ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Idaacada BBC-da ma Qabyaalad bay ku shaqeysaa.

Posted to the Web   March 30, 2002

WQ

Samiiro Axmed Jaahudh 

zuzan21@hotmail.com 


Waxaa dhacdo lala yaabo ah sidii ay BBC-du uga beensheegtay dagaalkii 28 March ka dhacay magaalada Boosaaso, kasoo ay ku tilmaantay mid u dhaxeeyey Ciidamada Maamulka Jaamac iyo Maleeshiyo Bangiga weerartay, taasoo aanay aheyn mid wax ka jiraan. Dagaalku wuxuu dhab ahaan dhexmaray Ciidamo la jira Jaamac Cali Jaamac oo Qoyska uu ka dhashay ah iyo kuwo difaac u ah Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin oo isagu deganaa Ciidankiisu Rugta Gobolka Bari, waxayna si qatalaad ah ku qabsadeen Ciidamada Jaamac Rugta Gobolka Bari oo ilaa iyo hadda ay haystaan. Waxaa socda  dhanka Xaaji Bakiin oo laga wadaa abaabul dulaan xoogan sidii loo qaadi lahaa oo jawaab u noqota weerarka Jaaamac Cali Jaamac uu ku tun sheegtay.

Dagaalku dhinac walba waa loo adeegsadaa, hase ahatee waxaa la yaab ah Idaacada BBC-da oo ah Raadiye dhex-dhexaad wixii dhaca u sheega in uu qaab qabiil ku qariyo dhibaatada soo gaartay Ciidamada Xaaji Bakiin iyo ka qabsashadii lagu sameeyey Rugtii Maamulka Gabolka Bari, mana aha markii ugu horeysay ee ay BBC-du daboosho horay waxaa u jiray war-saxaafadeedyo uu soo saaray Xaaji Bakiin oo wajiyo badan ka hadlayey, mana ayan soo deyn BBCdu. Saababtu sidey doonto ha ahatee waxaa cad in ama Kuwa wakiilka uga ah Bosaaso iyo Puntland ha ahadeen ama kuwa London fadhiyaa ha noqdeene, koley waxaa jira talo qabiil oo ku xiran dhanka Idaacada BBC-da, oo ku saleysan waxay rabaan ha la sii daayo waxa ayan rabin ha la qariyo.Waxaanse u joognaa oo dhugan doona bal waxa danbe ee dhaca iyo sida ay waji kale ugu yeelaan.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.