ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Cabdiqaasin Salaad – Booy xaalkiisu waa nin daad qaaday xumbo xuskay 

Posted to the Web  June 08, 2002

WQ.

Said Abdille

danjire_saa@hotmail.com 

Khudbaddii horjoogaha kooxda carta uu ka jeediyey xuskii dhalashadii Nebiga CSW oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo lagu qoray qalabka warbaahinta 3/6/2002 waxyaalo badan ayey tusi kartaa ciddii awal shaki kaga jirey waxa uu Cabdiqaasin Salaad-Booy u taagan yahay iyo cidda uu matalo. 

 

Markii uu ku mabay 19 kii sano oo xukuumaddii millatari maqaar saar ahaanta xilkaas ugu magacawday, ayuu markii tii dhammaatay istusay inuu mar kale Soomaali diinta ugu soo gabbado. Waxaana ah marag ma doonto inuu ka mid ahaa dhowrkii wasiir oo ugu daacadsanaa nidaamkii kacaankii 21 kii Oktoobar 1960. 

 

Maxayse akhristow kula tahay sababta muddadaas dheer marna jagadaas uga dhici waayey? Xaggee ayuu jirey, xilkee ayuu hayey, kaalintee ayuu ka joogey shareecada diinta Islaamka, markii tiirka lagu xirayey 11 kii culimada ahaa oo waxa kaliya oo ay sababsadeen ahayd, ”diinta ayey u yihiin daacad”, inta uusan maanta isku dayin inuu cid kale ugu faano diin? Markii uu waayey wax xoog kaga fujiya guryihii, beerihii iyo degaannadii uu dhacay ayuu haddana u soo dhigtay diintii oo rabaa inuu dhoco, sida isagoo qofkii dulmiga uu wado ka soo horjeesta ku sheega gaal iyo isagoo damcay inuu culimada soomaliyeed malleeshiyo uga dhigto dagaalkiisa ku salaysan qabyaaladda, dhul furashada iyo sheegashada dad iyo deegaanno uusan matalin.

 

Su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay, goorma ayuu Cabdiqaasin Salaad – Booy noqday nin wax laga weyddiiyo diinta Islaamka? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ”xagalo geel wax gunti la galiyo ka weyn”. Muqdisho, Kismaanyo, Marka iyo Jowhar iyo inta u dhexaysa deegaan inuusan ninkaasi ku lahayn waa la wada ogyahay, nabad iyo Soomaalinnimo inuusan ku jooginna waa la ogyahay.

 

Nin raba inuu wax dhacaana inuusan wada hadal iyo heshiis rabin waa la ogyahay. Waana tan uu doonayo inuu qariyo oo maahmaahdu daarran tahay. 

 

Cadiqaasin Salaad-Booy, wuxuu la wareersan yahay, dawlad ku sheegtiisii, sidii wax qof kaliyihi habeyn ku riyooday, oo aan kuraasteeda golaha wakiillada laga keenin laguna salayn deegaannada ka jira Soomaaliya, ee lagu dhisay hawada iyo meelaha duurka ah. 

 

Inay sidaas u dhacdayna waxaa marag u ah kuraastii uu madaxweynaha Jabuuti Mudane Geelle hadba jeebka ka soo bixinayey oo siinayey ciddii uu rabo! Iyadoo uu ahaa nidaam aan marna isu keeni karin, lagana rabin isu keenid Soomaaliyeed ee lagu qaraabanayey ayuu haddana isaga naftiisu sii cimri dedejiyey, markuu kaligi Muqdisho ku beddeley Baydhabo oo laysku ogaa inay si ku meel gaar ah magaalo madax u ahaato. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, nin daad qaaday xumbo cuskay. 

Taas waxaa ka dhigan sida ay talo uga wareertay hoggaamiye kooxeedkii Carta. 

 

Wuxuu ka habaabay inuu ka hadlo dulmiga iyo dadnimo xumida ka jirta meesha uu isagu joogo, inta uu meelo kale. 

 

Marag waxaa u ah inuu wareersan yahay, kuwii rabey inay naftiisa meesha ka cayriyaan ayuu rabaa inuu farta ugu fiiqo meelo kale, si uu u marin habaabiyo. Runtu waxay tahay, inuu markuu isku dhaacayo laga bilaabo Mudug ilaa Boosaaso uu is leeyahay wax qalad oo ha lagu moodo nin awood leh oo haweysanaya meelo fog fog. 

 

Hadal iyo dhammaantiis. Cabdiqaasinka reer Galguduud ama Matabaan Garoorre oo siyaasad uusan ehel u ahayn lugta la galay, isagoo sahankii uu intii uu siyaasada ku jirey oo dhan ugu soo arkay beesha uu ka dhashay deegaanno barwaaqo ah, dabadeedna ku raray. 

 

Cabdiqaasin Salaad-Booy ma sheekh baa, ma siyaasi baa, mise waa dagaal ooge. Su’aashaas waxaan weyddinayaa dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan. 

 

Siciid Cabdille Cali (Ilweyn) -

Denmark

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.