ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

Waa Maxay Hadafka Midnimadu?

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 14, 2002

Posted to the Web   January 14, 2002

Waxaa Qoray

Shariif Maye

shariifmaye@hotmail.com

Waxaa caadi u noqotay dad badan oo Soomaaliyeed oo wax qora inay yiraahdaan "waxaa loo baahan yahay MIDNIMO ama waa in aynnu MIDAWNAA" iyo erayo kale oo lamid ah. Haddaba kalimada "MIDNIMO" waxay noqotay halhays ama halqabsi, hase yeeshee waxaa muuqata in dadka kalimada "midnimo"  isticmaalaya oo dhami isku si u fahansanayn kalimadani waxay tahay ama wax loola jeedo.

Marka ay dad wada hadlayaan ama doodayaan waa in waxa ay ka doodaayaan marka hore la isla gartaa oo meel la isla dhigaa.  Sida awgeed waxa lagama maarmaan ah in la fahmo micnaha kalimada "midnimo". Bal aan is weydiino, waxay tahay "MIDNIMO"?

Midnimo waxaa la oran karaa waxa weeye "ISU TAG AMA IS-URUURSI SI HADAF LOO WADA FULIYO". Marka arrinta ugu muhiimsan marka laga hadlayo midnimo waxa weeye "hadafka, waa maxay sababta loogu baahan yahay in loo midoobo"? Iyagoo dad  ku kala duwan xag af, xag diin, xag qabiil ama xag midab ayay midoobi karaan, maadaama hadafkoodu isku mid yahay. Sida awgeed marka la leeyahay ha la midoobo , su'aasha meesha imanaysaa waxa weeye "waa maxay hadafka midnimadu?.

Culumadu waxay qabaan in nooc kasta oo midnimo ahi aanu wanaagsanayn, waayo waxay dad ku midoobi karaan: "xaq darro, dulmi, caddaala-darro iwm, isla markaana waxay isla kaashan karaan inay dad kale xaqood  dhacaan, qaataan ama si gardarro ah ku baa'biyaan.Midnimada noocaas ahi miyay wanaag-santahay ? Jawaabto waa maya, maxaa yeelay waxay ka soo horjeeda diinta Islaamka.

Sidaas darteed, waa in la fahmaa in midnimo aan caqiidadeena ama qaanuunka Caalamiga ku salaysnayn ay tahay mid jac-bur ah oo aan wanaagsanayn. Tusaale ahaan haddii aynnu soo qaadano Soomaaliya waxaa burburiyay waa midnimo qabiil ku dhisan. Haddii aan Ilaah ka baqno, waxaanu markhaati ka nahay in qabiil waliba uu ku midoobey (midnimo) si uu qabiil kale ama deriskiisa ku duulo, xaqoodana u qaato.

Ta  Soomaaliya maanta ka taagani waa taa  oo dad badani waxay isku bahaysteen in ay maroorsadaan xaqa ay leeyihiin  dadka laga badan yahay (the minority) ama si xoog ahinay ku degaan dhulkooda si ay u gurtaan khayraadka badda & berriga oo Eebbe ku manneystay masaakiintaasi. Marka midnimada noocas ahi miyay wanaagsan tahay? Jawaabtu waa caddaan.

Tusaale kale aan u soo qaadno "Qaramada Midoobey (UN), billowgii markay dhisanaayeen Ururkooda, muxuu ahaa hadafkooda? Maa wuxuu ahaa ma inay Ummadda Adduunka ku nool: cabburiyaan, baa'biyaan, gumeystaan, caddaalad darro ku sameeyaan, gardarro ugu duulaan, xaqooda boobaan ? Mise hadafkooda wuxuu ku saleysnaa in ay Adduunweynaha u sugaan  xuquuqdooda, caddaalad & sinnaanta ijtimaaciga ah, in ay ka hortegaan dulmiga, gardarrada, iwm?

