ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

Ixtiraamka naftaada ayaa ah kan ugu muhiimsan ee qofka wax kunoqonkaro.

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 08, 2002

Posted to the Web   January 09, 2002

Waxaa Qoray

Samatar Hassan

samatarhaji@yahoo.com

 
Respect Yourself:

Ku: dhamaan dadka internetka wax kuqora

Waxaan wakhti hore nalagu xaman jiray dad aad uhufan oo kafaana xumaan in lagu sheego qofkuna sumcadiisa ilaalinteeda ay ooga muhiimsanayd waxa kasto oo ilaah caabudiisa kasoo hara. Waxaan xasuustaa in Abahay igu oran jiray inaad qaday iyo inaad dharagtay dadku inuu ogaado way ku adagtahay balse nadaafada jirkaada kamuuqata iyo qowlkaaga ayeey dadku intabadan ku ogaadaan meesha aad kasoo kacday iyo sidii laguu ababiyay. 

Hadaan usoo noqdo tariikhda mugtiga ah ee somaliya oo bilaabatay wixii 80 kii kadan beeyay, waxaa dadku marwalba amaanaa qofka wax dhaca oo loo yaqaan cadkii gooste, kan beenta badan oo looyaqaan aftahan iyo midka madaxa adag oo loo yaqaan geesi. Sidookale waxaa soobaxay in layiraahdo kan wax aan dhicin suufi/miskiin, kan beenta kafog laga roone, kan dabacsana doqon. 

Hadaba bulsho sidaa kubarbaartay sidee wax ku noqon kartaa?? waxaa lama huraana in loobaahan yahay in la ilcaamiyo meesha ciladu kasoo jeedo. 

1.      Dadkeena ka weyn 50 oo intooda badan kusoo koray waalid la’aan oo aan fursad uhelin waxbarashada aasaasiga ah ee diinta iyo tarbiyada

2.      iyadoo dadka intiisa magaalada kunool ay aad uyarayd, kuwa baadiya kunoolna inta xoolahooda kufilan yihiin ay yarayd

3.      iyadoo hay’ada shaqaalaha oogu badan ee somaliya kashaqeen jireen ay ahayd wasaarada gaashaandhiga, inagoo mar ahayn quwada ugu awoodabadan qaarada inta saxaraha kahooseesa: hadaba cidaanka ayaa ahaa kuwo aad iskala weynaa dadka intiisa kale, akhlaaq doodana liidatay, markiidanbana awooda iyo talada wadanka gacanta kuhayay 

hadaba xaalku haduu sidaa yahay xagee xal laga raadiyaa. Waxay ilatathay aniga inay haboontahay in dadkeenii fursada uhelay inay wax bartaan aan akhlaaqdeena saxno sidaan kuwa kale aan role model oogu noqono. In loo bahan yahay inaan iswacyi galino inagoo kafaa idaysanayna tiknolojiyada cusub,  waxaa jirta in homepage;yo  badan oo somali ahi jiraan lakiin dhamaan tood qoraan warar kutiri kuteen iyagoo kala taageeraya dagaal ogayaasha nala haray. hadaba sow mahaboona in macluumaad badan lagaga faa idaysankaro homepage:yadaa, iyagoo sheegaya iskuulada  iyo jaamacadaha soomlidu wax kabarato inta sanadwalba waxbarsho sare gala, guubaabin kuwajahan kuwa daneenaya inay waxbartaan iyo utilmaamid meelaha waxbarashadaa laga heli karo iyo sida loo heli karo labaduba. Waxaa kaloo ay dadka homepage:;da qora soo gudbin karaan wareysiyo ay layeelanayaan aqoon yahano somaaliyeed/kuwo-somaali ahaynba, dhaliyron soomali oo inay waxbarato jecel iyo talooyin guud oo quuseeya waxbarashada iyo tarbiyada caruurtaba. Waxaan aaminsanahay inay fudutahay soo ururinta arimahan, waayo waxaay maalin walba soo gudbiyaan waraysiyo ay lakala yeesheen dagaal ogayaal iyo siyaasiin kusheegba. 

Ugu danbeyntiina waxaan rabaa inaan usoo noqdo qodkii aan kahadlayay oo ah respect yourself: taa waxay ku imaan kartaa markaad oogaato siduu wakhtigaagu qaali uyahay sida wanaagsan ee aad ooga faa idaysankarto, wanaajinta sumcadaada oo ah mid xitaa caruurtaada kaa dhaxlayso iyo kasbasho amaan wanagsan oo hadhow dadkaadu kufaano. 

W.Towfiiq

Engineer Samatar

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com