| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Suldaan Garaase ma xujoobey?

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  30, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 30, 2001
.k

Waxaa Qoray

Mohamed Salah

mareera@iprimus.com.au 

 

Dabcan saxsanaanta ama khaldanaanta dhinacyada isku haya u arriminta
Puntland waxay ku xidhantahay hadba ruuxa fikaraddiisa caabirayaa
dhanka uu giraanta ka istaago,ama ruuxu isagu sidaa aragyaa ama wax kale sabab u noqdaaba.
Waxaase cad in wax dagaal beeleed ah  ama fikir beeleed ku
shaqaynayaa aanu meesha ka jirin. 
 
Haddii aynu hoos ugu degno dhinacyada isku haya Puntland waa labo qolo oo mid kastaaba meel salka ku hayso fikrad u gooniyana wadato.wax asal ahna aanku lahayn ruuxu beesha uu ka soo jeedo.
 

Bal eeg Isamdu sidey u kala fikarad duwan yihiin, bal eeg Taliyaha Daaraawiishta iyo inta badani ciidamadiisu waa Reer Nugaaleed,

taliyaha Ciidamadu sidoo kale labaduba waa ciidamada la wareegey dhammaan xarumihii dawlaada ee Garoowe.
 
Waxaa dad badani aad ula yaabay hadalkii Suladaan Garaase ee BBCda ee arrinaka  u leexiyey Cabdillaahi yusuf oo Reer Cumar wata in uu ku soo duuley Ciise.
hadalka caynkaas ahi ma aha Hadal Isim runtii waa hadaladii Qabqablayaasha dagaalka (warlords).
sidiisaba Isimku meelkasta waa ka isim, marna dhaqan uma lahayn isku caraynta ama abuurid wax aan jirin.
 
Ma garanyo waxa Suldaanka hadalka caynkaas ah ku kallifey.
malaha waa isagoo aan horey ugu tababarreyn isinnimo.
Horena aan loogu soo sheegin sida loo furdaamiyo  markay arrini sidaa u ribbato markaad isimka tahay.
kama hadlayo sharcinimadii(isnimada Suldaanka). waayo beel ayaa dooratay wuxuuna tixgelin u yelanayaa sida kuwo weligood soo jirey, balse waxaa looga baahanyahay isimada cusubi in ay wax ka bartaan kuwa ka khibarada badan.
bal eeg ragga tababarka 70 sano(islaam Maxamed Islaan Muuse) wata mawqifkooda.
 
Gunaanadkii hadalkayga waxaan leeyahay Suldaan Garaase wuu xujoobey ee ha is xujo furo
 
Mohamed saalah
 

Xusuusin:   Aragtida Qoraalkani waa mid ka turjumaysa argatida qoraaga qoray oo magaciisa iyo emailka lagala xiriirayaa kor ku qoran yihiin, marna looma fasiran karo mid ka turjumaysa aragtida AllPuntland. Mahadsanid

 

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).