Allpuntland waxay ilaalisaa inaan lagu gefin Diinta Islaamka, Qabiil ama qof shaqsiyadiisa .

Dhaliisha Macnaheedu maaha Gef, AllPuntland Dhaliisha  waxay u taqaan Sixitaan.

Qoraalkasta oo Akhristayaashu ku Cabiraan, kuna sheegaan Fikirkooda ama ogaalkooda ee  AllPuntland Kusoo baxa wuxuu lee yahay oo ku cad bilowga qoraalkasta email address lagala xiriiri karo qoraaga ama soo gaarsiiyaha AllPuntland, email Address-kaas oo  inuu shaqaynayo oo sax yahay ay AllPuntland Hubisay.

 

AllPuntland way baahinaysaa  Codkiisa (Fikirkiisa iyo ogaalkiisa) qof kasta iyadoon ka eegin darajadiisa  si loo helo sinaan xoriyada codka, waa haddii ay ka madax banaan tahay Gef.

Sidda ku cad dhamaadka qoraalkasta oo akhristayaashu soo qoraan, AllPuntland mas'uul kama aha, wax fikir iyo fara galina ahna kuma laha ra'yiga akhristaha ee kusoo baxa qaybta Ra'yiga akhristaha ee AllPuntland.

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo.....



Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.