ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


C/Risaaq H. Huseen waa ABAHA SOMALI: LAMA GALO BAD WAYN ODOON DABAAL BARAN!

Posted to the Web   May 03, 2002

WQ

Samatar Hassan 

samatarhaji@yahoo.com  

C/Risaaq H. Huseen waa ABAHA SOMALI: LAMA GALO BAD WAYN ODOON DABAAL BARAN!

Waxaa qoraalkan igu dhaliyay markaan akhriyay dhow qoraal oo dhalinyaro ku qoreen allpuntland oo ay ku aflagaadenayaan Mudane C/Risaq Xaji Xuseen. 

 

Somali waxay tiraahdaa midaan talin jirin haduu taliyo midaan tagi jirin baa taga, taa waxaan ooga jeedaa in dhaliyaradan uu shabakada internat:ka usaamaxday inay kusoo gudbiyaan codkooda aysan waxbadan ka kororsan seebaanka maanta uu aduunku ujanjeero iyo fikirka xorka ah ee muqdasobay. dhibi kumajirto hadii qof si wax oola muqdaan balse taasi ma aha mid marmarsiiyo usiinaysa inuu dafiro waaqica taagan. 

 

Qofku sharafta kuma kasbado wax laga sheegay ama laga qoray sidoo kalena oogama ay dhacdo wax laga sheegay ama laga qoray ee sharaftu waa hadiyadaha ilaahay qaybiyo mid kamida taas waxaa kuu daliila meeqaa qarash iyo maal galiyay in boorar kasta lagu dhajiyo sawirkooda, magacooduna lagu heeso hase yeeshee wadanha dadku galinwaysay in la sharfo. 

 

Dowlada Sinawi ee Mudane Cabdirisaq lahadlay aqoon yari iyo figrad gaabi malaha kuma dhalin ee wuxuu yaqaan xeerarka aduunka, qanuunka la iskula xisaabtamo, iyo cabiraadiisa amuuro kafog kuwa maanta taagan oo idinka aad lajaha wareersantihiin. 

Garan maayo sidaan oogu garaabo qof difacaya wadan kamida kumeestayaashii somaliya soomaray iyadoo sidoo kale uu fogeynayo mid kamida halgamayaashii magaca aan wadano ee somaliya hirgaliyay. 

 

Kuwa sidaan ufakiraya (fikir gaabyaal) ayeey yihiin kuwii sal guuriyay wanaagii laga dhaxlay odayaashii hore. iyagoo baday dadkii oogu karaama iyo sharaf badanaa qaaradaa in ay noqdaan kuwo malaha iyo xaqiiqda kala saarin, hamigooduna maanta iyo inta ishooda qabato uusan dhaafsiisneen. 

 

Malaha dhaxalku wuxuu kasoo jeedaa xukumadii hore ee S.Bare waxyaalihii xumaa ee lago dhaxlo oo ay kamid ahayd dafirida taariikhda suuban ee somaliya iyadoo 21 oc. laga dhigay malinta wadanka xaga 1 july la tirtiray. 

Hadal kaygii hore aan kunoqdee Wilalow Dabaal barta Aduunkan maalinba dhinac usiqaya fikri gaaban ma koobi karo, ee yaan lagu sifoobin sidii dameerkii faras ismooday oo kale. 

 

W/Towfiiq

Eng. Samatar

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.