ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

C/qaasim oo waashay!!!!! 

Posted to the Web  June 04, 2002

WQ.

Siciid Diirye Maxamed

Abdi65@hotmail.com 


Waxaa dhammaan aniga iyo dadkii akhristay qoraal internet-ka kusoo baxay maalinkii Axada tariikhduna aheyd 2/6-2002 ee lagusoo daabacay boga internetka ee DAYNIILE. aad noo fajacise oo amakaag iyo anfariir nagu beertay hadaladii uu ku hadlay ninka iskii isugu magacaabay inuu yahay madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliyeed.  

 

Qoraalkaa oo uu nuxurkiisa ahaa mar uu C/qaasim ka hadlayay xaalada Puntland inuu C/laahi Yuusuf, waa madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland inuu yahay waa sida uu hadalka u yiriyee “Nimanka jooga gaalkacyo ilaa Boosaaso iyagoo ah dad nabdoon ayaa waxaa rogay nin daallim, faasid ah, kaafirna ah oo diinta islaamka waa hore ka baxay, C/laahi Yuusuf waa nin kufriyey oo daallim ah wuxuuna u adeegayaa coddowga ummadda isagoo dadkiisana ku hogaamiya coddowga diinta islaamka” 

 

Ereyadaa waxaa laga hayaa afka dagaal-ooge C/qaasim oo eey dhibaysay unuu afkiisa soo mariyo magaca Puntland, markii uu adeegsaday ereyga nimanka dago gaalkacyo ilaa Boosaaso. 

Ereyadaa Dagaal-ooge C/qaasim ka yiri mar uu khudbad u jeediyay ururka alsuna wal jamaaca, tasoo ku beegneeyd xuskii dhalashadii nabegeenii subanaa Muxamed (NNKH). Ereyadaa ma aheen erayo ku haboon nin mas´uul ah. Waaba hadii uu Dagaal-ooge C/qaasim mas´uul uu yahay, amaba sida uu asagu sheegte ee amaba dadka qaarkii u maleeyaan, malaha waa intuusan waalan ka hor.  

 

Lakiin waxeey ila tahay qoraalkaan kadib afkaartoodii ineey badaleen, ileen nin waalan waxaa ka liita ninkii raacee. ereyadaa waxeey marag madoonto u yihiin fashilka ku dhacay dagaal-ooge C/qaasim. Taa waxaa kasii darnaa oo kadaroo dibi dhal noqotay markuu uu usoo dhigtay dadyowga tirada badan ee daga gobalka Mudug kuwaas oo uu ku tilmaamay ineey yihiin kuwa diinta ka fog, kuna dhow ineey lo´da caabudaan sida hindida oo kale. 

 

Waa waxeey dadka qaarkii layaabaan, inkastoo aniga aan xogagaal u ahay shaqsiyada dagaal-ooge C/qaasim, oo aan wuxuu guda iyo galaba aqaan. Walaalayaal waxaa yaab leh inuu C/qaasim yiraahdo Soomali oo dhan baan madaxweyne u ahay, uu isla markaana qayb soomaliya kamid ah ku tilmaamo ineey dibida caabudaan, isla markaan sawaxanka afkiisa ka baxayey erayadaa markuu lahaa dadkii culamada ahaa ee dhabgeeysanaye eey wada yaabeen. Walaalayaal waxaa xusid mudan inuusan C/qaasim maanta waali ugu horeeynin, ee uu un muda ah ku noolaa xaaladaann dacdareeysan ee daryeelka u baahan. 

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.