| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

Shacabka Puntland ha is raaceen.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 07, 2001
Posted to the AllPuntland.com  December 07, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Sanyare

sanyare@qwest.net  

Waxa mahad leh ilaaha na uuntay, waxaan ku faraxsanahay si qadarinta mudan ee maanta loo badbaadiyey caasimadii puntland (Garoowe),taasoo si qadarin leh ay dhamaan u guntadeen Odayaasha,Aqoonyahanadda , Ciidamada Daraawiishta iyo Shacabka qadarinta mudan ee reer puntland.

Maanta waxa aan u hamiyeyno waa shantaas gobol iyo Boohoodle,marka si dhayil ah yaan loo bur-burin.

Siyaasadda Somaliya si fiican baan ula soconaa dadkayaga dabadaha jooga,waxaana mar kasta ka soo horjeednaa kooxda Carta,sababtoo ah mawqifkoodu waa cad yahay-kaasoo ah in marna aysan ka tanasulin dhulalka ama deegaanada ay xooga ku haystaan.

Anigu waxaan ahay nin somaaliyeed ,somalina waa la noolaan karaa isna waa ila noolaan karaa,laakiin qofna deegaankiisa lagama qaadi karo sida hadda ka jirta Jubooyinka iyo shabeelooyinka somaaliya. 

C/qaasim waa somaali , qof kastana madaxtinimo waa doonankaraa laakiin wax aan marna faa'iido u lahayn waa xukunkaan dadku aysan rabin.

Hadii xukun wax taraayo waad soo martay, maanta somaali badbaadi oo sidaas dawladi kuma soconkartee ka tanasul madaxtinimad aad sheeganaysid. 

Shir loo wada dhan yahay ha la qabto halkaasna dawlad rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay la dhiso, si wixii horay u dhacay loo ilaawo, waxaan arinkaan ka wada hadalnay dhalinyaro badan oo aan ku wada noolnahay wadankaan Maraykanka, isku si baan arrinkaas u wada aragnay. 

Somaali oo dhan waa dad walaalo ah oo isku jeer ah,  kanaa weyn iyo kanaa yar horay bay abwaanadda soomaaliyeed u sheegeen. In xad ahna dagaaladdii sokeeye waa laysku bartay marka hada waa wakhtigii wax kasta la xalin lahaa, waxaan sii maraynaa 11-sanno, ma waxaan nahay dad cawaana oo aan wax garanayn, maxaan dagaalkaan intaas socda ka

helaynaa,maxaan wiilasheena dagaalka ugu dhamaynaynaa, waxaa filayaa waa inoo caqli xumo inaan dagaal aan xad lahayn ku dhamaano. 

Waxaan hadalkayga ku soo gaba-gabaynayaa C/qaasim Salaad  arintaas aan kor ku sheegay ayaa nasateexadu ku jirtaa, waxaa lagu jiraa bil barakaysan (Ramadaan), wax kasta ilaahay waa aqbalaa bishaan,arinkaas

fuli ilaahay ha kula garab galo.

 

 

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com