Middan dambe ayey ku midoobeen Ururka Qaramada Midobey, taa ayaana ah nooca midnimada ee Bulshadeena looga baahan yahay in ay ku midoobaan amaba isku bahaystaan.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed oo Ilaah ka cabsada, xaqana u dirira, caddaalad iyo sinnaanta jecel, dulmiga iyo gardarrada neceyb uga digayaa in ay ku dhacaan dabinka noocaas ah. Dabcan waa in aannu midoownaa si aan xaqeena u difaacno, hadafkeenana aan gaarno, laakin waa in aynnu iska ilaalinaa in aynnu u midawno in aynnu dad kale dulmino, waayo muslimiinta dulmiga iyo xumahaba waa laga reebay.

Waxaynnu naqaanna xanuunka iyo dhibta uu leeyahay dulmiga, sida awgeed. si aynnan ugu dhicin khaladkaa weyn ee ay ku dhaceen qabiilka dhulkeenna maanta haysta waa in ay midnimadeenu ku dhisnaanta diinta Islaamka. Haddii ay taasi dhacdo oo aynnu midnimadeena saldhig uga dhigno dhiinta Islaamka marna xaq darro dad kale ugu midoobi maynno isla markaana aqbali maynno dulmi iyo gumaysi.

diinteennu ma oggola in aynnu dad dulmino,isla markaa ma ogola in aynnu dulmi aqbalno oo waxay innagu tiri qofkii dhinta isagoo iska difaacaya dulmi ama xaqdarro waa shahiid oo kale.

Marka aynnu sidaa midnimadeenna ku sallayno, waxa sahal noqonaysa in aynnu is taageerno oo kuweena dhibaataysan waxaynnu u qaban karno u qabanno oo aynaan cidla iskaga tegin. Maanta runtii cidla ayaynu iskaga dhaqaaqnay. Si ay midnimo run ahi u timaado waa inaynnu "MARKA HORE" waxaynnu u qaban karno u qabanaa kuweenna dhibaataysan ee aynnu dhulkii kaga nimid ee dhulkoodi  xoog lagu haysto, hantidooda la dhacay oo xitaa loo diiday in ay beerahooda tacbadaan ama baddii weyneed ee Illahay siiyey laga hor-istaagay in si hornimo  oo madaxbanaani ku dheehan tahay ka kalluumaystaan.

Haddii ay naxriis yar innogu hartay damiirkeena, ma aha in aynnu Europa ama America intaynnu fadhiisano oo niraahno  "MIDNIMO, MIDNIMO", waa in aynnu fikirnaa oo deresnaa sidii walaalaheena oo Dalka ku dhibaataysanaannu u gar gaari lahayn, dadka dulmiga ku haayaana laga badbaadiyo, iyadoo loo maraayo sifo kasta ama tallaabo kasta ee Diinta waafaqsan.

Eebbe wuxuu yiri: "haddaad wax ciqaabeysaan u ciqaaba inta laydin ciqaabay, haddaad samirtaana isaga u khayr roon kuwa samra (suura Al-Naxl, Aayadda 126).

Dulmiilayaasha waxaan uga digaaya in ay ku waana qaataan waayaha socodka taariikhda Adduunka, ha ogaadaan in nin waliba beertuu abuuray ayuu miraheeda goosan doona, haddii Eebbe uu raalli ka noqdo. Waxaan dhambaalkan ku soo gunaanadaaya "Xddiiska hoos ku xusan":

Nabiga (SCW) wuxuu yiri: "Muslim kasta waa walaalka qofka kale ee Muslimahi, ma uu dulmiyo mana u gacan geliyo cadowgiisa. Qofkii danta walaalkii muslimka ah dar yeelana Alle weyne baa dantiisa dar yeela. Qofkii qof muslim ah kurbo ka feydana, Alle weyne baa ka feydamid ka mida kurbooyinka maalinta QIYAAMAHA. Qofkii qof muslim ah u ceeb asturaana  Alle weyne baa u ceeb astura maalinta QIYAAMAHA (Bukhaari & Muslim)-

Wa Billaahi Towfiiq.

Dr. Shariif  Sheekhuna Maye.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com